Shirkii maamulka Koonfur Galbeed oo arrin muhiim ah ay kusoo korartay

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maanta oo Axad lagu ansixiyay dastuur cusub oo uu yeelanaayo maamul gobaleedka Koonfur Galbeed ee seddaxda gobal.

Wariyaal ku sugan goobta shirka uu ka socdo oo ah Hotel Bakiin, ayaa noo sheegay in ergada ku shireysa halkaas ay maanta ansixiyeen dastuurka uu ku shaqeyn doono maamulka cusub.

Waxaana la sheegayaa in maalmaha soo socoda la sameyn doono calanka uu ku shaqeenaayo maamulkaas cusub oo ka kooban seddax gobal ee kala ah Baay, Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, shirkan ayaa mid kale oo ka duwan oo loogu sameenaayo maamul gobaleed lix gobal ka kooba uu isna ka socdaa magaalada Baydhabo.

Ma cadda sidda loo dhaqan galin doono labadan shir ee is-barbar socda ee ka dhacaya Baydhabo.

Shirka maamul u sameynta lixda gobal isagu waa la sameeyay dastuur iyo calan iyo sidda loo qaybsanaayo xildhibaannada maamulkaas.

Labadan shir waxaa siyaabo kala duwan ugu lug leh xubno ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com