Waxaa is-casilay duqii magaalada….!

Gaalkacyo (Caasimada Online) Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxa halkaas isku cisilay Duqii degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda oo uu joogay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa Bile Bashiir Ceynab oo duqii magaalada Gaalkacyo uu kaga dhawaaqay in uu shaqada ka tagay isla markaana madaxweynaha u gudbiyay warqadda shaqo ka tegista.

Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa oggolaaday is-casilaada duqa magaalada Gaalkayco, wuxuuna Ceynab ku amaanay waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay inuu furan yahay tartanka qabashada xilka duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bile Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaramay mas’uulka bedelli doona inuu dhameystiro howlaha dowladda hoose ee degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com