Daawo Sawirrada: Dowladda JAPAN oo qalab muhiim ah siisay ciidamada DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Japan ayaa maanta oo Isniin ah ku wareejisay koonteenarro ay ka buuxaan agab-xafiiseed loogu tala galay in lagu qalabeeyo xarunta ciidanka booliska Soomaaliya.

Munaasabada lagu soo bandhigayay qalabkan oo ka dhacday Dugsiga Tababbarka booliska ee Gen Kaahiye, ayaa waxaa ka qaybgalay danjiraha Japan u qaabilsan Somalia, diplomaasiyiin iyo saraakiisha ciidanka booliska.

35

Markii qalabka lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska, waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha guud ee Booliska Cabdixakiim Daahir Saciid (Saaci) iyo danjire Tasushi Taradi.

Waxaa ugu horreyn la hadlay Taliye Gen Saacid isagoona uga mahadceliyay dowladda Japan kaalinta ay ku lee dahay dib u dhiska ciidanka.

Japan-qalab-boolis-14

Wuxuu tilmaamay in qalabka maanta lagu wareejiyey uu yahay mid si weyn baahi loogu qabay, isagoona intaas ku daray in qalabkan uu noqon doono mid lagu qalabeen doono xafiisyada xarunta dhexe ee booliska Soomaaliyeed.

Danjiraha Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed.

Sidoo kale ku-xigeenka xoghaya guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya  Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya. 

33

28

37

333

DSC08687

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com