Iftiin Baasto & Cabdi Baaley oo arrimo badan daaha ka rogay kaddib…..

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii labaad ku sugan Iftin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaley Xuseen oo kamid ahaa raggii la sheegay Axmed Madaxweynaha xilka madaxweynaha.

Labadan mas’uul oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, ayaa waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Jubba, dabadeedna waxay la hadleen saxaafadda iyagoona ka warbixiyay sababaha ay u yimaadeen magaalada.

Ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Iftin Xasan Baasto oo sheegay in ay Kismaayo u yimaadeen siddii ay qayb uga qaadan lahaayeen wadahadallada lagu doonaayo in la isku soo dhaweeyo dhinacyada isku haya magaalada.

Wuxuu aad u mahad celiyay maamulka Axmed Madoobe iyo Shacabka reer Kismaayo maadama ay si nabad galyo leh ay ku yimaadeen magaalada.

Sidoo kale waxaa saxaafada isna ka hadlay Cabdi Baaley Xuseen oo isna sheegay in ay diyaar u yihiin siddii horrey loogu socon lahaa isagoona intaas ku daray in ay hadda diyaar u yihiin siddii loo mideen lahaa shacabka iyo siyiinta gobalka.

Isku soo duub, Warar ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey ay maamalaha soo socda ay tagi doonaan deeganka Goobweyn oo uu ku sugan yahay Barre Hiiraale oo isna horrey u sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com