Dad la yaqaan guurso dad la yaqaan beey dhalaane (Qeybtii 1-Aad)

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah  korkiisa Allaha yeelo.

Aan ku hormaro’e Xikmadaa kore ee ciwaanka ah waqtiyadii hore Soomaalidu waxeey u isticmaali jirtey marka eey ka hadlayaan Soomaalida dhexdeeda, ama kala guursiga gabdhaha ee Beelaha dhexdooda ah, iyagoo ku dheeragalinjirey in gabadhu Tolkeed ka dhexguursato, sababtuna aheyd dagaallo Beeleedyadii ku dhisnaa ku hardanka Daaqa, Soohdimaha iyo Xoolaha. Maantase Soomaalidii dalkoodii baa burburey, oo dalal shisheeye oo aaneey wadaagiin, Diin, Dub, Dhaqan iyo Af toona ayey u kala firxadeen, oo xaalku wuxu marayaa warkii hore war soo dhaaf. Qaar ka mid ah gabdhihii Soomaaliyeedna waxeey caado ka dhigteen Guursiga Rag Ajaanib ah, oo qaarkood aaneyba Diin wadaagin (Subxaanallaah!), dabcan rag sidaa oo kale sameeyana waa jiraan, balse qormo u gaar ah ayaan uga hadlidoonaa, insha Allah.

Aan dib ugu laabto’e, waqtiyadii Beri-Samaadkii, dumarkeena Soomaaliyeed aad ayey isaga dhowri jireen guursiga Ajaanibta nuuceey rabaanba ha ahaadeene, maxaa yeeley sida dadkeena dibadaha eey ugu wada habjaqeen illaa iyo maantana loosii yaacayo xaalkeenu wuu ka duwanaa oo dad leh qaran dhisan iyo dal nabad ah beeynu aheyn, dalkana Ajaanibta weey ku yaraayeen, oo waxeey ku koobnaayeen magaalooyinka waa weyn. Gobollada waxeey ku mari jireen safar iyagoo Hey’ado la socda. Waxaase dhinaca kale jirey Dumarka aad fara ku tiris u ahaa, oo Magaalooyinka waaweyn joogey, kuwaasoo ahaan jirey dumarka Halleeysan ee “Beerta galay”. Dumarkaa waxeey ahaayeen kuwo Balwadaha xunxun eey diloodeen sida Khamriga, Durgs-ka kasii daran iyo Tumashada, arimahaa daraadoodna Ajaanibta dalka Joogtey sidaa ugu galijirey, oo Ajaanibta Gaal iyo Muslim wuxuu rabo ha ahaadeee iskala tumanjirey ama eey iska heeysanjireen, haduu Muslim sheeganayana iska guursanjireen. Waxeey ahaan jireen kuwo takooran, oo “Tuke Cambaarleh ah”, waxaa loo yaqaanney in eey dumar xun yihiin. Dadka qiimaha iyo sharafta lihina rag iyo dumarba aad ayey iskaga filqi jireen, oo uga faani jireen.

Xaqiidii dumarkeena guud ahaan ee aan balwadahaa laheeyni intabadan isma aaneyba arki jirin iyaga iyo Ajaanibtaa, luqad Ajnabi dumarkeena inta taqaaney weey iska yareeyd, wada shaqeeyn iyo ladhaqan keeni karey isu soo dhawaasho iyaga iyo Ajaanibta ahna haba sheegin. Dhab ahaan wixiiba cad Gaal ayuu u ahaaa, “Gaaloow-Gaal”. Waxkale iska daaye Ajaanibta Muslimka ah xitaa dumarkeena ma aaney jecleyn guursigooda, iyagoo aad uga baqi jirey in Dal iyo Dad aaney garaneyn uu la aadi doono, iyada iyo Ilmaha eey u dhashana aaney dib dambe isu arkidoonin nolosheeda inta ka dhiman marka uu soo eryo. Waa sida eey Carabtu ku sameynjireen qaarkii ka guursadey, oo iyagoo bilaa Ilmo ah ayey soo eryi jireen, dumarkaa oo u badnaa kuwii Jaariyadaha/Khaddaamad-yada u ahaa Carabta.

Aan Xaalka haddadan jira dib ugu soo noqdo’e,  ayaamahan waxaa aad usoo batey website-yada ka hadla Arimaha Bulshada, kuwaasoo dhalinyaro badani aqrisato. Kuwa wararka ku qora website-yadaasi waa kuwo aanan muhiimad gaar ah siinin saameynta eey ku yeelankaraan qaab-fikirka da’yarta. Waxa kaliya ee ay xooga saaraan waa in eey soo qoraan wax yaab leh oo ciwaan iyo qoraal ahaan ka fajaciya/ka yaabiya dhalinyarada. Waxaa muhiim u ah oo kaliya xayeysiinta dhaqaalaha aadka u yari eey ka helayaan (Google Adsense). Hadii eey helaan 1-Gabar oo Nin Cadaan ah ama guud ahaan Ajnabi ku dhagan ama la sawiran, inta Gabdhaha Soomaaliyeed oo dhan wada Shaabadeeyaan ayey waxeey si aan taxadar laheyn u soo qoraan ciwaano aad ula yaabeyso, oo eey ka mid yihiin, “Dumarka Soomaaliyeed oo nacay Raga Soomaliyeed!”, iyo  “Dumarka Soomaaliyeed oo isku raacay in Raga Soomaaliyeed aaney aheyn kuwa Romantic ah!”, ama kaba darane “Dumarka Soomaaliyeed ayaa waxeey taaganyihiin Raga Ajaanibta ah ayaa ka fiican kuwa Soomaaliyeed ama [Faaraxa]”, iyo kuwa kaloo la mid ah. Hadii hal gabar xitaa tiraahdo sidaas, “Sababtu waxeey rabtaba ha ahaatee”, ma dumarka Soomaaliyeed ayey wada matali kartaa? Maxaase arin guud eey uga dhigayaan, hadii aaney Geyru-Mas’uuliyiin aheyn?. Inkasoo eey Buunbuuniyaan, hadana xikmad baa dhaheeysa, “Qaac dab la’aan ma yimaado”

Waxeeyse iigu darneyd markii aan daawadey barnaamij-ka Arimaha bulshada ee ka baxa Universal TV, Youtube-kana lasoo galiyey July 8, 2013 (Link-gan ka daawo), kaasoo laga diyaariyey 22-Gabdhood oo Soomaali ah, joogana magaalada London, ee cariga Ingiriiska, da’dooduna u dhaxeeysey 24-38-Sano, guurna wada raadinayey, kana wada sinnaa in aaney rabin nin Soomaali ah, oo eey wada rabeen dhamaan niman Ajaanib ah. Wariyuhu wuxuu daawadayaasha weydiiyey: Maxaa ku kallifaya in gabdhahan Soomaaliyeed diidaan Ragga Soomaaliyeed, Ajaanibtana u raadinayaan? Dhageeystayaashii TV-ga Soowacay waxeey qaarkood ku sababeeyeen: 1-In wiilal eey jeclaayeen malaha gabdhahaa loo diidey Qabyaald darteed. 2-Qaar waxeey yiraahden, waa tiro yar oo ma matali karaan guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed. 3-Qaarbaa yiri, Taariikhdoodii hore ayaa xumeyd, oo waa gabdho hore u tuman jirey, hadana is leh Ajnabi aanan waxba kaa garaneyn ama eeyba caado u tahay ku qabso. 4- Qaarbaa yiri, waa gabdho laga quruxbadan yahay.IWM. Waxaase dadka Tv-ga Soo wacay ka mid ahaa nin Soomaaliyeed oo isna yiri, Aniga Gabar Soomaaliyeed maba guursadeen, maxaa yeeley weey qeylo, Qarash iyo Kadeed badanyihiin, bal adba!

yaqaan (5)Waxaa sidoo kale jirtey in uu Sheikh Saciid Raage ka hadlay Gabar uu mar nikaaxiyay ee uu Nin Shisheeye ah/Ajnabi ugu nikaaxiyay “$0.25/= cents”. Aad ayuu ula yaabey markii eey intaas u sheegatay MEHER-keeda in uu Yahay. Waxeey ku tiri, “Meherkeeyga waan rakhiisiyey maxaa yeeley waa sida Diinta haloo fududeeyo Meherka u tiri!”. Ninkii guriga hooyadeed ayuu Basement-ga ka dajiyay, BAASKIIL-na iyadoo Barafku buuro yahay ayuu ku wadan jiray iyadoo gadaal u saran, wuxuuna ku dhihi jirey marka aad i rabto meel heblaayo adiga iigu imoow. Mudo kooban kabacdina wuuba iska Fureyba!  Sheekha ayeey usoo noqotay isla gabadhii, waxey ku tiri, “Sheekhoow warqad Furriin ah ii qor”. Wuxuu ku yiri “Oo maxaa dhacay?” Waxeey ku tiri, “Waan Guursan rabaa sheekhoow” Wuxuu isagoo kaftan u dhiibaya ku yiri, “Markii hore ayaan ogaaye ($0.25/=Cents) ayaad Meher ka dhigtaye, hade markan MEHER-ba ma qaadeysid ayaan u maleeynayaa?”. Waxey ugu jawaabtey, “Maya sheekhoow in aan Meher qaado iska daaye, waxaan midkan ka qaadayaa Meher gaaraya $25000/=”. Markaasuu inta aad u qosley, isagoo Kaftankii sii wata ku yiri, “Waa hubaal in uu Soomaali yahay”. Waxeey si kalsooni badan ku tiri, “Iska daa waxkalee waaba ina adeerkeey!”. Shiikha oo yaabban ayaa yiri, “Fadlan gabdoow wiilasheena Soomaaliyeed haloo naxariisto, oo Meherka haloo fududeeyo si la mid ah sida Ajaanibta aad isugu rakhiisisaan, si guurka dhexdeena ah uu inoogu fududaado” (link-gan ka fiiri daqiiqada 42-aad ayuu uga hadlayaa).

QARRIBAADAN MA QARANKIYOO DUMAY IYO QURBAHAA KEENEY?

Sidiisaba Bini’aadamka deegaanka uu ku noolyahay saameyn ayuu ku yeeshaa (Al-Insaanu Ibnu Bii’atihi), wuu la qabsadaa, waxbadan ayuuna ka qaataa, kuwaasoo hadaanu ku dhexnoolaan laheyn wax laxun oo uu ka dido kana cararo la ahaan lahaa. Nasiib darro! Kadib markii Dalkeenii Hooyo uu burburey, ee Maatadeenii iyo Marasteeniiba Dibado iyo dhul Gaalo u hayaameen, Oowlaadii eey ku dhaleena ku qaangaartey, ayaa ceebaal badan oo inoo qarsoonaa bannaanka inooga soo baxeen. Waxyaabo markii hore ummadeenu aan ka dhex dhici jirin ama aad u yareyd dhicitaankooda ayaa kordhey, haba ugu darnaatee guursiga Ajaanibta nuucyadiisa kala duwan’e. Aan sii Afeefto’e dumarkeena qurbaha joogaahi intooda babadan Ajaanibta ma guursadaan, waxaase jira qaar aad u yar oo guursada Ajaanibta, kuwaasoo aan matalin dumarkeena qiimaha badan ee Soomaaliyeed.  Sababaha khubaradu eey arinkan hadda u aaneeynayaan, ayaa waxaa ka mid ah 1-In qeyb badan oo ragii Soomaaliyeed ka mid ah eey mas’uuliyadoodii gabeen markii qrubaha la yimid, oo dumar badan inta Ilmo kadhaleen, ku silciyeen, ugu dambeyna ka tageen, sidaana Single-Mothers uga dhigeen. Dumarkii jabkaa gaareey, oo eey usii dheer tahay in Ragga Soomaalidu leeyihiin waa Garoob ilmo nin kale ku raran, sidaana qaar ka mid ah dumarkaa Ajaanibta naf ka raadiyeen, iyagoo ciil dartiina dacaayado kala duwan ka faafiya  guud ahaan Ragii Soomaaliyeed oo dhan, waxkastana ku wada amaanaya wixiiba Rag Ajaanib ah, sidaana suuqa ku buufiyey gaar ahaan dhagaha gabdhihii yaryaraa ee Guur-Doonka ahaa ee Soomaaliyeed qurbahana joogey, kuwaasoo nasiib darro! Dhul Gaalo kusoo korey, yaraantoodii lasoo cayaari jirey Ajaanib, wax lasoo cuney, wax lasoo bartey, isku luqadna wada qaateen. 2-Tan kale ayaa waxeey tahay in dumarkaa Ajaanibta guursada intoodabadan yihiin kuwo Aabayaashood eey dhinteen, oo Hooyo Single-Mother-nimo eey kusoo korisey, oo Qiimaha iyo Naxariista nin Soomaaliyeed uu leeyhay aaney garaneyn, hadii xumaantiisa aanba laga dharjin. 3-Qaar waa kuwo Hooyadood iyo Aabahooddba eey qurbaha uga wada dhinteen, oo College-yada Gaalada eey kusoo korsadeen, oo waxa eey arki jirteen ee waxba u ahaa, ama naxariisba dareensiinjirey Gaalada uun ahaayeen, taasoo keeneeysa in Ajaanibta eey soo jiitaan, 4-Nasiibdarro! Qaar waa kuwo yaraantoodii eey faraxumeeyeen oo sidaa ugu galeyba. 5- Gabdhahaa intooda badan waa kuwo horey usoo tumanjirey oo waqti xeero iyo fandhaal kala dheceen soo baraarugey, oo is leh ama da’dan nin Soomaali ah kuguma rabo, iyo/ama Gabarnimo la’aantaada, ama Caan ayaadba xumaan ku aheyd, oo waa la isku kaa sheegey ee Ajnabi ku dhagso, lagana yaabe in eey kasoo laabatey wixii hore, ileyn Towbada Allaah markasta weey furantahaye. 6- Nasiibdarro! Dumarka da’da yar qaar waxeey si aan ka fiirsi laheyn oo indho la’aan ah isaga qaateen Propaganda meelaha dumarka xun xun eey galiyeen oo ah in Raga Soomaaliyeed aaneyba Romantic aheyn, lagana yaabe in waligeedba aaney la dhaqmin nin Soomaaliyeed, 7- Qaar waxeeyba leeyihiin Balwad Sigaar iyo Qamri, iyo dhaqan reer Galbeed oo nin Soomaali ahba isma keeneeysaan ayeyba is leedahay waa sida badanaa dhacda’e. 8-Ugu dambeyn waxaa dhacda in Self-Worth-kii iyo Self Esteem-kii ka dhintey, hadaan si kale u iraahdo Qiimo isla lahaashihii uu ka dhintey gabadhaa, dabcan jahlina uu jiro oo Ajnabiguba wax kale la yahay. Qaarbaa faan mooda in la yiraahdo, Heblaayo Nin Ajnabi ah baa qaba ama eey guursatey!

LA SOCO QEYBTA 2-AAD EE SOO SOCOTA

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid