Madaxweyne Xasan Sh oo xanuunsan, deg degna ugu baxay Isbitaal dibedda

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoona u amababaxay dalka Turkiga halkaasoo uu u tagayo arrimo caafimaad sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha Saxaafadda looma sheegin, balse madaxweynaah waxaa ku wehliya safarkiisa wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Waxaana la sheegay in madaxweynaah uu tagi doono magaalada Istanbul halkaasoo muddo ka badan toddobaad uu ku sugnaan doono, xilli la sheegay inuu xanuunsan yahay.

Ma cadda xanuunka haya madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii Jimcaha ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay ra’iissal wasaarihii horr ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo meydkiisa la keenay Muqidsho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com