Hargaysa oo laga furay machad casri ah laguna baran doono aqoonta….!

Waxaa magaalada Hargaysa laga Furay Machadka Caalamul Quraan oo ah Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud iyo Mid Diini ah.

Maamulka iskuulka ayaa u sheegay Bogan in lagu baran Doono Mahcadka,  arimo badan,  Caalamulquraan   waa Shabakad aad ka baran karto cilmiga diinta adiga oo jooga gurigaaga xafiiskaga, waxna ka dhigan karo caruur iyo waayeelba.Machadkan Caalamul Quraan  waa machad ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida.

Waxaa wax ka dhigaya mahcadka Macalimiinn soomaaliyeed oo aqoon buuxda u leh diinta islaamkaIyo casharada ay Bixinayaan, waxaama macalimiintaas ka Muuqata khibrad iyo waayo argnimo ay u leeyahay sida dadka wax loo fahamsiiyo.

Maamulaha Guud ee Machadka Caalamulquraan  ayaan wax ka waydiinay arintaas, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed  ee jooga Qurbaha una maahan in ay wax ka bartaan Macluumaadka ku aadan Diinta Axaadiiska, Quraanka iyo Sunada Rasuulka ay ku baro doonaan si onlineah ( Maqal iyo Muuqaal ah ) oo lagu baranayo Quraanka kariimka ah, barashada luuqada carabiga iyo higaada, barashada axaadiista nabiga.

“ Machad  waxa uu ka ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida, waxaana Diyaar u nahay in Caruurta dadka waawayn iyo dhalinyarada aan ku barno meel kasta oo ay joogaan oo ah Online”ayuu yiri Maamulka oo la hadlayay Warbaahinta .

Waxa uu sheegay Maamulku in ay arintaan muhiim u tahay Soomaalida dagan caalamka kuwa aan soo gari Karin Xarumahooda maadaama  Teknolijiyada (‘Internetka’) hada wax lagu barto.

Waxa uu sheegay maamulaha Hadaad rabto in aad is qorto Machadka ama aad tijaabisid waxaad u baahantahay: – Computer – Internet – Microphone ama sameecad -. marka aad soo diyaar-garoowdo fadlan kala soo xiriir Tilifoonada hoos ku Qoran .

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed, ayaga oo sheegay in wax badan ay u soo kordhin Doonto arintaan.

Machadka Caalamulquraan   ayaa waxa uu Noqonayaa machadkii ugu waynaa ee sidaan oo kale Arday ka bartaan macluumaad ku aadan  Aqoonta diinta oo laga Furo magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Free linka: Free Call:0012183667105

Telefoon                00252634121553

Skype: caalamul.quraan

Emailka caalamulquraan@hotmail.com

Facebook: caalamulquraan

Website: caalamulquraan.com