26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Waxaa is-casilay duqii magaalada….!

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxa halkaas isku cisilay Duqii degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda oo uu joogay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa Bile Bashiir Ceynab oo duqii magaalada Gaalkacyo uu kaga dhawaaqay in uu shaqada ka tagay isla markaana madaxweynaha u gudbiyay warqadda shaqo ka tegista.

Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa oggolaaday is-casilaada duqa magaalada Gaalkayco, wuxuuna Ceynab ku amaanay waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay inuu furan yahay tartanka qabashada xilka duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bile Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaramay mas’uulka bedelli doona inuu dhameystiro howlaha dowladda hoose ee degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

KENYA: “Waxaan u xayiran nahay DF Somalia, si aan u bilowno howsha….!

0

Nairobi (Caasimada Online) Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caga-jiideyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dedejiso magacaabista xubnaha uga mid noqonaya guddi saddex geesood ah oo loo xil-saaray fududeynta dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ay keeneen xubnaha uga mid noqonaya guddiga, loo xilsaaray arrintaas, balse ilaa hadda dowladda Soomaaliya aan laga heynin wax jawaab.

JOSEPH-OLE-LENKU

Ole Lenku ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee loo xayiran yahay si loo billaabo qorshaha dib loogu celinaayo qoxootiga Soomaalida

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya in ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda, kaddib markii loo sheegay in la gaaray heshiiskii saddex geesood ah oo lagu celinaayo qoxootiga.

Wasiirka ayaa ku celceliyay haddii uu dhaqan galo heshiiskii saddex geesoodka uu fursad u siinayo Kenya in ay ammaanka dalkeeda ka adkaato.

Mal;aayin qoxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha qoxootiga dalka Kenya, kuwaasoo tagay halkaas tan iyo sannadkii 1991-dii,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Iftiin Baasto & Cabdi Baaley oo arrimo badan daaha ka rogay kaddib…..

0

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii labaad ku sugan Iftin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaley Xuseen oo kamid ahaa raggii la sheegay Axmed Madaxweynaha xilka madaxweynaha.

Labadan mas’uul oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Jubba, dabadeedna waxay la hadleen saxaafadda iyagoona ka warbixiyay sababaha ay u yimaadeen magaalada.

Ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Iftin Xasan Baasto oo sheegay in ay Kismaayo u yimaadeen siddii ay qayb uga qaadan lahaayeen wadahadallada lagu doonaayo in la isku soo dhaweeyo dhinacyada isku haya magaalada.

Wuxuu aad u mahad celiyay maamulka Axmed Madoobe iyo Shacabka reer Kismaayo maadama ay si nabad galyo leh ay ku yimaadeen magaalada.

Sidoo kale waxaa saxaafada isna ka hadlay Cabdi Baaley Xuseen oo isna sheegay in ay diyaar u yihiin siddii horrey loogu socon lahaa isagoona intaas ku daray in ay hadda diyaar u yihiin siddii loo mideen lahaa shacabka iyo siyiinta gobalka.

Isku soo duub, Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey ay maamalaha soo socda ay tagi doonaan deeganka Goobweyn oo uu ku sugan yahay Barre Hiiraale oo isna horrey u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Faah-Faahin: Qarax xooggan oo lala eegtay kolanyo ay la socdeen AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qarax xooggan ayaa galabta lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM kuwaasoo marayay deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma oga khasaaraha khasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM ee lagu weerarray qaraxa oo ahaa nooca Miinada.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa xoogiisa laga maqlay deeganka Ceeleesha Biyaha iyo deegannada ku dhowdhow.

Qaraxa kaddib waxaa goobta isku gadaamay ciidamo la socday kolanyadii ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay, waxaana ay kor u fureen rasaas fara badan.

Markii qaraxa uu dhacay waxaa is taagay isku socodadka iyo gaadidka, in kastoo dhowr daqiiqo kaddib ay furmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dhacdo xanuun leh: Qoys dhan oo Soomaali ah oo lagu sixray Yurub

0

Qoys Soomaaliyeed oo ka kooban 8 qof oo ay ku jiraan Hooyada & Aabaha reerkaasi oo lagu sameeyay fal argagax leh oo aad looga naxay qof walba oo maqlana uu aad uga xumaaday.

Dhacdada xanuunka badan ee qabsatay reerkani ayaa ah in Famil dhan lagu la kacay Sixir oo si xun loo galay ayaa dad badani ka yaabiyay arinkaasi iyo sida loo sameeyay oo ay Familkaasi ka sheekeynayaa ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Yaa u diray Kismaayo Iftiin Baasto iyo Cabdi Baaleey + Qorshaha Hiiraale?

0

Kismaayo (Caasimada Online) Ilo Wareedyo lagu kal soon yahay ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online,in dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Kismaayo labo ka mid ah raggii madaxweynaha la sheegtay Axmed Madoobe, kuwaasoo maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo.

Warku wuxuu sheegayaa in Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen loogu diray magaalada Kismaayo siddii ay halkaas uga billaabi lahaayeen isku soo dhaweynta Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo labaduba ku dagaallamay magaalada dekedda leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragtay labadan nin, in ay xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Barre Hiraale, isla markaana ay isku keeni karaan Axmed Madoobe iyo Barre oo magaalada laga saaray.

Iftiin iyo Cabdi Baaleey ayaa tan iyo markii ay tageen Kismaayo waxa ay kulamo la qaateen hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba iyo mas’uuliyiin ka tirsan maalmulkiisa, waxaana kulamadaas looga hadlay siddii la isku soo hor fadhiisan lahaa Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Marka ay kulamada dhammaadaan waxaa la filayaa in labada nin ay u tagaan Barre Hiiraale oo ku sugan deeganka Goobweyn oo u dhow magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ku heesto maleeshiyaad iyo hub.

Dhinaca kale, Barre Hiiraale oo ay warbaahinta ay wax ka weydiisay in uu jirro qorshe lagu dhex dhexaadinaayo isaga iyo Axmed Madoobe si loo keen Kismaayo ayaa ka gaabsaday balse wuxuu xaqiijiyay in labo nin oo ay isku xulufo yihiin ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ilaa hadda kama hadlin qorshaha ay u tageen Kismaayo Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Gaas oo dadka reer Puntland u diray Fariin dad badan ka yaabisay (Aqri)

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka reer Puntland iyo dadka soo booqday isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ku wargaliyay in ay dhammaatay arrintaas oo hadda wixii ka dambeeya ay billaabatay in ay shaqeeyaan.

Wuxuu sheegay ciddii rabta in ay wax uga baahdaan xukuumadiisa in ay tagaan wasaaradaha, haddii ay ahaan lahaayeen dhaqaale, caafimaad, waxbarasho iyo wixii la mid ah.

IMG_0612-740x493

“Waxaan rabnaa in fursad na loo siiyo inaan dadka u shaqeyno oo wakhtiga aana looga qaadin booqasho iyo qaabilaad, wasaaradihii wa shaqo bilaabeen qofkii dan dowladdeed leh waa inuu aado xafiisyada ay khuseyso,haddii iyo anniga madaxweyne ku xigeenkeyga naloo baahdno maalinta Khamiista ayaan dadka lakulmi doonaa wakhti kooban” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay shirka golaha wasiirada oo uu shir guddoominaayay, wuxuuna caddeeyay inay ka wada hadleen wasiiradu siddii loola imaan lahaa wax qabad iyo horrumar ay ku diirsadaan dadka reer Puntalnd.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiir​ka waxbarasha​da DFS Guraase oo Muqdisho ku bahdilay Gaas (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay, ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Punland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu dalbaday in uu la shiro Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Mudane Ciise Axmed Guraase, balse waxaa shirka iska diiday Wasiir Guraase oo sheegay inuusan dooneyn inuu kulan la qaato Madaxweyne Gaas.

Arrintaan, ayaa dhacday intii lagu guda jiray safarkii uu madaxweyne C/wali ku tagay magaalada Muqdisho, waqtigaasi oo uu ka qeyb-galayey aaskii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xilligii uu gaaray Muqdisho, waxaa uu dalbaday inuu kulan gaar ah la qaato dhammaanba wasiirrada ka mid ah dowladda faderaalka ee ka soo jeeda Puntland, balse waxaa kulanka iska diiday inuu ka qeyb-galo wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Mudane Ciise Guraas.

Wasiirka waxbarashada DF Ciie Guraase
Wasiirka waxbarashada DF Ciie Guraase

Intaas kaddib madaxweynaha ayaa si gaar ah codsi ugu diray wasiirka balse Wasiir Guraase waa uu ka diiday inuu la kulmo.
Wasiir Guraase, ayaa la sheegay inuu yiri madaxweyne Gaas inusan mudnen inu la kulmo, sida laga soo xigtay xubno Gaas la socday.

“Ma doonayo la kulanka madaxweynaha, sababta oo ah waxaa uu noqdey qof caddaaladda ka fog, waxaana si cad u muuqatay xilligii uu soo magacaabay xukuumaddiisa inay ka muuqatay eex, qabyaalad iyo quursi uu ku suubiyey qeyb kamid ah aasaasayaashii Puntland, mana mudna inaan is aragno, waayo qaabka uu wax ku soo dhisay kanaa i xiga ayaa ka muuqatay” ayuu ugu jawaabay wasiirku xubno uu madaxweynaha u diray si ay isku arkaan.

Gaas, ayaa isku dayayey sida la sheegay inuu wasiirada kasoo jeeda Puntland ee ku jira dowladda ka dhaadhiciyo inay cadkooda ka dhacsaan dowladda Somalia, kana shaqeeya danaha Puntland.

Hadalka xilligaan soo baxay, ayaa ku soo aaday xilli ay jiraan qaar ka mid ah beelaha dagga Puntland oo madaxweynaha ku dhaliilay habka uu wax ku soo dhisay, inkasto madaxweyne Gaas uu sheegay in wadatashi badan uu ku soo magacaabay xukuumaddisa.

Isha: RBC

Video: Cali Khaliif Galayr oo aan waxba reeban, arrimo badanna banaanka soo dhigay “Haddii la i dilo waxaa ka….”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi dhowaan tvga universal uu la yeeshay Pro Cali Khaliif Galaydh raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, kaasi uu kusoo bandhigay arimo badan oo qarsoon.

Warysigaan oo ah mid xiiso badan ayaa wuxuu uga hadlay arimo badan oo quseeya guud ahaanba dalka Soomaaliya , waxa uu sidoo kale sheegay in madaxwayne kasta iska dhigayo Siyaad Barre, wuxuuna ka sheekyey wax badan oo uu soo joogay.

Sidoo kale waraysigaan oo ah mid xiiso badan ayaa wuxuu uga hadlay maamulka Khaatumo, maamulada ku xeeran iyo arimo la xidhiidha, damaciisa siyaasadeed, iyo sidoo kale arimaha dawlada madaxwayne Xasan Sheekh.

Waxa uu si aad ah u weeraray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda, isaga oo sidoo kalena ra’iisul wasaaraha cusub ku sheegay mid dhegta wax loogu sheego.

“”Hadii Cirka danab ka yimid i dilo waxaan Safaarada Mareykanka u sheegay cidaan u heysto” ayuu yiri Galayr oo haysta dhalashada Mareykanka.

Wariye Xamdi Kadiye oo waraysigaan la yeelatay ayaa dhankeeda Pro Galaydh hordhigtay su’aalo dad badan ay la dhaceen. Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay inuusan runta marnba ka gabanayn oo xataa Xamarta laga baqayo hadii wax lagu yeelo uu horay usii gudbiyey cida soo weeraraysa.

Halkan ka daawo wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Warbixin: Geedi & Gaas: Cadowgeyga cadowgiisu waa saaxiibkey (Kuma?)

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka Qeybgalayay Aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa waxaa Wahilinayay Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Gaas ayaa wuxuu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kala soo dagay ciidamo uu watay, waxaana kamid ahaa Wafdigii la socday Cali Maxamed Geedi oo kasoo duulay Magaalada Garoowe.

Siyaasiyiin badan ayaa isweydiinaya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka yahay maamulka Putland. Sida la wada xasuusto Xiligii Cali Geedi uu Ra’isal Wasaare ahaa, Cabdullahi Yusuf waxay ku kala tageen Dagaal kadib markii Geedi uu dhunsaday Lacag garaysay 35$ Milyan oo boqortooyada Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya.

Khilaafkaas ayaa horseeday dhicitaankii Dowladdii Cabdullahi Yusuf, mana jirin xiriir fiican oo ka dhexeeyay Cali Geedi iyo beelaha dega Puntland oo ku eedeyn jiray inuu hormuud ka ahaa fashilkii dowladdii MarxuumCabdullahi Yusuf.

Cadowgeyga Cadowgiisu Waa Saaxiibkey

Isku lug darsashada iyo saaxiibtinimada aan meel fog jirin ee dhex martay beryahan dambe Cali M Geedi iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa lagu micneyn karaa inay tahay u midoobidda cadowgooda koowaad oo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

Sanadkii hore ayay aheyd markii “Mucaaradka” Dowladda Soomaaliya oo ay ka dhex muuqdaan Cali M Geedi, Yusuf Garaad iyo C/raxmaan Baadiyow ay Shirar looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ku qabteen magaalooyinka Nairobi iyo Kampala. Waxaana xusid mudan in Saddexda Magac ee aan kor kusoo xusay, iyo Ragg kale lagu wada casuumay xafladii Xaleema saarka Cabdiwali Gaas.

Yusuf Garaad Cumar oo Madax ka ahaan jiray Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Saaxiibadiis. Kooxdan Mucaaradka ah ayaa la filayaa inay Dowladda Soomaaliya ku xiraan shuruudo awood-qeybsi ah, haddii kale ay sii wadi doonaan mucaaradnimadooda ilaa ay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan Dowladda Xasan Sheikh oo hada Daciif ah.

Isha: KON

Daawo Video: Ciidamada DF Somalia oo qaab cajiib ah tababar loo siinayo

0

Waxaa dib u soo noqonaya Awoodii Ciidan ee Dalkeena Somalia uu la haan jiray waagii Bariisamaadka kadib Sanadihii ugu dambeeyay oo ay scotay olale dib loogu dhisayo Ciidamo Qaranka Soomaaliyeed uu lee yahay.

Ciidamada dowladda Somalia, ayaa waxaa la siinayaa tabar cajiib ah, oo loo bixinayo qaab casri ah, oo dad badan ay la dhaceen, sida ka muuqato video laga soo duubay tababarkaas.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Laba ka mid ah raggii madaxweynaha Jubaland sheegtay oo tagay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen labo mid ah raggii sheegtay madaxweynayaasha maamulka Jubba, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Ragga tagay Kisamayo oo kala ah Iftiin Xassan Baasto iyo Cabdi Baalley ay markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaahyo waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan aana ay kulamo maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxaa kaloo mas’uuliyiintan ay isku xulafo ahayaeen Barre Aadan Shire Hiiraale oo magaalada Kismaayo laga saaray markii dagaallo xooggan ay ka dhaceen bishii lixaad sannadkii horre.

2014210635276249571982808P1040673

Laban nin ayaa markii laga saaray Kismaayo waxa ay tageen magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka sii wadeen dhaliilaha ay u soo jeedinayaan Axmed Madoobe.

Iftiin Xassan Baasto oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado magaalada kismaayo isagoona intaas ku daray in uu kulamo la qaadan doon mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku soo laabtay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo tan iyo Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona ka qaybgalay aaskii loo sameeyay AUN ra’iisal wasaarahii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Axmed Madoobe oo isla socdeen Iftiin Xasan Baasto  iyo Cabdi Baaleey Xuseen ayaa sheegay in raggan uu u socday wadahadallo lagu doonayay in ay dib u midoobaan, wuxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in ay ka soo laabteen qaladkii ay aamisanaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xog dheeri ah oo la xiriirta dhaawaca guddoomiye ku xigeenka gobolka…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Shabeellada Hoose, Axmed Cumar Maxamed (Mudane) oo maanta ku dhaawacmay qarax miino oo loogu xiray baabuur uu watay in dhaawaciisa loo qaaday Isbitaalka AMISOM ee Xalane.

Mudane oo dhaawaciisa markii horre loo qaaday Isbitaalka Madiina ayaa waxaa laga jaray lugta midig oo uu si xun ugu dhaawacmay.

Xaaladiisa waxaa lagu sheegay mid ka soo roonaaneysa siddii ay ahayd markii uu dhaawacmay balse waxaa hubaal in uu soo gaaray dhaawac culus.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in baabuurkiisa loogu xiray qaraxa uu ku dhaawacmay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanaayo sidda loogu xiray.

Lama ogga cidda ka dambeysa Qaraxa lagu weerarray guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Qaraxii labaad oo galabta ka dhacay hotel ku yaalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qarixii labaad ayaa goordhaweyd wuxuu ka dhacay Hotelka Oriyental ee ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Hotelka Oriyental oo xilliga uu ka socday shir ay lahaayeen maamulka gobalka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka iyo laamaha ammaanka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Booliska ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ku shiraysay hotelka uu ka dhacay qaraxa.

Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga maqlay qaraxyda galabta ka dhacay degmada Shibib, waxaana goobta gaaray ciidamo fara badan sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqidsho.

Ma jirto cid ka hadashay qaraxa galabta ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, balse qaraxan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo maanta duhurkii qarax kale oo ka dhacay waddada mashquulka badan ee KM4 uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobalka Shabellaha Hoose, Axmed Cumar Imaan Mudane.

Ma jirto cid sheegatay qaraxyada maanta iyo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho oo inta badan ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliy

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

Sawirro: Muqdisho: Qarax dhaawacay gudoomiye ku xigeenkii gobolka…..!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta duhurkii ka dhacay qarax nooca miinada, kaasoo lagu weerarray baabuur uu la socday guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4, ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka Cumar Axmed Mudane iyo darawalkiisa kuwaasoo la socday baabuur ay wateen, dabadeedna waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho oo iska goobta gaaray ayaa soo sheegaya in uu arkay burburka baabuurka uu watay sarkaalka lagu weerarray qaraxaas, waxaa kaloo goobta daadsanaa hilbo iyo dhiib badan.

Sarkaalka weerarrka lagu qaaday oo lagu magacaabo Axmed Cumar Mudane ayaa la sheegay in uu si xun u dhaawacmay, waxaana loo qaaday Isbitaal.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay lee yihiin waxaa laga jaray lugta midig sidda uu saxaafadda u sheegay qof ehliisa oo kula sugan Isbitaalka.

Daqiiqado ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadidka, balse markii dambe waa la fasaxay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku xirnaa baabuurka uu watay sarkaalka weerarrka lagu qaaday.

Waddada uu ka dhacay qaraxa waa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hey’addaha ammaanka, in kastoo goobta uu soo gaaray wasiir ku xigeenka amniga Ibraahim Yarow Xuseen.

Sidoo kale ma jirto koox sheegtay qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

qarax1qarax2qarax3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Wararkii ugu dambeeyey ee Xasan Sh oo xaalad caafimaad u jooga Turkiga

0

Istanbul (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xaley gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa u tagay dalka Turkiga baaritaan caafimaad, kaddib markii shaley galab uu safar degdeg ah ugu ambabaxay.

Ilaa hadda ma cadda xanuunka laga baarayo madaxweynaha, balse waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ambabaxo arrimo caafimaad tan iyo markii uu xilka qabtay dabayaaqdii sannadkii 2012-ka.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyna inta uu halkaas joogo uu booqon doono ehelkiisa oo halkaas deggan sidda uu yiri.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in uu madaxweynaha aad u fiican yahay, waxaana aan dadka uga digeynaa in ay dhageestaan wararka kutiri kuteenta ah” ayuu yiri Injineer Yariisow.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ugu dambeysay ee la arkay waxa ay ahayd aaskii qaran ee ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasay magaalada Muqidsho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin cusub: Jermalka oo ciidamo u soo diraya dalka Soomaaliya, Sabab?

0

Berlin (Caasimada Online) War lagu qoray Wargeyska There Spiegel ayaa lagu sheegay in dowladda Jermalka ay qorsheeneyso ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya, kuwaasoo ka qayb qaata tababarka la siinaayi ciidamada Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya afhayeen u hadlay wasaarada gaashandhigga ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin tababbarayaal kuwaasoo u tagi doonaa Soomaaliya siddii ay qab uga qaadan lahaayeen mashruuc uu wado Midowga Yurub oo lagu doonayo in lagu horrumariyo ciidamada Soomaaliya.

Afhayeenka u hadlay wasiirka gaansdhigga ayaa sheegay qorshaha ciidamada loogu diraayo Soomaaliya uu dhammaad yahay balse kaliye ay dhimman tahay in baarlamaanka dalkaas uu meel mariyo.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamo Germalka ka socdo loo soo diraayo Soomaaliya, waxaana horrey u jirtay qorshe ay shaaciyeen Midowga Yurub oo ah in howlaha lagu tababbaraayo ciidanka Soomaalida loo raraayo dalka Soomaliya maadama horrey loogu tababbarri jiray dalka Uganda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DFS oo xilalka ka qaaday 4 General iyo saraalkil kale + Magacyadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa xil ka qaadis ku sameysay afar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka ammaanka, ka gadaal markii lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen ammaanka Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir General Maxamed Yuusuf Cumar “Madaale”, Taliyaha Hawlgelinta ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Axmed Xasan Maalin, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir G/sare Cali Maxamed Cali iyo Taliye Ku Xigeenka Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir G/dhexe Cawle.

Sabtidii, ayaa waxaa waraaqaha lagu finishay Saraakiishaan la gaarsiiyay Xafiisyada ay ka hawlgalaan, iyadoo G/dhexe Cawle loo sheegay in lagu bedelay Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cabdi Madoobe, kana soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha kale ee xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaan la magacaabin xubnihii kale ee bedeli lahaa, laakiin waxay si KMG ah ay u siin hayn doonaan xilalka laga xayuubiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn kaga dhiidhiyay madaafiicdii toddobaadkii hore lagu harqiyay Magaalada Muqdisho, laguna muujinaayay inaanay Dowladdu waxba ka qaban karin amni darada Caasimada.

Xil ka qaadista lagu sameeyay xubnahaan, ayaan ku ekaan doonin tallaabada lagu ciqaabaayo Saraakiisha ammaanka ee Dowladda, iyadoo la hadalhaayo in Saraakiil ay ku daba feeli doonaan Saraakiishaasi. Haddii aan isbedel laga dareemin ammaanka Caasimada.

Dhanka kale waxaa Axadii shalay dib Magaalada Muqdisho ugu soo noqday Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa.

Isha: Dhacdo

XILDHIBAAN sheegay war cusub oo la xiriira bixitaanka ciidamada Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo hoggaamiye u ah howlaha guud ee baarlamaanka Kenya ayaa xaqiijiyay ciidamada Kenya in aysan ka bixi doonin magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay Aadan Barre ciidamo kooban 200 oo askari in lagu reebi doono magaalada Kismaayo kuwaas oo la shaqeyn doono ciidamo ka socda dalka Sierra Leone iyo boolis ka socda Nigeria kuwaasoo tababbar siinaya ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba.

“Ciidamada Kenya waxa ay ka mid yihiin AMISOM, waxa ay xoreeyeen Kismaayo, marka hadda waxa ay aadayaan gobalada kale ee Jubbooyinka si ay u xoreeyaan magaalooyinka Jilib, Jamaame iyo Bu’aale’ ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.

Wuxuu sheegay oo kale xildhibaanka in maamulka KMG ah ee ka dhisan Kismaayo ay aqoonsatahay dowladda Soomaaliya,QM iyo Midowga Afrika.

“Annigoo u hadlaya Kenya iyo baarlamaanka, waxaan xaqiijinayaa ma jirto dan aan ku heesano arrimaha Soomaaliya iyo Jubbooyinka, dadka waxaas sheegayana waa kuwa ka shaqeenayaa uun fikrad qaldan, Soomaaliya oo nabad ah waxa ay muhiim u tahay, Kenya, Uganda iyo Burundi” ayuu yiri Aadan Barre.

Hadalka xildhibaan Aadan Barre Duceele ayaa ku soo beegmayaa iyadoo Midowga Afrika uu shaley sheegay in ciidamada Keny oo qayb ka ah kuwa AMISOM ay sii joogi doonaan magaalada Kismaayo iyo Gobalada Jubbooyinka.

Ciidanka Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay la safteen garab ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay magaalada sannadkiii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]