KASHIFAAD: Dhibaato hor leh iyo kala boobka dhulka (Maxaa socda?)

Inta la hubo Waddanka Soomaaliya waxa uu leeyahay 8. 200. 000 Hektar oo ku habboon beerista dalagga kala duwan, intaas waxaa u dheer xeeb badeed dhirirkeeda kor u dhaafay 3000 KM oo ay ka buuxaan kalluun nooc waliba leh.

Dhul baaxad weyn oo isla siman, labo Webi iyo dhowr togag waaweyn, macdan nooc waliba leh iyo cimilad u saamaxday in Seddaxdii Bilood-ba lagu goosan karo dalagga nooca Masagada iyo Galeyda, nicmooley nooc waliba leh, intaas oo kheyraad ah uu Allaah ugu barwaaqeeyay ayaa intii ay dadaal iyo tacab muujin lahaayeen waxaa Soomaalida looga maara waayay is Dil, is Dagaal iyo hadal badnaan oo jiimo ugu fadhinin.

Wixii ka dambeeyay Dagaalkii lagu qaaday Ciraaq iyo Afgaanistaan Dowladaha galbeedka waxaa soo wajahay dhibaato dhaqaale oo ay fahmi waayeen sidii looga bixi lahaa, markii muddo ay la daala dhacayeen ayeey waxaay dareemeen haddii arrinta ay sidaan dhaami weydo in Qatar loogu jiro sidii loo quudin lahaa dadkooda malaayiinta kor u dhaafay oo weligood dareemin wax la yiraahdo abaar iyo baahi midna.

Sidaas ayaa waxaa la isugu yeeray qubaro ku xeel dheer saadaasha ka hor tagidda musiibooyinka, keddib markii muddo ay isku daaleen ayaa quburada waxay ay guddoonsadeen in sahan loo tago waddamada ku habboon dhul beerista si loo helo dhul baaxad weyn oo laga soo saaro mirihii lagu quudin lahaa Dadyowga Waddamada hantida badan sida Mareykanka, Shinaha, Ingiriiska, Hindia, Jarmalka, Faransiiska iyo kuwa kale oo badan.

Isla markiiba si Deg-Deg ku jirto ayaa waxaa la guddoon saday in Waddamada qaar sida Sudaan, Tanzania, Etiopia, Suudaanta Cusub, Gana, Mali, Muzambiko, Senegal, Liberiya, Kenya, Uganda laga ijaarto dhul ku habboon beerista dalagga oo nolosha bani Aadamka looga maarmin.

Ilaa haatan arrinta waxay ku ektahay dhul iyo beer la ijaartay balse waqti aad u dhaw waxa loo gudbi doonaa in xoog la adeegsado sidii Dadka masaakiinta looga fara moroojin lahaa Beeraha yar-yar oo gacan falatada ah.

Dowladaha waaweyn iyo Hay’adaha Dowliga waxay mar hore billaabeen in ay la wareegaan dhul baaxaddiisa ka weyn tahay 200 Malyan Hektar, qaar la gatay iyo mid ijaar 99 sano si ay ku soo saaraan Cunto qiimo jaban oo looga baahan yahay waddamadooda.

Inta la hubo Dhul Boobka waxa uu soo billawday muddo dheer balse baaxaddiisa waxaa aad loo dareemay Tobankaan Sano dambe.

Soomaaliya Dowladahii hore ka jiray inta la og yahay waxaay saaxibti nimo ama ijaar ku wareejiyeen beerta LIBSOMA, bertii Falastiin, beerta Ciraaq, tan Imaaraadka, hadda se xaajada waa ha u fadhinin.

Hunguri weyninka iyo sed buursiga dowladaha waaweyn waxa uu salka ku hayaa in waddamada itaalka daran siiba kuwa Afrika lagu soo rogo Gummeysi cusub, wallow sida runta tahay ay Afrika laga soo billaabo Heshiiskii Berlin 1884 ayan marna ka xoroobin gummeysi mid toos ah ama mid maldahan.

Waddan waliba oo Afrika ah waxaa ka shaqeeyo Dad iyo Shirkado nooc waliba leh oo u xil saarnaa in ay la wareegaan wax soo saarka warshadaha iyo beeraha sida bunka, caleen shaahig, sonkorta, kakawga ayagoo ku doodayo in warshadeeyn geynayaan keddib na dib ugu soo celiyaan Afrika ayadoo qiimaha dambe u affar jibbaar ka sareeyo kii hore ay kula warteegeen.

Dhibaatada Gummeysiga cusub waxa uu si gaar ah u taabanayaa beraleyda yar-yar oo korkooda lagu kala gadanayo dhulkii ay abid ku noolayeen ayadoo loo rarayo meel hor leh oo cid sahan u tagtay ayan jirin, arrintaas waxay haatan ka taagan tahay waddanka Ugaanda oo dadka dan leyda ah qeyla dhaantooda dibadda u soo baxday.

Soomaaliya waxay gacanta ugu jirta ururo badan oo uur kiraalayaal ah una adeego hayado krishtaan ah sida Blackwater, saraceen iyo kuwa la mid ah ururadaas waxay u xilsaaran yihiin abaabulka, diyaarinta iyo taaba gelinta qaabka iyo waddada ku habboon hir gelinta nooca Gummeysiga cusub.

waddanka Soomaaliya waxa uu hore u soo maray Gummeysi kala geddisan balse midka haatan lala damacsan yahay aad ayuu uga mug weyn yahay kii loo yaqaanay TEENKA iyo kii KELI ASAAYLE waxaase lala yaaban yahay ayadoo ay muuqato dhibaatada baaxaddaas leh in haddana Dadka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba ay u muuqato sidii mid waliba midka kale uga taqalusi lahaa.

W/Q: Avv. Xussein Diiriye Afrax, London