Xubnihii DF ee lagu xiray Hargeysa oo xog badan shaaca ka qaaday (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) Dhawaan waxaa garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa lagu xiray seddax sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo maamulka Somaliland uu ku eedeeyay in ay rabeen si dhuumaaleysi in ay ku soo galaan magaalada Hargeysa.

Wasiirrka arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Somaliland.

Haddaba BBC-da ayaa waxa ay wareysatay Jaamac Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa seddaxda sarkaal ee lagu xiray garoonka Hareysa.

Wuxuu beeniyay in Hargeysa ay ku sii jeedeen, isagoona intaas ku daray in si xoog looga qaaday baasaboorkooda markii ay ka soo dageen garoonka Cigaal

Wuxuu sheegay in muddo kooban ay doonayeen in ay ku hakadaan garoonka diyaaradaha Hargeysa si ay u sii raacaan diyaarad ku sii jeeday Addis Ababa, balse si xun loola dhaqmay intii ay joogeen garoonka oo tacadiyo loo geestay sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ku socdeen magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirar caalami ah oo halkaas ka dhcayay.

Si kastaba, maamulka Somaliland ayaa sheegay in aan cid xil ka heysa aysan ka soo gali Karin deegannada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com