26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

XILDHIBAAN sheegay war cusub oo la xiriira bixitaanka ciidamada Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo hoggaamiye u ah howlaha guud ee baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay Aadan Barre ciidamo kooban 200 oo askari in lagu reebi doono magaalada Kismaayo kuwaas oo la shaqeyn doono ciidamo ka socda dalka Sierra Leone iyo boolis ka socda Nigeria kuwaasoo tababbar siinaya ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba.

“Ciidamada Kenya waxa ay ka mid yihiin AMISOM, waxa ay xoreeyeen Kismaayo, marka hadda waxa ay aadayaan gobalada kale ee Jubbooyinka si ay u xoreeyaan magaalooyinka Jilib, Jamaame iyo Bu’aale’ ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.

Wuxuu sheegay oo kale xildhibaanka in maamulka KMG ah ee ka dhisan Kismaayo ay aqoonsatahay dowladda Soomaaliya,QM iyo Midowga Afrika.

“Annigoo u hadlaya Kenya iyo baarlamaanka, waxaan xaqiijinayaa ma jirto dan aan ku heesano arrimaha Soomaaliya iyo Jubbooyinka, dadka waxaas sheegayana waa kuwa ka shaqeenayaa uun fikrad qaldan, Soomaaliya oo nabad ah waxa ay muhiim u tahay, Kenya, Uganda iyo Burundi” ayuu yiri Aadan Barre.

Hadalka xildhibaan Aadan Barre Duceele ayaa ku soo beegmayaa iyadoo Midowga Afrika uu shaley sheegay in ciidamada Keny oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay sii joogi doonaan magaalada Kismaayo iyo Gobalada Jubbooyinka.

Ciidanka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay la safteen garab ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay magaalada sannadkiii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Xog cusub oo laga bixiyey xaaladda madaxweyne Xasan Sheikh

0

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii shalay galab ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu ambabaxay dalka Turkiga, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Injineer Cabdiraxmana Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa u sheegya VOA in walaac uusan ka jirin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, balse uu u tagay uun taxaddar.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu aaday Turkiga Baaritaan caafimaad, laakin ma sheegin baaritaankaas caafimaad nooca uu yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa laga qarixiyay saxaafadda, waxaana taas ay keentay shaki badan.

Madaxweynaha oo meel fagaaro lagu arko waxaa ugu dambeysay Jimcihii xilligaas oo uu ka qaybgalay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Waraysiga hoos ka dhagayso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Wax kasta oo horumar ah oo sanadkan ka hir galay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan ka hir gelay Horumar baaxad weyn leh oo dhan walba isugu jiro waxaana laga dareemayaa Bilicda Caasimadda oo wax weyn iska badaleyn.

Muuqaalkani waa mid kooban oo la isku keen keenay waxuuna ka hadlayaa Horumarka sanadkaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

GANACSADE caan ah oo galabta lagu dilay magaalada KISMAAYO (Warbixin

Kismaayo (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa galabta ku dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada ganacsade caan ah halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay meydka ganacsadaha la dilay in laga helay meel ku dhow xeebta Kismaayo, waxaana ku yaallay kordhiisa dhowr xabadood oo lagu dhuftay.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo howgallo ka wado xaafadaha magaalada Kismaayo.

Waa dilkii ugu dambeeyee ka dhacay magaalada Kismaayo toddobaadkan, habeen waxaa xaafadda Guul-Wade lagu dilay askari ka tirsan ciiidmaada maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda ilaa hadda cidda ka dambeesa dilalka qorsheesan ee maalmahan ka dhacay magaalada Kismaayo,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Madaxweyne Xasan Sh oo xanuunsan, deg degna ugu baxay Isbitaal dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoona u amababaxay dalka Turkiga halkaasoo uu u tagayo arrimo caafimaad sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha Saxaafadda looma sheegin, balse madaxweynaah waxaa ku wehliya safarkiisa wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Waxaana la sheegay in madaxweynaah uu tagi doono magaalada Istanbul halkaasoo muddo ka badan toddobaad uu ku sugnaan doono, xilli la sheegay inuu xanuunsan yahay.

Ma cadda xanuunka haya madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii Jimcaha ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay ra’iissal wasaarihii horr ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo meydkiisa la keenay Muqidsho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muxuu R/W Farmaajo ka yiri arrintii ay ku dhaqaaqday DF Somalia? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Doowladii KMG ahayd ee Somalia, mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Ciidamo la ruqseeyay oo shalay banaanbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayuuahi Farmaajo waa tan:

Mudnanta koowad waxa leh ciidamada xooga dalka somaliyeed , kuwii dalka u soo halgamay , naafadi 1977 naftooda dalka u huray , iyo kuwa hada cadawga dalka ka saaray ha ahaaden odayaal hore oo khibrad iyo somalinimo ku jirto iyo dhalinyaro cusub oo hada hawsha ciidanka bilaabay , odayashi hore waxa ay leyihin khibrad wanagsan, waase lo arki kara in ay noqden da’ , lkn waxay ahayd in mushaarkoodu uu sidiisa ugu sii socda ,gabdhaha sido kale ayagana hadi laga fariisiyay shaqada waxay xaq u leeyihin in ay helan gunadi ay horay u heli jireen , hada ayan daawanayay qar kamid ah nafadi oo madaxtooyada ku hor bananbaxaya , dalkan waxa cadawga ka saray oo dhiigooda u huray ayago duruufo badan ku sugna 23 sano ee laso dhafay ciidanka xooga dalka , wax walba wa in ayaga laga hormariya si dalku u xasilo ciidanka kale na ay niyad dhis ugu noqoto

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Daawo Sawirrada: Dowladda JAPAN oo qalab muhiim ah siisay ciidamada DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Japan ayaa maanta oo Isniin ah ku wareejisay koonteenarro ay ka buuxaan agab-xafiiseed loogu tala galay in lagu qalabeeyo xarunta ciidanka booliska Soomaaliya.

Munaasabada lagu soo bandhigayay qalabkan oo ka dhacday Dugsiga Tababbarka booliska ee Gen Kaahiye, ayaa waxaa ka qaybgalay danjiraha Japan u qaabilsan Somalia, diplomaasiyiin iyo saraakiisha ciidanka booliska.

35

Markii qalabka lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska, waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha guud ee Booliska Cabdixakiim Daahir Saciid (Saaci) iyo danjire Tasushi Taradi.

Waxaa ugu horreyn la hadlay Taliye Gen Saacid isagoona uga mahadceliyay dowladda Japan kaalinta ay ku lee dahay dib u dhiska ciidanka.

Japan-qalab-boolis-14

Wuxuu tilmaamay in qalabka maanta lagu wareejiyey uu yahay mid si weyn baahi loogu qabay, isagoona intaas ku daray in qalabkan uu noqon doono mid lagu qalabeen doono xafiisyada xarunta dhexe ee booliska Soomaaliyeed.

Danjiraha Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed.

Sidoo kale ku-xigeenka xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya  Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya. 

33

28

37

333

DSC08687

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Baarlamaanka Somaliland oo arrin lala yaabay ay ka dhex dhacday maanta

Hargeysa (Caasimada Online) Fadhi uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaliya magaalada Hargeysa ayaa wuxuu ku dhammaaday gacan ka hadal iyo buuq, kaddib markii ciidamo boolis ah ay soo galeen xarunta.

Ciidamada soo galay baarlamaanka Somaliland, ayaa la sheegay in guddoomiye ku xigeenku Baashe Maxamed Faarax dalbaday, iyadoo uu markaas xarunta ku sugnaa guddoomiyaha wakiilada Cabdirsamaan  Maxamed Cabdulaahi (Cirro).

Wariyaga BBC-da Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog u ahaa buuqa iyo khilaafka baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in arrinta ay salka ku heyso laba qaraar oo iska hor imaanaya kuwaasi oo ka dhan ah guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen..

Buuqa oo soo gaaray 12-kii duhurnimo ee maanta ayaa markii dambe waxaa gacanta isula tagay ciidamada booliska ee xarunta ku sugnaa iyo xildhibaannada, waxaana markii dambe xarunta soo galay guddoomiyaha golaha wasiikada Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaa lagu wareejiyay waraaqaddo ay ku qoran yihiin dhowr mowshin oo ay ku qorran yihiin tirada looga qaadi karo xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa uu markii dambe ku dhawaaqay in uu xiran yahay fadhigga, taasna waxa ay keentay in uu buuq ka dhasho fadhigga oo xitaa kuraasta la isku qaato.

Si kastaba,guddoomiyaha guddiga wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka in ay ka dambeeso xukuumada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Shirkii maamulka Koonfur Galbeed oo arrin muhiim ah ay kusoo korartay

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maanta oo Axad lagu ansixiyay dastuur cusub oo uu yeelanaayo maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ee seddaxda gobal.

Wariyaal ku sugan goobta shirka uu ka socdo oo ah Hotel Bakiin, ayaa noo sheegay in ergada ku shireysa halkaas ay maanta ansixiyeen dastuurka uu ku shaqeyn doono maamulka cusub.

Waxaana la sheegayaa in maalmaha soo socoda la sameyn doono calanka uu ku shaqeenaayo maamulkaas cusub oo ka kooban seddax gobal ee kala ah Baay, Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, shirkan ayaa mid kale oo ka duwan oo loogu sameenaayo maamul gobaleed lix gobal ka kooba uu isna ka socdaa magaalada Baydhabo.

Ma cadda sidda loo dhaqan galin doono labadan shir ee is-barbar socda ee ka dhacaya Baydhabo.

Shirka maamul u sameynta lixda gobal isagu waa la sameeyay dastuur iyo calan iyo sidda loo qaybsanaayo xildhibaannada maamulkaas.

Labadan shir waxaa siyaabo kala duwan ugu lug leh xubno ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Dhageyso: UK: Muran ka taagan gabar Somali ah oo la siiyey dumar is-qaba

London (Caasimada Online) –Magaalada London ee dalka Britain waxaa ka taagan dhibaato dad badan ka yaabisay, kaddib markii xafiiska arrimaha bulshadda ee degmada Harrow uu amar u ku bixiyay gabar yer oo Soomaali ah oo waalidkooda uu ku dhacay cudurka maskaxda, kaddibna go’aan lagu gaaray in la siiyo labo hablood oo is qaba oo aan Islaam ahayn.

Arrintan ayaa buuq iyo jahwareer ka dhalisay bulshada Soomaalida ee nool xaafada Harow oo ka tirsan magaalada London.

Deeqo Ceydiid Cabdulaahi, waa gabar ay ehel yihiin qoyska  dhibaatadan ay soo wajahday, waxaya VOA u sheegtay in arrintan laga hor yimad isla markaana ay ku guuleesteen siddii aan loo siin lahayn gabadha yer ee seddax jirka ah labada haween ee is qaba.

“Arrintan waxa ay u dhacday markii hooyada dhashay seddax carruur ah uu ku dhacay cudurka maskaxda, taasoo kaliftay in carruurteeda laga qaado labo gabdhood oo ay dhashay waxaa lagu wareejiyay haweeney Islaam ah oo u dhalatay dalka Eretria balse gabadha ugu yer qoyska ayaa waxaa lagu wareejiyay labo haween ah oo is qaba, arrintaas bannnaabax ayaan ka dhignay hooyadeedna waxa ay tiri waa in la iigu wareejiyay qof Islaam ah”

Waxaa la weydiiyay Deeqo,wax yaabaha  ku dhacay qoyska dhibaatadan  uu soo wajahay?

Waxa ay sheegtay in qoyskan markii horre ay ka yimaadeen dalka Holland, laakin labo wiil oo carruurta ugu weyn ay ka noqdeen kuwa aad u dhaqan xun, waxaana mid uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla London mid kalena waxaa lagu celiyay dalka Holland ayey tiri.

“Hooyada iyo Abaaha qoyskan waxaa ku dhacay xanuunka makaxda waana ay xanuunsan yihiin, kaddib markii ay ka naxeen dhaqanka labada wiil ee reerka ugu weyn ay qaateen, taas ayaan sababtay in carruurtooda kale la siiyo dad kale oo koriya” ayey tiri Deeqo Ceydiid.

Si kastaba,bulshadda Soomaalida ee ku dhaqan degmada Harrow ayaa ku guuleestay in gabadha yer loo daydayo cid kale oo korisa.

Qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha ayaa qaar badan  carruurtooda laga qaadaa, kaddib marka ay soo wadajahaan dhibaatooyin kala duwan oo arrimaha qoyska la xiriira.

Soomaali badan ayaa markii ay tageen qurbaha waxaa laga qaatay carruurtooda oo ay korinayaan dad aam Islaam ahay

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

M/weyne Xasan oo u jawaabay James Clapper iyo dowladda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay eedeen uga timid dowladda Maraykanka, taasoo ku aadan hoggaankiisa in uu aad u jilisan yahay isla markaana dalka uusan waxbo ka qaban karin.

Madaxweynaha oo u warramaay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in hadalka sheegay dhawaan agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper uu ahaa mid aan sal lahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay inuusan garanaynin halka uu ka keenay warkan James Clapper oo lagu duraayo maamulkiisa.

Wuxuu tilmaamay in aanu jirin dagaal-siyaasadeed oo maanta ka socda dalka Soomaaliya marka la barbar dhigo Waqtiyaddii hore, wuxuuna ugu baaqay agaasimaha hey’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper inuu booqasho ku yimaado Soomaalia, si uu ogaado xaqiiqda, kadibna uu isku dheelitiro xaalladaha taagan.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah hadal uu sheegay sarkaalka ugu sareeya hey’adda sirdoonka Maraykanka oo hoggaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid diciif ah oo aan wax badan ka badali karin arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa horrey u aqoonsatay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka mid ahayd dowladaha sidda dhow ula shaqeya balse warkan ma cadda wax keenay ee madaxweynaha lagu duraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir oo lagu dhawaaqayo

Muqidsho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo kala duwan ayaa u xaqiijiyay Shakabada Caasimada Online, in maalinta berri ah lagu dhawaaqi doono guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir.

Ilaha warkan aan ka soo xiganay ayaa leh waxaa loo badinayaa in uu noqdo duqa Muqdisho Guddoomiyihii maxkamada ciidanka qalabka sida Gen Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Mungaab
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Gen Mungaab

Waxaa jirta warar badan oo suuqa ku jirra oo ah in la kala qaadi rabay labada xil ee ah guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, balse qabiilka uu ka soo jeedo Mungaab ayaa diidday oo waxa ay dhaheen haddii la kala qaadayo ma rabno, waxaaan taas ay keentay in madaxweynaha uu ka laabto go’aanka uu markii horre rabay.

Tarsan intii uu xafiiska hayay wuxuu ahaa guddoomiyaha ugu wax qabadka fiicnaa kuwii soo maray gobalka Banaadir tan iyo burburkii kaddib, balse dad badan ayaa aaminsan in uu u hadlo sidda madaxweyne oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

C[email protected]

Hargaysa oo laga furay machad casri ah laguna baran doono aqoonta….!

Waxaa magaalada Hargaysa laga Furay Machadka Caalamul Quraan oo ah Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud iyo Mid Diini ah.

Maamulka iskuulka ayaa u sheegay Bogan in lagu baran Doono Mahcadka,  arimo badan,  Caalamulquraan   waa Shabakad aad ka baran karto cilmiga diinta adiga oo jooga gurigaaga xafiiskaga, waxna ka dhigan karo caruur iyo waayeelba.Machadkan Caalamul Quraan  waa machad ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida.

Waxaa wax ka dhigaya mahcadka Macalimiinn soomaaliyeed oo aqoon buuxda u leh diinta islaamkaIyo casharada ay Bixinayaan, waxaama macalimiintaas ka Muuqata khibrad iyo waayo argnimo ay u leeyahay sida dadka wax loo fahamsiiyo.

Maamulaha Guud ee Machadka Caalamulquraan  ayaan wax ka waydiinay arintaas, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed  ee jooga Qurbaha una maahan in ay wax ka bartaan Macluumaadka ku aadan Diinta Axaadiiska, Quraanka iyo Sunada Rasuulka ay ku baro doonaan si onlineah ( Maqal iyo Muuqaal ah ) oo lagu baranayo Quraanka kariimka ah, barashada luuqada carabiga iyo higaada, barashada axaadiista nabiga.

“ Machad  waxa uu ka ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida, waxaana Diyaar u nahay in Caruurta dadka waawayn iyo dhalinyarada aan ku barno meel kasta oo ay joogaan oo ah Online”ayuu yiri Maamulka oo la hadlayay Warbaahinta .

Waxa uu sheegay Maamulku in ay arintaan muhiim u tahay Soomaalida dagan caalamka kuwa aan soo gari Karin Xarumahooda maadaama  Teknolijiyada (‘Internetka’) hada wax lagu barto.

Waxa uu sheegay maamulaha Hadaad rabto in aad is qorto Machadka ama aad tijaabisid waxaad u baahantahay: – Computer – Internet – Microphone ama sameecad -. marka aad soo diyaar-garoowdo fadlan kala soo xiriir Tilifoonada hoos ku Qoran .

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed, ayaga oo sheegay in wax badan ay u soo kordhin Doonto arintaan.

Machadka Caalamulquraan   ayaa waxa uu Noqonayaa machadkii ugu waynaa ee sidaan oo kale Arday ka bartaan macluumaad ku aadan  Aqoonta diinta oo laga Furo magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Free linka: Free Call:0012183667105

Telefoon                00252634121553

Skype: caalamul.quraan

Emailka [email protected]

Facebook: caalamulquraan

Website: caalamulquraan.com

Video: Mootooyin loo yaqaan Tuk Tuk oo shacabka Muqdisha soo jiitay

0

Shacabka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalin walba la kulmaya Horumar ku cusub magaalada oo aad ugu soo badanaya Sanadihii dambe ayaa waxaa ka mid ah kuwo aad looga helay oo Shacabka ay hadal hayaan.

Waxyaabaha dadka ka yaabiyey ee magaalada ku cusub, waxaa ka mid ah mootooyin sida Tax-ga u shaqeeya, oo magaalada looga yaqaa Tuk Tuk, kuwaasi oo dad badan ay u tahay markii ugu horeysay oo ay arkaan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

DEG DEG: Madaafiic & rasaas xooggan oo caawa laga maqlayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow degmooyinka magaalada Muqidsho laga maqlay daryanka madaafiicda iyo rasaas la is-weedaarsanaayo.

Goobjooge ku sugan degmada Yaaqshid oo diidday in magaciisa aan soo xigano ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in goordhow degmada uu ku sugan yahay laga maqlay hugunka madaafiicda iyo rasaas fara badan oo dhaceysa.

Wuxuu sheegay oo kale goobjoogaha in madaafiicda laga maqlaayo degmada Shibis ee magaalada Muqidsho.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo rasaasta caawa laga maqlay magaalada Muqidsho, balse waxaa sheegis mudan in toddobaadkii horre labi hebeen oo isku xigta magaalada ay khalkhal galiyeen madaafiic iyo qaraxyo, kuwaasoo saraakiisha dowladda ay ku tilmaameen kuwa macmal ah oo dadka lagu argagixinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXAA CAAWA KA CUSUB KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in xaalada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ay caawa kacsan tahay kaddib markii caawa fiidkii magaalada laga maqlay qarax nooca miinada kaasoo lagu weerarray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah Axmed Madoobe.

Wariyaal ku sugan Kismaayo oo noo warramay goordhow ayaa sheegay in magaalada caawa uu ka socdaan howgallo ay sameenayaan ciidamada ammaanka, taasoo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaalada.

Dhowr qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagus oo qabqabtay howgalka caawa ka socda magaalada gaar ahaan xaafadaha ku dhowdhow dekedda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Reer Muqdisho oo tallaabo lagu farxo u qaaday Maxamed Suleyman Tubeec

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay bixiyeen 20kun oo dollaar taasoo uu soo dalbaday fannaanka caanka ah ee Boqorka Codka Maxamed Suleymaan Tubeec oo hadda ku xanuunsan Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmooyinka magaalada Muqdisho ay soo aruuriyeen lacagta uu dalbaday fannaan Maxamed Saleybaan, wuxuuna intaas ku daray in maanta oo diray lacagtaas.

Wuxuu Tarsan ammaanay shacabka iyo maamulada ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay in ay muujiyeen waddaniyad, maadama fannaanka qaran ee Boqorka codka uu codsaday 20kun oo dollar si qaliin looga sameeyo xanuun in muddo ah hayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo reer Muqdisho ay lacago ugu deeqaan dad dhibaateesan, waxaa horrey lacago malaayin doollar u direen Puntland iyo Jowhar halkaasoo duufaano roobab wata iyo Wabiga shabeelle uu ku soo fatahay labada meel.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

ERGEY MAREYKAN AH OO MUSLIMAY

Khartoum (Caasimada Online) – Joseph D Stafford oo ahaa ergeyga gaarka ah ee dowlada Mareykanka u qaabilsan wadanka Sudan ayaa shaqadii ka tagey kadib markii uu qaatey diinta Islaamka, sidaas waxaa yiri saxaafada Sudan.

Stafford ayaa u sheegey wasaarada arrimaha dibada Mareykanka inuu shaqada uga tagey arrimo gaar u ah balse warar hoose, oo ay heleen warbaahinta Sudan, ayaa xusaya in lagu qasbey inuu is-casilo kadib markii uu qaatey diinta Islaamka.

Wararka ayaa xusaya in Duplamaasigaan uu muslimey kadib markii uu booqasho joogta ah ku tagi jirey islamarkaana xiriir dhow la yeeshey wadaadada xarunta la yirahdo Ansar al-Sunnah.

Ergaygii Mareykanka ee Sudan oo is-casilay, xilli la sheegay inuu Islaamay
Ergaygii Mareykanka ee Sudan oo is-casilay, xilli la sheegay inuu Islaamay

Maqaal uu ku qoray wargeyska Sudan Tribune, kadib is-casilaaddiisa, ayuu Mr. Stafford ku yiri “Aniga iyo xaaskeyga aad ayaan u nasiib badneyn inaan dad badan oo cajiib ah kula kulanno Sudan, kuwaas oo leh damac iyo go’aan xooggan oo ay ku hormarinayaan bulshooyinkooda, weligeyn waan idin xasuusan donnaa adinka iyo waddankiinaba, waana ogahay waxaad sii wadi doontaa shaqadiina aad ku raadsaneysaan nolol wanaagsan”

Dowladda Mareykanka, weli ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saaban arrinta la xiriirta Joseph D Stafford.

Dowlada Mareykanka ayaan safiir ku laheyn wadanka Sudan tan iyo 1998 iyadoo dowlada khartoum in muda ah arinkaas dalbaneysay, waxaana ay Sudan ku lahayd oo kaliya wakiil.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
[email protected]

MUQDISHO: Maxaa maanta ka dhacay xarunta isgaarsiinta Hormuud?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka taagan khalkhal ku aadan in la xiraayo adeegga taleefonada lacagaha la isugu dirro ee EV Plus-ka.

Xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dadweyne fara badan kuwaasoo doonaya in lacago ugu jirra taleefonka looga bixiyo markii magaalada oo dhan ay soo galeen warar duul-duulaya oo ah in la xiraayo adeegga EVPluska.

“Walaal maanta ayaan maqlay in la xiraayo adeegga EVPULS, marka lacago badan ayaa iigu jirta,waxaan rabaa in la iiga soo bixiyo lacagtaas maadama la xiraayo” ayey tiri gabar noo warrantay.

Arrintan magaalada oo dhan ayaa laga dareemay maanta, waxaana ay noqotay hadal heynta ugu badan ee magaalada ka jirta.

Dhinaca kale, shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa warkaas beenisay waxaana ay sheegtay in uu sii shaqenaayo adeegga EVPLUS-ka.

Waxa ay shacabka ugu baaqday in ay is dajiyaan, warkaasna uu yahay mid been abuur ah, sidda uu sheegay mid ka mid maamulka shirkadda oo la jadlay warbaahinta gudaha.

Sarfilayaasha lacagaha qalaad ayaa diidday inay qabtaan lacag ku jirta EVPLUS, waxaana taas ay saameen ku yeelatay dad uu fara badan oo lacagta ku keydsada adeegga EVPLULS-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]