Dhageyso: UK: Muran ka taagan gabar Somali ah oo la siiyey dumar is-qaba

London (Caasimada Online) –Magaalada London ee dalka Britain waxaa ka taagan dhibaato dad badan ka yaabisay, kaddib markii xafiiska arrimaha bulshadda ee degmada Harrow uu amar u ku bixiyay gabar yer oo Soomaali ah oo waalidkooda uu ku dhacay cudurka maskaxda, kaddibna go’aan lagu gaaray in la siiyo labo hablood oo is qaba oo aan Islaam ahayn.

Arrintan ayaa buuq iyo jahwareer ka dhalisay bulshada Soomaalida ee nool xaafada Harow oo ka tirsan magaalada London.

Deeqo Ceydiid Cabdulaahi, waa gabar ay ehel yihiin qoyska  dhibaatadan ay soo wajahday, waxaya VOA u sheegtay in arrintan laga hor yimad isla markaana ay ku guuleesteen siddii aan loo siin lahayn gabadha yer ee seddax jirka ah labada haween ee is qaba.

“Arrintan waxa ay u dhacday markii hooyada dhashay seddax carruur ah uu ku dhacay cudurka maskaxda, taasoo kaliftay in carruurteeda laga qaado labo gabdhood oo ay dhashay waxaa lagu wareejiyay haweeney Islaam ah oo u dhalatay dalka Eretria balse gabadha ugu yer qoyska ayaa waxaa lagu wareejiyay labo haween ah oo is qaba, arrintaas bannnaabax ayaan ka dhignay hooyadeedna waxa ay tiri waa in la iigu wareejiyay qof Islaam ah”

Waxaa la weydiiyay Deeqo,wax yaabaha  ku dhacay qoyska dhibaatadan  uu soo wajahay?

Waxa ay sheegtay in qoyskan markii horre ay ka yimaadeen dalka Holland, laakin labo wiil oo carruurta ugu weyn ay ka noqdeen kuwa aad u dhaqan xun, waxaana mid uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla London mid kalena waxaa lagu celiyay dalka Holland ayey tiri.

“Hooyada iyo Abaaha qoyskan waxaa ku dhacay xanuunka makaxda waana ay xanuunsan yihiin, kaddib markii ay ka naxeen dhaqanka labada wiil ee reerka ugu weyn ay qaateen, taas ayaan sababtay in carruurtooda kale la siiyo dad kale oo koriya” ayey tiri Deeqo Ceydiid.

Si kastaba,bulshadda Soomaalida ee ku dhaqan degmada Harrow ayaa ku guuleestay in gabadha yer loo daydayo cid kale oo korisa.

Qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha ayaa qaar badan  carruurtooda laga qaadaa, kaddib marka ay soo wadajahaan dhibaatooyin kala duwan oo arrimaha qoyska la xiriira.

Soomaali badan ayaa markii ay tageen qurbaha waxaa laga qaatay carruurtooda oo ay korinayaan dad aam Islaam ahay

Halkan hoose ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com