WARBIXIN: Been abuurkii laga faafiyey madaxweynaha iyo dadka fududeeyay

Anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxaan ka xumaaday markii aan maqlay wararka been abuurka ah ee websiteyada Soomaalida badankooda ay qoreen, oo ku saabsan caafimaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaqlka Soomaaliya.

Hadii aan isla eegno sida uu hadalkan kusoo galay suuqa iyo sida looga faa’ideystay oo ay uga faa’ideysteen dadka neceb madaxweynaha qaranka iyo dad dano gaar ah leh oo jecel dhibaatada madaxda qaranka iyo umada Soomaaliyeed, Aniga ahaan sida aan u arko iyo dadka ka mas’uulka ah arintaan waxaan ku qiyaasi lahaa aqoon la’aanta heysata dadka madaxtooyada u qaabilsan warfaafinta.

Waxaa looga baahnaa inaysanba sheegin madaxweynaha inuu u baxaayo arimo caafimaad, maxaa yeelay hadalkaas waa hadal culus hadane nin madaxweyna ah markii uu si deg deg ah ugu baxaayo arimo caafimaad dadku way shakinayaan oo waxey u fasiran karaan inuu saa’id u jiran yahay madaxweynaha, oo xanuun deg deg ah ay kusoo booday iyadoo ay jiraan dad badan oo neceb nolosha madaxweynaha oo ka faa’ideysanayo hadalkaas ayagoo bulshada u gudbinaayo hadalo been ah oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha.

Waxaan kula talinayaa dadka qaabilsan xafiiska warfaafinta madaxtooyada oo uu ugu horeeyo mudane Eng Yariisow inuu adeegsado hadallo ay ku dheehantahay siyaasad iyo feejignaan badan. Meesha uu Yariisow inta saxaafadda isugu yeeray uu ka yiri madaxweynaha wuxuu u baxay safar caafimaad, waxaa looga baahna inuu yiraahdo hadal siyaasadeysan, Wuxuu dhihi karay, madaxweynaha wuxuu u baxay arrimo shaqo ama fasax oo dalka Turkiga ayuu aaday.

Xaafiiska warfaafinta madaxtooyada waa meesha dhan oo laga helo arrimaha ku saabsan socdaallada madaxweynaha iyo arrimaha madaxda qaranka marka waxaan kula talinayaa mar labaad in ay tifaftiraan warbixinada ka hor inta aan warbaahinta la siinin.

W/Q: Mahdi Abdiweli Knaan