WARBIXIN: Ciidamada Amisom oo bur-burin ku haya waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM in ay burburin ku hayaan waddooyinka degmadaasi ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda ee maamulka degmada Kaxda, Shaafi Maxamed ayaa sheegay AMISOM inay burburiyeen wadooyin dhawr ah gudaha degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa ka socda howlo lagu dhisayo wadooyinka laami cusubna lagu saarayo, oo ay waddo dowladda Turkiga, balse degmada Kaxda oo magaalada ka yara baxsan ayaa la sheegay inay dhibaato ka jirto.

Shaafi Maxamed waxaa uu xusay wadooyin ku yaala degmadaasi oo ka muuqda burbur, wuxuuna tilmaamay dhibaatadaasi inay ka dambeeyaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan hey’ado booqday degmada Kaxda, balse wuxuu sheegay in aysan jirin cid wax u qabatay degmada oo hey’adahaasi ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com