Reer Muqdisho oo tallaabo lagu farxo u qaaday Maxamed Suleyman Tubeec

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay bixiyeen 20kun oo dollaar taasoo uu soo dalbaday fannaanka caanka ah ee Boqorka Codka Maxamed Suleymaan Tubeec oo hadda ku xanuunsan Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmooyinka magaalada Muqdisho ay soo aruuriyeen lacagta uu dalbaday fannaan Maxamed Saleybaan, wuxuuna intaas ku daray in maanta oo diray lacagtaas.

Wuxuu Tarsan ammaanay shacabka iyo maamulada ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay in ay muujiyeen waddaniyad, maadama fannaanka qaran ee Boqorka codka uu codsaday 20kun oo dollar si qaliin looga sameeyo xanuun in muddo ah hayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo reer Muqdisho ay lacago ugu deeqaan dad dhibaateesan, waxaa horrey lacago malaayin doollar u direen Puntland iyo Jowhar halkaasoo duufaano roobab wata iyo Wabiga shabeelle uu ku soo fatahay labada meel.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com