Baarlamaanka Somaliland oo arrin lala yaabay ay ka dhex dhacday maanta

Hargeysa (Caasimada Online) Fadhi uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaliya magaalada Hargeysa ayaa wuxuu ku dhammaaday gacan ka hadal iyo buuq, kaddib markii ciidamo boolis ah ay soo galeen xarunta.

Ciidamada soo galay baarlamaanka Somaliland, ayaa la sheegay in guddoomiye ku xigeenku Baashe Maxamed Faarax dalbaday, iyadoo uu markaas xarunta ku sugnaa guddoomiyaha wakiilada Cabdirsamaan  Maxamed Cabdulaahi (Cirro).

Wariyaga BBC-da Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog u ahaa buuqa iyo khilaafka baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in arrinta ay salka ku heyso laba qaraar oo iska hor imaanaya kuwaasi oo ka dhan ah guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen..

Buuqa oo soo gaaray 12-kii duhurnimo ee maanta ayaa markii dambe waxaa gacanta isula tagay ciidamada booliska ee xarunta ku sugnaa iyo xildhibaannada, waxaana markii dambe xarunta soo galay guddoomiyaha golaha wasiikada Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaa lagu wareejiyay waraaqaddo ay ku qoran yihiin dhowr mowshin oo ay ku qorran yihiin tirada looga qaadi karo xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa uu markii dambe ku dhawaaqay in uu xiran yahay fadhigga, taasna waxa ay keentay in uu buuq ka dhasho fadhigga oo xitaa kuraasta la isku qaato.

Si kastaba,guddoomiyaha guddiga wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka in ay ka dambeeso xukuumada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com