DEG DEG: Madaafiic & rasaas xooggan oo caawa laga maqlayo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow degmooyinka magaalada Muqidsho laga maqlay daryanka madaafiicda iyo rasaas la is-weedaarsanaayo.

Goobjooge ku sugan degmada Yaaqshid oo diidday in magaciisa aan soo xigano ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in goordhow degmada uu ku sugan yahay laga maqlay hugunka madaafiicda iyo rasaas fara badan oo dhaceysa.

Wuxuu sheegay oo kale goobjoogaha in madaafiicda laga maqlaayo degmada Shibis ee magaalada Muqidsho.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo rasaasta caawa laga maqlay magaalada Muqidsho, balse waxaa sheegis mudan in toddobaadkii horre labi hebeen oo isku xigta magaalada ay khalkhal galiyeen madaafiic iyo qaraxyo, kuwaasoo saraakiisha dowladda ay ku tilmaameen kuwa macmal ah oo dadka lagu argagixinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com