27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Madaxweyne XASAN SH oo shaaciyey xilliga uu ku soo laaban doono dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in mardhow uu ku soo laaban doono dalka, maadama booqashada uu ku joogo dalkaas ay inta badan u dhammaatay.

Madaxweynaha wuxuu kaloo beeniyay in uu dalkaas u tagay arrimo caafimaad, balse wuxuu caddeeyay in uu tagay dalka Turkiga siddii uu u soo booqan lahaa xaaskiisa iyo carruurtiisa oo deggan halkaas.

“Booqashadeyda ma ahan mid rasmi ah, waa mid ii gaar ah oo rabay in aan ku soo arko xaaskeyga iyo carruurteeda, waana ay soo dhammaatay oo 15ka bishan ayaan dalka kusoo laabanayaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in aanu arrimo caafimaad u tagin dalka Turkiga, balse maadama uu shantii sanno ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa baarin, in uu tagay Isbitaal maalin, isla markaana uu baaray jirkiisa dhan oo ay ku jiraan Ilkaha, loona sheegay in uu caafimadkiisa uu fiican yahay 100%.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay kuwa wararka dacaayadaha faafinaya in ay yihiin kuwa cadow ku ah ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

WARBIXIN: Been abuurkii laga faafiyey madaxweynaha iyo dadka fududeeyay

0

Anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxaan ka xumaaday markii aan maqlay wararka been abuurka ah ee websiteyada Soomaalida badankooda ay qoreen, oo ku saabsan caafimaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaqlka Soomaaliya.

Hadii aan isla eegno sida uu hadalkan kusoo galay suuqa iyo sida looga faa’ideystay oo ay uga faa’ideysteen dadka neceb madaxweynaha qaranka iyo dad dano gaar ah leh oo jecel dhibaatada madaxda qaranka iyo umada Soomaaliyeed, Aniga ahaan sida aan u arko iyo dadka ka mas’uulka ah arintaan waxaan ku qiyaasi lahaa aqoon la’aanta heysata dadka madaxtooyada u qaabilsan warfaafinta.

Waxaa looga baahnaa inaysanba sheegin madaxweynaha inuu u baxaayo arimo caafimaad, maxaa yeelay hadalkaas waa hadal culus hadane nin madaxweyna ah markii uu si deg deg ah ugu baxaayo arimo caafimaad dadku way shakinayaan oo waxey u fasiran karaan inuu saa’id u jiran yahay madaxweynaha, oo xanuun deg deg ah ay kusoo booday iyadoo ay jiraan dad badan oo neceb nolosha madaxweynaha oo ka faa’ideysanayo hadalkaas ayagoo bulshada u gudbinaayo hadalo been ah oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha.

Waxaan kula talinayaa dadka qaabilsan xafiiska warfaafinta madaxtooyada oo uu ugu horeeyo mudane Eng Yariisow inuu adeegsado hadallo ay ku dheehantahay siyaasad iyo feejignaan badan. Meesha uu Yariisow inta saxaafadda isugu yeeray uu ka yiri madaxweynaha wuxuu u baxay safar caafimaad, waxaa looga baahna inuu yiraahdo hadal siyaasadeysan, Wuxuu dhihi karay, madaxweynaha wuxuu u baxay arrimo shaqo ama fasax oo dalka Turkiga ayuu aaday.

Xaafiiska warfaafinta madaxtooyada waa meesha dhan oo laga helo arrimaha ku saabsan socdaallada madaxweynaha iyo arrimaha madaxda qaranka marka waxaan kula talinayaa mar labaad in ay tifaftiraan warbixinada ka hor inta aan warbaahinta la siinin.

W/Q: Mahdi Abdiweli Knaan

Video: Horumarka ka jira Muqdisho oo caqabad ku noqday dan-yarta

0

Horumarka ka jira Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyliyay Shacabka Masaakiinta ah ee ku nool Magaalo Madaxda ee Muqdisho.

Shacabka Masaakiinta ah ee Muqdisho ku nool ayaa ka sheeganaya in aysan awoodin in ay adeegsadaan ama ay isticmaalaan Adeega horumarka sameeyay ee ka jira Magaalada Muqdisho ee lacagaha lagu kala dirsado taaa oo caqabad ku ah dhanka Noloshooda oo ah caawin la’aan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maamulka Banaadir oo ka warbixiyay wixii xaley Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka warbixiyay madaafiic xaley ruxay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) ayaa sheegay in madaafiicda xaley magaalada lagu garaacay ay ahaayeen kuwa macmal ah oo bug ah sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah aan ka dhalan marka laga reebo in looga gun lahaa khalkhalinta shacabka.

Si kastaba, in ka badan 20-hoobiyaal ah ayaa lagu garaacay xaley qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Goobaha sidda weyn madaafiicda ay ugu dhaceyn waxaa ka mid ah degmooyinka Xamarweyne, Wardhiigleey, Shangaani, Hodan iyo Yaaqshid.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan,waxaana caaddi ah isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda xaley lagu garacaay degmooyinka magaalada Muqidsho.

Dhinaca kale, gurri uu ku lee yahay degmada Yaaqshid mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa loogu xiray miino, waxaana la sheegay gurriga in uu burburay in kastoo ay joogeen xilligaas reerkiisa.

Ilaa hadda ma cadda kooxaha madaafiicda magaalada ku soo tuura habeenkii, dowladdana waxa ay lee dahay waa kuwa doonaya in ay khalkhaliyaan ammaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

S/Land: Xamar iyo Garoowe waxaa ka socda wax dhibaato horseedi doona

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland wuxuu uga digay in Soomaaliya ay dhibaato uhorseedaan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in waxyaabaha ka socda Magaalada Garoowe iyo Muqdisho ay yihiin wax dhibaato uhorseedi kara dalka Soomaaliya, sidaasi awgeedna laga rabo Maamulka Garoowe iyo Dowladda Xasan Sheekh inay arimahaasi ka waantoobaan.

“C/wali iyo Dowladda Xamar Soomaaliya dhibaato ha ukeeninana Soomaaliya dhibaato ha ukeeninan waa iga dardaaran aniga intaas ayaan Siyaasad ku jiray, waxaan socda ee garoowe iyo Xamar ka socda waxaan idin leeyahay Soomaaliya dhibaato ha gelinana”Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay inay wanaagsan tahay ka dignoontaada dhibaato Soomaaliya ka dhalata, mana uusan sheegin Faysal Cali Waraabe waxyaabaha keeni kara dhibaatada ee Muqdisho iyo Garoowe ka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

HRW: “Kufsiga wax caadi ah ayuu ka yahay magaalada MUQDISHO”

0

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay maanta soo saarayso hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human
Rights Watch ayaa waxa ay uga hadashay xadgudubyada dhanka galmada ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2012-kii.

Warbixintan oo laba iyo toddobaatan bog ka kooban, ayaa ayaa ciwaan looga dhigay “Halkan Kufsiga Caaddi ayuu ka yahay”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadkii la soo dhaafay uu aad kordhay falalka kufsiga gaar ahaan kuwa loo geesto dumarka ku nool goobaha lagu soo barakacay sidda lagu sheegay warbixinta Human Rights Watch.

HRW ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo falalkaas isla markaana la sameeyo ciidamo boolis oo wax ka qabta falalkaas.

Warbixinta waxaa kaloo ay sheegtay in la sameeyo hannaan ay dumarka loo geesto falalka kufsiga ay ku soo bandhigi karan dhibaatooyinka loo geesto.

Warbixinta waxaa kaloo ay muujisay in aanu jirin xarumo caafimaad oo ay tagi karaan dumarka la kufsado ee ku nool caasimada Muqdisho.

Si kastaba, wasiirka haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka kufsiga ee ka dhacay Caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qarax weyn oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqdisho, qarax xooggan ayaa goordhow wuxuu ka dhacay afaafka horre ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxa uu geestay khasaaro naf iyo maal ah, balse ma cadda inta uu la egyahay.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka iyo baabuurta gurmadka degdega ah.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online

 

DF Somalia: “Qaramada Midoobay ayaa ka caga-jiideysa in maamulka hawada Soomaaliya nalagu soo wareejiyo”

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay hey’adda u qaabilsan maamulka hawada Soomaaliya aysan daacad ka ahayn in soo wareejiyo maamulka hawada.

Wasiirka gaadidka iyo duulista hawada Siciid Qorsheel oo shir jaraa’id ku qabtay Muqidsho kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Nairobi ayaa caddeeyay in hey’adda ECHO la rabay bishii horre ee Janaayo in ay soo wareejiso maamulka hawada Soomaaliya, balse arrintaas ma dhicin ayuu yiri.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in wasaaradiisa lagu soo wareejin doono maamulka hawada Soomaaliya, maadama xilligan dalka uu lee yahay dowlad rasmi ah.

Mar uu ka hadlaayay wasiirka shaqaalaha ka shaqeya xarunta ECHO ee Nairobi iyo tirada Soomaalida, wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaalida la siiyo mushaar aad yer, isla markaana aaney badneen, oo “inta badan dad caddaan ah ayaa ka shaqeya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaaradiisa ay dhistay xarunta maamulka hawada Soomaaliya isla markaana la diyaariyay shaqaalo fara badan oo dhammaan ah Soomaali ah.

Maamulka hawada Soomaaliya ayaa la rabay in loo dhiibo guddiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa ku andacooneysa mar haddii ay ka go’day Soomaaliya in hawada Somaliland aan laga maamli karin magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUSLIMIINTA CAR oo la gummaadayo

0

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegey in ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Jamhuriyadda Afrikada Dhexe aaney si degdeg ah ku gaarin galbeedka dalka si ay uga badbaadiyaan shacabka Muslimiinta in uu xasuuq kaga yimaado maliishiyada Masiixiyiinta ee anti-Balaka loo yaqaano “anti-Balaka”.

Warbixin uu soo saarey ururka, ayaa waxaa uu ku sheegey inuu diiwaan geliyey weeraro baahsan oo ka dhan ah Muslimiinta tan iyo horaantii sannadkan. Rabshadahan ayaa sababey in bulshooyin dhan ay degaanadooda ka barakacaan.

Warbixinta waxay sheegeysaa in qaar ka mid ah weerarada dhacay ay ahaayeen kuwo loogu aarayey weeraro lagu qaadey dadka masiixiyiinta oo ay geysteen dagaalyahannada muslimiinta ee Seleka, kuwaas oo weli weeraro ku haya dadka Masiixiyiinta ah.

Amnesty ayaa sheegtey in ciidamada nabad ilaalinta ee Faransiiska iyo kuwa Midowga Africa ay qeyb ahaan ka hortageen dilal baahsan oo dhici lahaa, laakiin sida ay ugu guuldareysteen inay hubka ka dhigaan maliishiyada Seleka iyo anti-Balaka ay ka dhigayaan Musliimiinta kuwo u nugul weeraro lagu soo qaado.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtey inay dooneyso in ciidamada nabad ilaalinta lagu baahiyo goobo kale oo hor leh oo dadka rayidka ay u baahan yihiin badbaadin.
In ka badan 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Africa iyo 1600 oo askari oo ka socda Faransiiska ayaa ka hawlgalaya Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyagoo sita oggolaanshaha Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku booriyey Midowga Yurub inay gacan ka geystaan ciidamo badan oo la geeyo dalkaasi ay dagaaladu halakeeyeen.

Isha: VOA

Agaasimayasha Idaacadaha Muqdisho labo ka mid ah oo maanta la xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku xiray labo kamid ah agaasimayaasha Idaacadaha sidda gaarka loo lee yahay.

Labadan Agaasime oo kala ah Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo ah mulkiilaha ahna agaasimaha Idaacadda FM-ka ee Danan iyo Ibraahim Maxamed Cali (Ibraahim Yare) oo isna agaasimaha Idaacadda FM-ka ee Haatuf ayaa laga qabtay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda sababaha loo xiray labadan agaasime, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labadan agaasime ka hor inta aan la xirin uu ballamiyay wariye, isagoo markaas u sheegay in ay ka soo qaybagalaan shir dhacaya balse markii ay goobta imaadeen ay la kulmeen ciidamada ammaanka.

Labada agaasime ayaa la sheegay in ay ku xiran yihiin xarunta dambi baarista ee CID, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ururka qaranka Suxufiyiinta ee NUSUJ ayaa cambaareeyay xarigga labada ahaasime, waxaana ay ku baaqeen in si shuruud la’aan loo sii daayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxtoyada Somalia oo ka warbixisay xaalada madaxweyna kadib markii…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii maanta wararka ugu badan ee Soomaalida ay noqdeen, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaa arrintaas beeniyay oo waxbo kama jiraan ku tilmaamay afhayeenka madaxweynaha ahna la taliyihiisa gaarka ah, Injineer Cabdirasmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in uu caafimaad qabo isla dhawaan uu dalka dib ugu soo laaban doono sidda uu yiri.

Yariisow ayaa tilmaamay in wararka suuqa ku jirra ay yihiin kuwa lagu jahwareerinaayo ummada Soomaaliyeed loogana gun lee yahay arrimo siyaasadeed.

“Xaalada madaxweynaha waa ay wanaagsan tahay, wax walwal ahna aan laga qabin, isagoona intaas ku daray in maalmaha soo socoda uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqidsho” siddaas ayuu ku sheegay in war-qoraal ah oo u soo dhigay barta uu Internetka ku lee yahay.

Wuxuu tilmaamay madaxweynaha in uu maanta galinka dambe uu booqan doono goobo muhiim ah oo ku yaalla dalka Turkiga sidda uu yiri.

Marka laga soo tago hadalka afhayeenka madaxweynaha, waxaa tan iyo saakay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqidsho aad looga hadal hayaa warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku geeriyooday Isbitaalka ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Si kastaba, waxaa xaqiiqo ah in madaxweynaha Soomaaliya uu u aaday dalka Turkiga arrimo caafimaad, waxaana madaxtooyada Soomaaliya horrey u sheegtay in uu u aaday Istanbul baaritaan caafimaad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxa ay ahayd Jimcihii horre, xilligaas oo uu ka qaybgalay aas loo sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

[email protected]

Ciidanka nabad sugida oo dharka laga badalayo kaddib markii la ogaaday…..

0

Muqdisho (Caasimada Online) Taliyaha hey’adda nabad sugida dowladda Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in wax laga badili doono qaabka ay ku shaqeyso hey’adda isagoona sheegay in dhawaan magaalada lagu daaddin doono rag dhar cad ah oo qayb ka qaata ammaanka.

Wuxuu sheegay in ciidamada nabad sugida in ay hadda la bisan yihiin oo meesha ay tagaan la fahmi karo, balse mardhow waxaan sameyn doonaa ayuu yiri kooxo dhar cad ah oo magaalada lagu daadiyo.

Gen Bashiir Goobe ayaa sheegay in markii horre ay jiri jireen ciidamo dhar cad oo magaalada lagu daadiyo kuwaasoo aan la fahmi karin sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeyaan hey’adda nabad sugida si loo adkeeyo ammaanka caasimada oo mararka qaar ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.

Maxaa ka jirra awooda ciidanka nabad sugida in ay la wareegeen kuwa booliska?

Dad badan oo ku xeel dheer arrimaha ciidanka ayaa leh xilligan la joogo ciidanka nabad sugida iyo kuwa booliska waxaa awood badan kuwa nabad sugida, laakin kal horre siddaas ma ahan, waxaana shaqada booliska hadda qabta ciidanka nabad sugida, oo ah ciidanka ugu awooda badan dowladda iminka jirta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

Ahlu-Suna oo u gacan galisay Ethiopia seddax saraakiil ONLF ka tirsanaa

0

Guriceel (Caasimada Online) ONLF ayaa sheegtay in seddax xubnood oo ka tirsan ururkooda in laga qafaashay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud, dabadeedna loo gacan galiyay sirdoonka Ethiopia.

Afhayeenka ONLF, Cabduqaadir Xirsi Hirmooge, oo ku sugan magaalada Berth ee dalka Austria ayaa xaqiijiyay in raggan laga qabtay degmada Guriceel kaddibna la geeyay deeganka Shilaabo oo loo gacan galiyay sirdoonka Ethiopia.

Wuxuu sheegay in Ahlu Sunna ay noqotay Col Box ay sameesatay dowladda Ethiopia, waxaana Sheekh u ahaa ayuu  Meles Zenawi ayuu yiri.

“Ahlu Sunna waxaa sameeestay Ethiopia, hangool lagu doonayo in lagu dhibaateeyo Soomaaliya, waana nasiib daro in Oday waayeel ah oo xanuunsan iyo labo dhallinyaro oo aan hubeysaneen in afduubtaan oo ay u gacan galiyaan Ethiopia” ayuu yiri Hirmooge.

Wuxuu sheegay in muddo bil ah uu xanuunsanaa Oday Maxamed isagoona ku sii jeeda dalka Soomaaliya si uu halkaas iskugu soo daaweeyo.

Wuxuu ku celceliyay in dhulka Soomaalida ay xaq u lee yihiin in ay ku noolaadaan ONLF, mana jirin dad laga qabto oo loo gacan galiyo Ethiopia ayuu yiri.

Si kastaba, dhawaan ayaa waxaa magaalada Nairobi laga qafaashay labo sarkaal oo ka tirsan ONLF kaddibna waxaa loo gacan galiyay dowladda Ethiopia.

ONLF ayaa muddo dheer dagaallo kula jirtay dowladda Ethiopia, waxaana ay u dagallaamayaan siddii ay xornimo u gaarsiin lahaayeen gobalka Waqooyi Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

[email protected]

VIDEO: Mucjiso ka dhacday dusha sare ee Masjidka Nabiga NNKH (Daawo)

0

Mucjisadan layaabka leh waxay ka dhacday magaallada barakaysan ee Madiinah Al Munawarah, gaar ahaan dusha sare ee Masjidka Nebiga (NNKH). Maalintii toddobaad ee bisha Ramadaan ee sanadkan 1433h/2012M, goor la addimay salaadda Maqrib oo la aqimi raba ayaa daruur cajiib ah ay isku soo beegtay Masjidka dushiisa, mise isu qaabeysay sida magaca Nebiga oo Carabi ahaan ah   ”محمد ”.

Nebi Muxammad (NNKH), ayaa ah Nebigii ugu dambeeyey Nebiyada Alle (NDH), isagoo lasiiyey mucjiso aanan mid lamid ah la siinin Nebiyadii isaga ka horreysay (NNNKH). Nebi Muxammad (NNKH), wuxuu kasoo jeedaa Carab, wuxuuna ku abtirsadaa Nebi Ismaaciil ina Ibraahiim, taasoo sabab u noqotay inay dafiraan Yahuudda iyo Nasaaraduba iyagoo badankoodu og inuu yahay Nebi dhab ah, oo laga soo diray xag Alle. Qaarkood baa qafla iyo jaah wareer kaga sugan xaqnimada Nebi Muxammad (NNKH), Alle-se Quraanka ayuu marqaati usoo qaatay si uu meelo badan uga tuso inuu Muxammad (NNKH) Nebi Mursal ah oo xaggiisa laga sii direy.

Waxay kuwii mucaaraday Muxammad (NNKH) ka caajiseen inay keenaan Qur’aan lamid ah kan Muxammad uu layimid, kol ay suuradba ku tahay, saa Ilaahayna intaasi kuma ekaane aayadihiisa kowniga ah iyo mucjisaadkiisa ayuu isticmaalay si uu meelo fog fog uga tuso inuu Muxammad yahay mid xaq ah oo xagga Rabbi laga soo direy.

Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay

”Waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay (Muxammad iyo Qur’ aanku) xaq. Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda 41. Fusilat- aayah 53.

Bal aqriste eeg mucjisadan Rabbaaniga ah ee dhacday toddobadii bisha Ramadan ee sanadkan 1433h/2012m.

Daawo Video-ga

FG: Qoraalkan waxaa markii ugu horeysay lagu daabacay Caasimada Online 13-kii February 2013, waxaana ugu soo celinay xusuusin iyo cibra qaadasho

Wasiirka gaashaandhigga DF oo arrin yaab leh ka sheegay ciidamada DFS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo ka hor hadlayey Ciidamo ka tirsan DFS ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya ay qaab qabiil u dhisan yihiin.

Maxamed Sh. Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya xiligaan aysan noqon Karin Ciidamo Qaran, Sababtuna ay tahay in Ciidamadu ay Qabiilkii la safteen.

Wasiir Xaamud ayaa Xusay in uu ku Dadaalayo sidii loo soo celin lahaa Ciidamadii Dowladda Soomaaliya oo xili noqday Ciidamada Afrika ugu Caansanaa.

“Ciidamadeenu waxey u dhisanyihiin Qaab Qabiil, Qabiil iyo Qarana isma qabtaan (…) Howl Culus ayaa na hortaala” Ayuu yiri Wasiirka Gaashindhiga.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu Shaqada ka tagayo hadii aan lala Shaqeyn islamrkaana aan la dhisin Ciidamada Qaranka Soomaaliya, oo aan Xaquuqdooda la siin.

Xaamud ayaa intaa ku daray in ay jiraan kooxo Burcad ah oo Xirta dariiska Ciidamada Soomaaliya,k uwaas oo doonaya in ay Dilaan Sharafta Ciidamada Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya uu sheegay in uu Isbadal Muuqda uu ku sameen doono Ciidamada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Axmed Madobe oo taageero aan marnaba laga fileyn u muujiyey…!

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka maamul usameynta saddexda Gobol ee koonfurta dalka Soomaaliya, kaasi oo ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ayuu Axmed Madoobe wuxuu ku muujiyay sida uu u taageersan yahay shirka maamul usameynta saddexda Gobal ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeyo walaalaheena Baydhabo fadhiya ee dhisaya Maamulka saddexda Gobal ee shalay Dastuurka ansixiyay waxaan leeyahay Hambalyo”Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Nidaamka Maamul Gobaleedyada ayuu sheegay in hadii dhamaan Gobalada dalka Soomaaliya lagawada hirgeliyo in Soomaaliya ay isugu imaaneyso nidaamka federaalka ee uu dalka ku shaqeeyo.

Inkastoo Axmed Madoobe uu taageeray shirka Maamul usameynta saddexda Gobol, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Baydhabo uuka socdo shir maamul loogu sameynayo lix Gobol oo koonfurta Soomaaliya ku yaala.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay Maamulka KMG ee Jubba oo uu madax ka yahay Axmed Madoobe, waxaana maamulkaasi uu ka taliyaa Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

XOG: DF Soomaaliya oo sii deysay afar sarkaal oo uu ku jiro taliyihii ciidanka..

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Caasimada Online,in la sii daayay Taliyaha Ciidamada Milatariga ee Gobolka Hiiraan, Tawane Axmed Gureey iyo seddax sarkaal kale oo muddo 20-cisho ka badan ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqidsho.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la sii daayay ayaa loo heestay dilka Korneel Xaashi Xuseen Diiriye oo lagu dilay dhammaadkii sannadkii horre magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

In la xiro saraakiishan waxaa codsatay maxkamadda ciidanka qalabka sidda, balse ma cadda cidda sii deysay iyo sababta loo sii daayay toona.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in tan iyo markii la soo xiray saraakiishan in magaalada Muqdisho ay ka socdeen kulamo lagu doonayay in lagu sii daayo.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin sii deynta saraakiishan, oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Korneel Xaashi oo ka mid ahaa saraakiishii horre ee ciidanka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Dad la yaqaan guurso dad la yaqaan beey dhalaane (Qeybtii 1-Aad)

1

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah  korkiisa Allaha yeelo.

Aan ku hormaro’e Xikmadaa kore ee ciwaanka ah waqtiyadii hore Soomaalidu waxeey u isticmaali jirtey marka eey ka hadlayaan Soomaalida dhexdeeda, ama kala guursiga gabdhaha ee Beelaha dhexdooda ah, iyagoo ku dheeragalinjirey in gabadhu Tolkeed ka dhexguursato, sababtuna aheyd dagaallo Beeleedyadii ku dhisnaa ku hardanka Daaqa, Soohdimaha iyo Xoolaha. Maantase Soomaalidii dalkoodii baa burburey, oo dalal shisheeye oo aaneey wadaagiin, Diin, Dub, Dhaqan iyo Af toona ayey u kala firxadeen, oo xaalku wuxu marayaa warkii hore war soo dhaaf. Qaar ka mid ah gabdhihii Soomaaliyeedna waxeey caado ka dhigteen Guursiga Rag Ajaanib ah, oo qaarkood aaneyba Diin wadaagin (Subxaanallaah!), dabcan rag sidaa oo kale sameeyana waa jiraan, balse qormo u gaar ah ayaan uga hadlidoonaa, insha Allah.

Aan dib ugu laabto’e, waqtiyadii Beri-Samaadkii, dumarkeena Soomaaliyeed aad ayey isaga dhowri jireen guursiga Ajaanibta nuuceey rabaanba ha ahaadeene, maxaa yeeley sida dadkeena dibadaha eey ugu wada habjaqeen illaa iyo maantana loosii yaacayo xaalkeenu wuu ka duwanaa oo dad leh qaran dhisan iyo dal nabad ah beeynu aheyn, dalkana Ajaanibta weey ku yaraayeen, oo waxeey ku koobnaayeen magaalooyinka waa weyn. Gobollada waxeey ku mari jireen safar iyagoo Hey’ado la socda. Waxaase dhinaca kale jirey Dumarka aad fara ku tiris u ahaa, oo Magaalooyinka waaweyn joogey, kuwaasoo ahaan jirey dumarka Halleeysan ee “Beerta galay”. Dumarkaa waxeey ahaayeen kuwo Balwadaha xunxun eey diloodeen sida Khamriga, Durgs-ka kasii daran iyo Tumashada, arimahaa daraadoodna Ajaanibta dalka Joogtey sidaa ugu galijirey, oo Ajaanibta Gaal iyo Muslim wuxuu rabo ha ahaadeee iskala tumanjirey ama eey iska heeysanjireen, haduu Muslim sheeganayana iska guursanjireen. Waxeey ahaan jireen kuwo takooran, oo “Tuke Cambaarleh ah”, waxaa loo yaqaanney in eey dumar xun yihiin. Dadka qiimaha iyo sharafta lihina rag iyo dumarba aad ayey iskaga filqi jireen, oo uga faani jireen.

Xaqiidii dumarkeena guud ahaan ee aan balwadahaa laheeyni intabadan isma aaneyba arki jirin iyaga iyo Ajaanibtaa, luqad Ajnabi dumarkeena inta taqaaney weey iska yareeyd, wada shaqeeyn iyo ladhaqan keeni karey isu soo dhawaasho iyaga iyo Ajaanibta ahna haba sheegin. Dhab ahaan wixiiba cad Gaal ayuu u ahaaa, “Gaaloow-Gaal”. Waxkale iska daaye Ajaanibta Muslimka ah xitaa dumarkeena ma aaney jecleyn guursigooda, iyagoo aad uga baqi jirey in Dal iyo Dad aaney garaneyn uu la aadi doono, iyada iyo Ilmaha eey u dhashana aaney dib dambe isu arkidoonin nolosheeda inta ka dhiman marka uu soo eryo. Waa sida eey Carabtu ku sameynjireen qaarkii ka guursadey, oo iyagoo bilaa Ilmo ah ayey soo eryi jireen, dumarkaa oo u badnaa kuwii Jaariyadaha/Khaddaamad-yada u ahaa Carabta.

Aan Xaalka haddadan jira dib ugu soo noqdo’e,  ayaamahan waxaa aad usoo batey website-yada ka hadla Arimaha Bulshada, kuwaasoo dhalinyaro badani aqrisato. Kuwa wararka ku qora website-yadaasi waa kuwo aanan muhiimad gaar ah siinin saameynta eey ku yeelankaraan qaab-fikirka da’yarta. Waxa kaliya ee ay xooga saaraan waa in eey soo qoraan wax yaab leh oo ciwaan iyo qoraal ahaan ka fajaciya/ka yaabiya dhalinyarada. Waxaa muhiim u ah oo kaliya xayeysiinta dhaqaalaha aadka u yari eey ka helayaan (Google Adsense). Hadii eey helaan 1-Gabar oo Nin Cadaan ah ama guud ahaan Ajnabi ku dhagan ama la sawiran, inta Gabdhaha Soomaaliyeed oo dhan wada Shaabadeeyaan ayey waxeey si aan taxadar laheyn u soo qoraan ciwaano aad ula yaabeyso, oo eey ka mid yihiin, “Dumarka Soomaaliyeed oo nacay Raga Soomaliyeed!”, iyo  “Dumarka Soomaaliyeed oo isku raacay in Raga Soomaaliyeed aaney aheyn kuwa Romantic ah!”, ama kaba darane “Dumarka Soomaaliyeed ayaa waxeey taaganyihiin Raga Ajaanibta ah ayaa ka fiican kuwa Soomaaliyeed ama [Faaraxa]”, iyo kuwa kaloo la mid ah. Hadii hal gabar xitaa tiraahdo sidaas, “Sababtu waxeey rabtaba ha ahaatee”, ma dumarka Soomaaliyeed ayey wada matali kartaa? Maxaase arin guud eey uga dhigayaan, hadii aaney Geyru-Mas’uuliyiin aheyn?. Inkasoo eey Buunbuuniyaan, hadana xikmad baa dhaheeysa, “Qaac dab la’aan ma yimaado”

Waxeeyse iigu darneyd markii aan daawadey barnaamij-ka Arimaha bulshada ee ka baxa Universal TV, Youtube-kana lasoo galiyey July 8, 2013 (Link-gan ka daawo), kaasoo laga diyaariyey 22-Gabdhood oo Soomaali ah, joogana magaalada London, ee cariga Ingiriiska, da’dooduna u dhaxeeysey 24-38-Sano, guurna wada raadinayey, kana wada sinnaa in aaney rabin nin Soomaali ah, oo eey wada rabeen dhamaan niman Ajaanib ah. Wariyuhu wuxuu daawadayaasha weydiiyey: Maxaa ku kallifaya in gabdhahan Soomaaliyeed diidaan Ragga Soomaaliyeed, Ajaanibtana u raadinayaan? Dhageeystayaashii TV-ga Soowacay waxeey qaarkood ku sababeeyeen: 1-In wiilal eey jeclaayeen malaha gabdhahaa loo diidey Qabyaald darteed. 2-Qaar waxeey yiraahden, waa tiro yar oo ma matali karaan guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed. 3-Qaarbaa yiri, Taariikhdoodii hore ayaa xumeyd, oo waa gabdho hore u tuman jirey, hadana is leh Ajnabi aanan waxba kaa garaneyn ama eeyba caado u tahay ku qabso. 4- Qaarbaa yiri, waa gabdho laga quruxbadan yahay.IWM. Waxaase dadka Tv-ga Soo wacay ka mid ahaa nin Soomaaliyeed oo isna yiri, Aniga Gabar Soomaaliyeed maba guursadeen, maxaa yeeley weey qeylo, Qarash iyo Kadeed badanyihiin, bal adba!

yaqaan (5)Waxaa sidoo kale jirtey in uu Sheikh Saciid Raage ka hadlay Gabar uu mar nikaaxiyay ee uu Nin Shisheeye ah/Ajnabi ugu nikaaxiyay “$0.25/= cents”. Aad ayuu ula yaabey markii eey intaas u sheegatay MEHER-keeda in uu Yahay. Waxeey ku tiri, “Meherkeeyga waan rakhiisiyey maxaa yeeley waa sida Diinta haloo fududeeyo Meherka u tiri!”. Ninkii guriga hooyadeed ayuu Basement-ga ka dajiyay, BAASKIIL-na iyadoo Barafku buuro yahay ayuu ku wadan jiray iyadoo gadaal u saran, wuxuuna ku dhihi jirey marka aad i rabto meel heblaayo adiga iigu imoow. Mudo kooban kabacdina wuuba iska Fureyba!  Sheekha ayeey usoo noqotay isla gabadhii, waxey ku tiri, “Sheekhoow warqad Furriin ah ii qor”. Wuxuu ku yiri “Oo maxaa dhacay?” Waxeey ku tiri, “Waan Guursan rabaa sheekhoow” Wuxuu isagoo kaftan u dhiibaya ku yiri, “Markii hore ayaan ogaaye ($0.25/=Cents) ayaad Meher ka dhigtaye, hade markan MEHER-ba ma qaadeysid ayaan u maleeynayaa?”. Waxey ugu jawaabtey, “Maya sheekhoow in aan Meher qaado iska daaye, waxaan midkan ka qaadayaa Meher gaaraya $25000/=”. Markaasuu inta aad u qosley, isagoo Kaftankii sii wata ku yiri, “Waa hubaal in uu Soomaali yahay”. Waxeey si kalsooni badan ku tiri, “Iska daa waxkalee waaba ina adeerkeey!”. Shiikha oo yaabban ayaa yiri, “Fadlan gabdoow wiilasheena Soomaaliyeed haloo naxariisto, oo Meherka haloo fududeeyo si la mid ah sida Ajaanibta aad isugu rakhiisisaan, si guurka dhexdeena ah uu inoogu fududaado” (link-gan ka fiiri daqiiqada 42-aad ayuu uga hadlayaa).

QARRIBAADAN MA QARANKIYOO DUMAY IYO QURBAHAA KEENEY?

Sidiisaba Bini’aadamka deegaanka uu ku noolyahay saameyn ayuu ku yeeshaa (Al-Insaanu Ibnu Bii’atihi), wuu la qabsadaa, waxbadan ayuuna ka qaataa, kuwaasoo hadaanu ku dhexnoolaan laheyn wax laxun oo uu ka dido kana cararo la ahaan lahaa. Nasiib darro! Kadib markii Dalkeenii Hooyo uu burburey, ee Maatadeenii iyo Marasteeniiba Dibado iyo dhul Gaalo u hayaameen, Oowlaadii eey ku dhaleena ku qaangaartey, ayaa ceebaal badan oo inoo qarsoonaa bannaanka inooga soo baxeen. Waxyaabo markii hore ummadeenu aan ka dhex dhici jirin ama aad u yareyd dhicitaankooda ayaa kordhey, haba ugu darnaatee guursiga Ajaanibta nuucyadiisa kala duwan’e. Aan sii Afeefto’e dumarkeena qurbaha joogaahi intooda babadan Ajaanibta ma guursadaan, waxaase jira qaar aad u yar oo guursada Ajaanibta, kuwaasoo aan matalin dumarkeena qiimaha badan ee Soomaaliyeed.  Sababaha khubaradu eey arinkan hadda u aaneeynayaan, ayaa waxaa ka mid ah 1-In qeyb badan oo ragii Soomaaliyeed ka mid ah eey mas’uuliyadoodii gabeen markii qrubaha la yimid, oo dumar badan inta Ilmo kadhaleen, ku silciyeen, ugu dambeyna ka tageen, sidaana Single-Mothers uga dhigeen. Dumarkii jabkaa gaareey, oo eey usii dheer tahay in Ragga Soomaalidu leeyihiin waa Garoob ilmo nin kale ku raran, sidaana qaar ka mid ah dumarkaa Ajaanibta naf ka raadiyeen, iyagoo ciil dartiina dacaayado kala duwan ka faafiya  guud ahaan Ragii Soomaaliyeed oo dhan, waxkastana ku wada amaanaya wixiiba Rag Ajaanib ah, sidaana suuqa ku buufiyey gaar ahaan dhagaha gabdhihii yaryaraa ee Guur-Doonka ahaa ee Soomaaliyeed qurbahana joogey, kuwaasoo nasiib darro! Dhul Gaalo kusoo korey, yaraantoodii lasoo cayaari jirey Ajaanib, wax lasoo cuney, wax lasoo bartey, isku luqadna wada qaateen. 2-Tan kale ayaa waxeey tahay in dumarkaa Ajaanibta guursada intoodabadan yihiin kuwo Aabayaashood eey dhinteen, oo Hooyo Single-Mother-nimo eey kusoo korisey, oo Qiimaha iyo Naxariista nin Soomaaliyeed uu leeyhay aaney garaneyn, hadii xumaantiisa aanba laga dharjin. 3-Qaar waa kuwo Hooyadood iyo Aabahooddba eey qurbaha uga wada dhinteen, oo College-yada Gaalada eey kusoo korsadeen, oo waxa eey arki jirteen ee waxba u ahaa, ama naxariisba dareensiinjirey Gaalada uun ahaayeen, taasoo keeneeysa in Ajaanibta eey soo jiitaan, 4-Nasiibdarro! Qaar waa kuwo yaraantoodii eey faraxumeeyeen oo sidaa ugu galeyba. 5- Gabdhahaa intooda badan waa kuwo horey usoo tumanjirey oo waqti xeero iyo fandhaal kala dheceen soo baraarugey, oo is leh ama da’dan nin Soomaali ah kuguma rabo, iyo/ama Gabarnimo la’aantaada, ama Caan ayaadba xumaan ku aheyd, oo waa la isku kaa sheegey ee Ajnabi ku dhagso, lagana yaabe in eey kasoo laabatey wixii hore, ileyn Towbada Allaah markasta weey furantahaye. 6- Nasiibdarro! Dumarka da’da yar qaar waxeey si aan ka fiirsi laheyn oo indho la’aan ah isaga qaateen Propaganda meelaha dumarka xun xun eey galiyeen oo ah in Raga Soomaaliyeed aaneyba Romantic aheyn, lagana yaabe in waligeedba aaney la dhaqmin nin Soomaaliyeed, 7- Qaar waxeeyba leeyihiin Balwad Sigaar iyo Qamri, iyo dhaqan reer Galbeed oo nin Soomaali ahba isma keeneeysaan ayeyba is leedahay waa sida badanaa dhacda’e. 8-Ugu dambeyn waxaa dhacda in Self-Worth-kii iyo Self Esteem-kii ka dhintey, hadaan si kale u iraahdo Qiimo isla lahaashihii uu ka dhintey gabadhaa, dabcan jahlina uu jiro oo Ajnabiguba wax kale la yahay. Qaarbaa faan mooda in la yiraahdo, Heblaayo Nin Ajnabi ah baa qaba ama eey guursatey!

LA SOCO QEYBTA 2-AAD EE SOO SOCOTA

Writing only for SOOMAALINIMO

Wabillaahi Toowfiiq

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected].

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Waxaa is-casilay duqii magaalada….!

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxa halkaas isku cisilay Duqii degmada Gaalkacyo.

Munaasabadda oo uu joogay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa Bile Bashiir Ceynab oo duqii magaalada Gaalkacyo uu kaga dhawaaqay in uu shaqada ka tagay isla markaana madaxweynaha u gudbiyay warqadda shaqo ka tegista.

Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa oggolaaday is-casilaada duqa magaalada Gaalkayco, wuxuuna Ceynab ku amaanay waxqabadkiisa muddadii uu xilka hayay.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay inuu furan yahay tartanka qabashada xilka duqa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Bile Bashiir oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaramay mas’uulka bedelli doona inuu dhameystiro howlaha dowladda hoose ee degmada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

KENYA: “Waxaan u xayiran nahay DF Somalia, si aan u bilowno howsha….!

0

Nairobi (Caasimada Online) Kenya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caga-jiideyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dedejiso magacaabista xubnaha uga mid noqonaya guddi saddex geesood ah oo loo xil-saaray fududeynta dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladdiisa iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ay keeneen xubnaha uga mid noqonaya guddiga, loo xilsaaray arrintaas, balse ilaa hadda dowladda Soomaaliya aan laga heynin wax jawaab.

JOSEPH-OLE-LENKU

Ole Lenku ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee loo xayiran yahay si loo billaabo qorshaha dib loogu celinaayo qoxootiga Soomaalida

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya in ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda, kaddib markii loo sheegay in la gaaray heshiiskii saddex geesood ah oo lagu celinaayo qoxootiga.

Wasiirka ayaa ku celceliyay haddii uu dhaqan galo heshiiskii saddex geesoodka uu fursad u siinayo Kenya in ay ammaanka dalkeeda ka adkaato.

Mal;aayin qoxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha qoxootiga dalka Kenya, kuwaasoo tagay halkaas tan iyo sannadkii 1991-dii,

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]