Muxuu R/W Farmaajo ka yiri arrintii ay ku dhaqaaqday DF Somalia? (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Doowladii KMG ahayd ee Somalia, mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Ciidamo la ruqseeyay oo shalay banaanbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayuuahi Farmaajo waa tan:

Mudnanta koowad waxa leh ciidamada xooga dalka somaliyeed , kuwii dalka u soo halgamay , naafadi 1977 naftooda dalka u huray , iyo kuwa hada cadawga dalka ka saaray ha ahaaden odayaal hore oo khibrad iyo somalinimo ku jirto iyo dhalinyaro cusub oo hada hawsha ciidanka bilaabay , odayashi hore waxa ay leyihin khibrad wanagsan, waase lo arki kara in ay noqden da’ , lkn waxay ahayd in mushaarkoodu uu sidiisa ugu sii socda ,gabdhaha sido kale ayagana hadi laga fariisiyay shaqada waxay xaq u leeyihin in ay helan gunadi ay horay u heli jireen , hada ayan daawanayay qar kamid ah nafadi oo madaxtooyada ku hor bananbaxaya , dalkan waxa cadawga ka saray oo dhiigooda u huray ayago duruufo badan ku sugna 23 sano ee laso dhafay ciidanka xooga dalka , wax walba wa in ayaga laga hormariya si dalku u xasilo ciidanka kale na ay niyad dhis ugu noqoto

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com