25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Faah-Faahin: Qarax xooggan oo lala eegtay kolanyo ay la socdeen AMISOM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Qarax xooggan ayaa galabta lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM kuwaasoo marayay deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma oga khasaaraha khasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM ee lagu weerarray qaraxa oo ahaa nooca Miinada.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa xoogiisa laga maqlay deeganka Ceeleesha Biyaha iyo deegannada ku dhowdhow.

Qaraxa kaddib waxaa goobta isku gadaamay ciidamo la socday kolanyadii ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay, waxaana ay kor u fureen rasaas fara badan.

Markii qaraxa uu dhacay waxaa is taagay isku socodadka iyo gaadidka, in kastoo dhowr daqiiqo kaddib ay furmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News