M/weyne Xasan oo u jawaabay James Clapper iyo dowladda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay eedeen uga timid dowladda Maraykanka, taasoo ku aadan hoggaankiisa in uu aad u jilisan yahay isla markaana dalka uusan waxbo ka qaban karin.

Madaxweynaha oo u warramaay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in hadalka sheegay dhawaan agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper uu ahaa mid aan sal lahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay inuusan garanaynin halka uu ka keenay warkan James Clapper oo lagu duraayo maamulkiisa.

Wuxuu tilmaamay in aanu jirin dagaal-siyaasadeed oo maanta ka socda dalka Soomaaliya marka la barbar dhigo Waqtiyaddii hore, wuxuuna ugu baaqay agaasimaha hey’adda sirdoonka qaranka Maraykanka, James Clapper inuu booqasho ku yimaado Soomaalia, si uu ogaado xaqiiqda, kadibna uu isku dheelitiro xaalladaha taagan.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah hadal uu sheegay sarkaalka ugu sareeya hey’adda sirdoonka Maraykanka oo hoggaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid diciif ah oo aan wax badan ka badali karin arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa horrey u aqoonsatay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka mid ahayd dowladaha sidda dhow ula shaqeya balse warkan ma cadda wax keenay ee madaxweynaha lagu duraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com