Madaxweyne XASAN SH oo shaaciyey xilliga uu ku soo laaban doono dalka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in mardhow uu ku soo laaban doono dalka, maadama booqashada uu ku joogo dalkaas ay inta badan u dhammaatay.

Madaxweynaha wuxuu kaloo beeniyay in uu dalkaas u tagay arrimo caafimaad, balse wuxuu caddeeyay in uu tagay dalka Turkiga siddii uu u soo booqan lahaa xaaskiisa iyo carruurtiisa oo deggan halkaas.

“Booqashadeyda ma ahan mid rasmi ah, waa mid ii gaar ah oo rabay in aan ku soo arko xaaskeyga iyo carruurteeda, waana ay soo dhammaatay oo 15ka bishan ayaan dalka kusoo laabanayaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in aanu arrimo caafimaad u tagin dalka Turkiga, balse maadama uu shantii sanno ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa baarin, in uu tagay Isbitaal maalin, isla markaana uu baaray jirkiisa dhan oo ay ku jiraan Ilkaha, loona sheegay in uu caafimadkiisa uu fiican yahay 100%.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay kuwa wararka dacaayadaha faafinaya in ay yihiin kuwa cadow ku ah ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com