KENYA: “Waxaan u xayiran nahay DF Somalia, si aan u bilowno howsha….!

Nairobi (Caasimada Online) Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caga-jiideyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dedejiso magacaabista xubnaha uga mid noqonaya guddi saddex geesood ah oo loo xil-saaray fududeynta dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ay keeneen xubnaha uga mid noqonaya guddiga, loo xilsaaray arrintaas, balse ilaa hadda dowladda Soomaaliya aan laga heynin wax jawaab.

JOSEPH-OLE-LENKU

Ole Lenku ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee loo xayiran yahay si loo billaabo qorshaha dib loogu celinaayo qoxootiga Soomaalida

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya in ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda, kaddib markii loo sheegay in la gaaray heshiiskii saddex geesood ah oo lagu celinaayo qoxootiga.

Wasiirka ayaa ku celceliyay haddii uu dhaqan galo heshiiskii saddex geesoodka uu fursad u siinayo Kenya in ay ammaanka dalkeeda ka adkaato.

Mal;aayin qoxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha qoxootiga dalka Kenya, kuwaasoo tagay halkaas tan iyo sannadkii 1991-dii,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com