MAXAA CAAWA KA CUSUB KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in xaalada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ay caawa kacsan tahay kaddib markii caawa fiidkii magaalada laga maqlay qarax nooca miinada kaasoo lagu weerarray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah Axmed Madoobe.

Wariyaal ku sugan Kismaayo oo noo warramay goordhow ayaa sheegay in magaalada caawa uu ka socdaan howgallo ay sameenayaan ciidamada ammaanka, taasoo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaalada.

Dhowr qof oo u badan dhallinyaro ayaa lagus oo qabqabtay howgalka caawa ka socda magaalada gaar ahaan xaafadaha ku dhowdhow dekedda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com