27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Gaas oo magacaabay W/Warfaafinta

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Axad ah wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, wuxuu ku magacaabay Cabdiweli Xiri Cabdulle “Iindha-Guran” inuu noqdo wasiirka warfaafinta,hidaha iyo dhaqanka.

Wasiirka cusub  Indha-guran ayaa kamid ah wasiiradii horre ee maamulka Faroole, isagoona ahaa wasiirka shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Haddaba nuqul ka mid ah wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Gaoowe oo la soo gaarsiiyay Caasimada Online, halkan hoose ka akhriso.

Indho-001-533x740

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Abaaro dad iyo duunyo xaalufiyay oo laga soo sheegay gobolka Gedo

0

Baardheere (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmooyin fara badan oo ku yaalla gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaas ay dhowr qof oo u badan carruur ay ugu geeriyoodeen biyo la’aan.

Guddoomiyaha deeganka Gerileey ee gobalka Gedo, Aar Maxamuud Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhowr qof ay u dhinteen oon daran oo ka jirra deeganka.

Wuxuu sheegay in labadii sanno ee la soo dhaafay ay abaaro xooggan ka jireen deeganno badan oo ku yaalla Gedo kuwaasoo dad iyo duunyo meertay.

Mar la weydiiyay in ay jiraan hey’addo gargaar oo gobalka soo gaaray.

Wuxuu sheegay in wax hey’addo ah aaney gobalka soo gaarin kuwaasoo caawinaya dadka ku dhibaateesan deegannada ay abaarta ay ku dhufteen.

Wuxuu kaloo dowladda ku eedeeyay in ay gaabisay in ay dadkaas ceelal u qodaan sidda uu yiri “Dhowr jeer ayaan ugu baaqnay in ceelal nooqdaan ilaa hadda wax jawaab ah kama heyno dowladda oo waxa ay ka badin la’dahay Muqdisho” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay haddii aan gargaar degdeg ah loo soo dirin dadka ku dhibaateesan degmooyin fara badan oo ku yaalla iyo laga cabsi qabo in abaarta ay ku faafto gobalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Sawirro: Marwada madaxweynaha oo xarriga ka jirtay mashruuc muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa shalay laga billaabay mashruuc cusub, kaasoo lagu doonayo in teendhoyin loogu dhiso dadka laga soo tarxiilo dalka Sacuudiga ee ka soo daga garoonka caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cabdulle.

Mashruucan ayaa waxaa xarigga ka jartay marwada madaxweynaha Sahra Cumar Xasan, taasoo sheegtay in muhiim ay tahay muwaadiin Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dal kale in isagoo aan waxbo heesan laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa mashruucan dowladda Soomaaliya ka caawainaya Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) taasoo ballan qaaday in ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya mashruuca cusub.

Hey’adda ayaa sheegtay teendhooyinka laga dhisaayo gudaha garoonka in loogu talagalay siddii loo heli lahaa meelo ay seexdaan dadka la soo tarxiilo ee garoonka laga soo dajiyo iyo kuwa laga soo musaafuriyo dalal uu Sacuudiga ka mid yahay ee aan awoodin inay hoteello ka kireystaan gudaha magaalada, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan IOM.

teendho6

Marwo Sahra Cumar Xasan oo ka hadashay goobta laga dhusaayo teendhooyinka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay tix-gelin gaar ah siineyso dadka musaafurka ah, taasi oo ay xustay inay tahay waajib saaran.

Intii ay socdeen howlaha mashruucan lagu soo bandhigaayay, ayaa waxaa garoonka ka soo degtay diyaarad ay saaran yihiin laga soo tarxiilay Sacuudiga, waxaana la kulantay Marwada madaxweynaha taasoo u qeybisay lacago iyo raashiin ay sii isticmaalaan inta magaalada ay ku sugan yihiin.

Qaar badan oo dadkan ayaa u sii safra gobalada dalka iyo waddamada dariska, balse badankood ma ahan kuwa wax heesta.

teendho3

teendho51

teendho4o Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Prof Samatar: Haddaan R/W nala siin wax is-beddel ah ma jiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed barana ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha kuyaala dalka mareykanka ayaa ka hadlay xaaladad siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somalia.

Wuxuu sheegay in Saameyn weyn aaney ku leheen Siyaasadda Somalia dadka asal ahaan kasoo jeeda deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Somaliland .

Samatar ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihiisa ku tilmaamay kuwo aanan wax ka badan siyaasadda dalka , waxaana shacabka dega gobolada waqooyi ee dalkeeena Somalia uu ku sheegay inay yihiin kuwo ka warqaba xaalka jira diyarna u ah inay aayahooda ka tashadaan sda uu sheegay.

“Madaxweyne Xassan sheekh iyo RW-ha waxaa ay sameeyeen waa wixii horey ay u sameyeen Dowladihii ka horeyey, waxaana ay saa u sameynayaa in la yiraahdo dadkii Dirta ahaa wey jooga oo Awood qeybsiga dalka ayey wax ku leeyihiin ayey aniga iila egtahay, laakin hadii ay arinkaasi dhab tahay Ra’iulwaraha maxaa ay u noqon wayeen beesha DIR ama qof ka soo jeeda beelaha reer Waqooyiga, hala weydiiyo Madaxweyne Xassan Sheekh iyo RW-ha” ayuu Axmed Ismaacil Samatar yiri mar uu arinkaasi ka hadlayey.

Halkan ka dhageyso Samatar iyo warbixin la xiriirta

18629

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub xaalkii madaxweyne Uhurru Kenyatta ee aadka u cakirnaa?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa ku gacanseyray eedeymo sheegayay in dowladda Kenya ay caqabad ku noqotay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha dalkaasi.

Dacwadda Uhuru Kenyatta waxay ka socotaa maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC.

Xafiiska dacwad oogaha maxkamaddaasi ayaa sheegay in Kenya ay ku gacan seyrtay dalab uga yimid maxkamadda oo ahaa in ay soo gudbiso macluumaadka ku saabsan xisaabaabta Bangiga iyo wicitaanka taleefoonnada Kenyatta.

Githu Muigai, ayaa sheegay in shaacinta macluumaadkaasi ay xadgudub ku tahay destuurka dalkiisa.

Uhur Kenyatta ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay kaddib doorashadii muranka dhalisay ee sanadkii 2007-da.

Dhagaysiga dacwadda Uhuru

Uhuru waa uu diiday eedeymahaas.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC-da Fatou Bensouda ayaa haatan codsatay in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwadda Uhuru.

Waxay sheegtay in aanay hayn caddaymo ku filan oo horey loogu sii wado dhagaysiga dacwaddan.

Dadkii marqaatiga ka ahaa dacwadda Uhuru Kenyatta ayaa la sheegayaa in qaarna ay dhinteen qaar kalena ay diideen inay madaxweynaha ku marqaati furaan.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa isaguna dacwad taas la mid ah uga socotaa maxkamadda ICC

Isha: BBC

XOG: Sababta Turkey-ga uu u joojiyay lacagta uu ku kabi jiray DF Soomaaliya

0

Akara (Caasimada Online) Kaddib markii dowladda Turkiga ay joojisay lacagaha sidda tooska ay ugu kabi jirtay miisaaniyada dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya, isla markaana caddeesay sababta.

Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya oo diidday magaciisa in la xuso, ayaa VOA u xaqiijiyay in sababaha loo joojiyay ay tahay markii dowladda ay ku mashquushay seddaxdii bilood ee la soo dhaafay dhismaha xukuumada iyo soo magacaabista ra’iisal wasaare.

Arrintaas ayaa waqtiga ka cunay dowladda oo waxaaba ay ilowday in ay cusbooneesiiso qorshaha Turkiga uu sidda tooska ah dhaqaalaha ugu siin jiray dowladda Soomaalida, siddaas waxaa yiri sarkaalka ay soo xigatay VOA ee diidday magaciisa in la sheego.

Wuxuu kaloo sheegay in la joojiyay lacagahaas bishii December ee sannadkii horre, maadama uu heshiiska xilligaas ku ekaa, balse wuxuu rajo fiican ka muujiyay in dib loo dhaqan galin doono arrintaas.

Ma sheegin sarkaalkan lacagta Turkiga uu ku kabi jiray miisaaniyada dowladda Soomaaliya,

Si kastaba, mas’uuliyiin u hadlay dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyay in tallaabada ay qaaday xukuumada Ankara in uusan saameyn ku yeelan doonin mashruucyada kale ee ay ka wadaan dalka, kuwaasoo ay ka mid tahay dib u dhiska iyo horrumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada u baahan tahay sidda caafimaadka iyo waxbarashadda.

Turkiga ayaa mashaarciif fara badan ka hirgaliyay magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 2011-ka xilligaas oo abaaro iyo macmuul ay ka dilaacday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lumisay kalsoonida ay u hayeen dowladaha reer galbeedka kaddib markii ay soo shaac baxday fadeexaddii sababtay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe Yusra Abrar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Fadeexad: Maraykanka oo la ogaaday in uu afgambin rabo dowladda dalka…

0

Nairobi (Caasimada Online) Kenya ayaa ku eedeesay dowladda Maraykanka in ay wado qorshayaal lagu afgaminaayo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta.

Warbixin ay soo saareen guddiga qaranka ee arrimaha ammaanka Kenya, ayaa lagu sheegay in hey’adda horrumarinta gargaarka Maraykanka ee USAID ay wado abaabulka kooxo qaswadayaal ah oo lagu damacsan yahay in lagu afgambiyo dowladda Kenya.

Waxaa kaloo warbixinta guddiga lagu sheegay in doonayaan in dalka meelo badan ay ka dhacaan kacdoon dadweyne si meesha looga saaro dowladda hadda jirtay.

Qorshahan ayaa la sheegay in uu soo billowday bishii March ee sannadkii horrre sidda lagu sheegay warbixinta guddiga qaranka ammaanka Kenya.

Guddigan ayaa amar ku bixiyay in loo yeero madaxda USAID oo hadda Kenya ku sugan, si wax looga waydiiyo eedamaah loo soo jeediyay.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ayaa eedeentaas beeniyay.

Warkan waa mid culus haddii ay xaqiiqo noqdaan eedeemaha loo jeediyay dowladda Maraykanka, siddaas waxaaa leh dadka odorosa arrimaha gobalka.

Si kastaba, hey’addan ma ahan hey’ad arrimaha siyaasada ka shaqeysa, oo waxa ay shaqadeeda ugu badan tahay horrumarinta iyo gargaarka gaar ahaan Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Burcad-badeedda oo weeraray markab ku soo jeeday Dekedda Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) –  Sida ay qortay wakaalada wararka Shiinaha Xinhua, kooxo burcad-badeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo ku soo jeeday dekedda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Andrew Mwangura oo ah madax u ah hey’adda la socota arrimaha badda ee geeska Afrika ayaa u sheegay wakaalada warkan qortay in koox burcad badeed ay weerar ku qaaday Jimcihii shaley markab ganacsi oo ku soo jeeday Soomaaliya.

Markabkan oo ka soo sharaacday xeebta Mombasa ayaa lagu magacaabaa MV Andrea, wuxuu sitay calanka waddanka Sierra Leone, sidda uu sheegay Mwangura.

Sidda la lee yahay markabkan waxaa saarnaa 17-shaqaala ah oo inta badan u dhashay dalka Kenya, waxaana lagu waday marka uu yimaado dekedda Muqdisho in uu badeecad geeyo Jaziirada Comoros.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee dhaca sannadkan 2014- iyadoo sheegis mudan tahay in la badii sanno ee la soo dhaafay aaney wax afduub ah geesan kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

“Anigoon waxba sameyn ayay 15 saac i jirdilaayeen nabad sugida” waxaa yiri..

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xabsiga laga sii daayay seddax wariye oo labo ka mid ah ay ahaayeen agaasimayaal Idaacad, kuwaasoo muddo labo cisho u xirnaa hey’adda nabad sugida dowladda.

Waxaa ka mid ah Maxamed Barre Fiyoore oo ah mulkiilaha iyo agaasimaha Idaacadda Danan ee magaalada Muqdisho, wuxuu ka hadlay sababaha loo xiray iyo jirdil loo geestay intii uu xirnaa.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu Fiyoore sheegay in isaga si gooni ah loo jirdilay looguna geestay tacadiyo xooggan sidda uu yiri.

“Anniga nabrahan iga muuqda waxaa ii geestay ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida oo iga watay meel ku dhow KM4, dabadeed waxa ay anniga, Ibraahim Yare oo ah agaasimaah Idaacadda Haatuf iyo Injineer Muxydiin oo ah injineer caan ah nagu xireen Godka Jilacow, markii aan halkaas ku jiray hal maalin anniga waxaa la ii badalay xabsi kale, waxaana la ii geestay jirdil xooggan” ayuu yiri.

Wuu sii hadlay “Anniga waxaan u heestaa in si gaar ah la ii ugaarsanayay, waxaana aan sheegayaa haddii wax la ii geesto in ay ka mas’uul yihiin taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Koofi iyo Cabdidheere oo ah ninka i soo xiray oo isna ka tirsan nabad sugida, waana qorshayaal toos ah oo lagu doonayo in lagu aamusiyo Idaacadeeda” ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Danan.

Waxaa kaloo uu sheegay Idaacadda in shaley ay soo weerarreen seddax nin oo hubeysan kuwaasoo si qasab ah ku amray in la damiyo, waan waan kaddib maanta ayaa la soo daayay ayuu yiri.

Waxaa lagu eedeeyay agaasimaha Idaacadda Danan in uu sawirro ka qaaday dhaawaca guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose oo toddobaadkan qarax miino ku dhaawacmay meel ku dhow KM4 magaalada Muqidsho,”Anniga waxaan sawirro qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay, cid na dhahday siddaas wax u sawirra, Idaacadeedana waxa ay soo bandhigtay wixii meesha ka dhacay” ayuu ku doodday.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta Soomaaliya, sannadkii horre 18-suxufi ayaa lagu dilay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka

[email protected]

Britain oo soo saartay digniin xoogan oo ku wajahan dalka Soomaaliya

0

London (Caasimada Online) Dowladda Britain ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda u safarta Soomaaliya.

Warbixintan oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibadda ee UK, ayaa lagu sheegay in la helay warbixino muujinaya in kooxaha aragagixisada ay wadaan qorshayaan ay ku beegsanayaan ajaaniibta ku sugan Soomaaliya.

Xafiisak xayaa ka codsaday muwaadiniinta Ingiriiska ah in ay ka soo baxaan Soomaaliya, maadama xilligan aan la isku haleen karin dhinaca ammaanka.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay jirto halis joogta ah oo ka imaaneysa argagxisada, sida; afduub ay u geystaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya iyo deegaannada maamulka Somaliland.

Warbixinta waxaa kaloo lagu shegeay in weerarrada argagixisada ah ay noqon karaan kuwo xilli kasta dhici kara oo aan loo meel dayin, gaar ahaan in la weerarro karo goobaha ay dadku ay ku badan yihiin.

Goobaha sidda weyn looga digay waxaa ka mid ah xafaladaha ay qabtaan madaxda dowladda iyo goobaha ay sida joogtada ah u tagaan ajaaniibta.

Digniinta ka timid dowladda Ingiriiska ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan digniin noocan oo kale ay soo saartay dowladda Maraykanka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayaa, iyadoo shaley lee ahayd markii baabuur laga soo buubiyay waxyaabaha qarxa lagu weerarray kolanyo ay la socdeen saraakiil ka socda QM gaar ahaan laanta qoxootiga UNHCR.

Caasimada Onlin

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Turkey-ga oo jaray lacagtii uu siin jiray dowladda madaxweyne Xasan Sheikh

0

Muqdisho iyo Istnabul (Caasimada Online) – Turkiga ayaa joojiyey taageeradii miisaaniyadda tooska ahayd (Lacagta kaashka), ee uu siin jiray dowladda Somalia, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters.

Turkiga, ayaa dowladda Somalia ku caawin jiray lacag kaash oo toos ah, si ka beddelan dalalka reer galbeedka, oo ballaayiin dollar mar kasta u ballan qaado Somalia, bale aan u siin si toos ah.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa u sheegay Reuters in dalkiisa uu dhammaadkii sanadkii 2013 joojiyey lacagtii uu tooska usiin jiray dowladda Somalia.

Ma cadda lacagta kaashka ah ee Turkey uu siiyey dowladda Somalia sanaddii 2013, hase yeeshee dowladda ayaa sanadkaas miisaaniyaddeedu waxa ay ahayd 110 milyan oo dollar.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Somalia, Cabdisalaam Cumar ayaa shaaca ka qaaday in intii uu xilkaas hayey ay dowladda Turkiga siin jirtay dowladda Somalia 4.5 milyan oo dollar, bil kasta.

“Waxaan bil kasta tagi jiray safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana kasoo qaadi jiray 4.5 milyan oo dollar, oo ah lacagta boqol boqolka” ayuu yiri Cabdisalaam.

Sarkaal ka tirsan dowladda Somalia, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online in Turkiga uu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee uu siin jiray Somalia, sanaddii 2013, waxaase uu sheegay inay rajeynayaan inay dib u billaabato.

Si kastaba, sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa ku warramay in dowladdiisa aysan iminka wax qorshe ah ka lahayn inay dib u billowdo lacagtii kaashka ahayd oo ay siin jirtay dowladda Somalia.

Sarkaal ka tirsan ha’yadda TİKA (Turkish Cooperation and Coordination Agency), “Hay’adda isku-xirka iyo wada-shaqeynta Turkiga”, ayaa xaqiijiyey in mashruucyada kale ee Turkiga uu ka wado Somalia, uusan saameyn go’aanka lagu joojiyey lacagtii kaashka ahayd ee la siin jiray dowladda Somalia, ayna sii socon doonaan.

Dowladda Somalia, oo markii ay xilka qabatay si aad ah ay ugu han weyneyd beesha caalamka, ayaa hadda waxaa muuqata in cago jiid loo muujinayo, sababo la xiriira madaxweynaha oo koox gaar ah gacanta u geliyey awooddii dalka, diiday tallooyinka shacabka, wax-qabad la’aan iyo fadeexaddii ay sababtay Yussur Abraar, markii ay iska casishay xilka guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Sarkaal Turkiga u hadlay, ayaase sheegay in go’aanka Turkiga uusan wax xiriir ah la lahayn waxa ka socda Somalia, taa beddelkeedna markii horeba ballan qaadka Turkiga ee dowladda uu ahaa hal sano oo kaliya, uuna idlaaday.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah, ayaa sheegaya inaysan diyaar u ahayn inay buuxiyaan booska uu baneeyey Turkiga, oo culeys dhaqaale saari doona dowladda Xasan Sheekh.

Halkan ka aqri Warbixinta Reuters: Biggest donor Turkey stops direct budget support to Somalia

Caasimada Online
Xafiisyada Istanbul iyo Muqdisho
[email protected]

Video: Sh Umal oo ka hadlay arrin dad badan ay ku kadsoomayaan maanta

0

Caalamka gaalada waxaa maanta oo ah 14-ka February lagu xusayaa maalinta Valentine oo  lagu sheego Maalinka Jaceylka, hase yeeshee ah maalinta xuska Saint Valentine oo ahaa wadaad gaaleed noolaa xilligii boqortooyada Roman-ka.

Waxaase nasiib darro ah in umad badan oo muslimiin ah ay sidoo kale xusaan maalinkan, ayada oo qaarkood aan ogeyn xaqiiqda maalinkan.

Haddaba Si wax badan umadda muslimka ah ay uga ogaadaan arrintan, waxaa wacdi ka jeediyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah mashaa’iqda ugu weyn ee Somalia.

Daawo Sheikh Umal iyo maalinka Valentine.

Warbixin: Axmed Madobe & siyaasiyiin caan ah oo Kismaayo ku kulmay xalay

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay xaley ka dhaceen kulamo looga hadlaayo siddii loo dhammeestiri lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulamada oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Madooobe, labadiisa ku xigeen, siyaasiyiin, odayaal iyo qurbo joog  dibedda ka timid.

Waxaa kaloo kulanka joogay Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen, kuwaasoo dagaallo kula galay magaalada Kismaayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in mardhow la soo dhammeestiri doono maamulka Jubba, wuuxuna sheegay in magaalada ay soo gaareen rag culus oo ka soo horjeeday maamulkiisa, kuwaasoo ka yimid Muqdisho iyo Gedo sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, magaalada Kismaayo waxaa ka socoda ololo ballaaran oo lagu doonayo siddii maamulka Axmed Madoobe loogu dari lahaa raggii mucaaradka ku ahaa, kuwaasoo xilal loo dhiibaayo, si loo soo afjaro khilaafka curyaamiyay maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Daawo Video: Xususta Maanta & Goob Tariikhi ah oo ku taalo MUQDISHO

0

Goob Qiimo badna ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed oo Dowlada Somalia ay iska indha tirtay in ay dib u dayac tirto kadib Sanado burbur ah oo ku habsaday Goobtani Taariikhiga ah.

Waxaa hubaan ah Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed ee arka Goobtani in indhihiisa ay ilmo ku soo is taagayaan balse marka aad daawaneyso muuqaalkani waxaad arkaa arin kale oo aad ka naxeysid oo ah burburka Goobtani taariikhiga ah ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Kenya oo daysay diblomasi Somali ah

0

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa damiin lacageed ku sii daysay afar ruux oo Soomaali ah kuwaasoo dhawaan lagu eedeeyay inay doonayeen inay weeraraan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ee la sii daayey ayaa waxaa ku jiray diblomaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxaana maxkamadu ku sii daysay in midkiiba uu bixiyo lacag dhan 20 million oo lacagta Kenya ah.

Gudoomiyaha maxkamada kiiskaan dhagaysanaysay Doren Mulekyo ayaa maxkamada ka dhex sheegay in dastuurka dalka Kenya uu u ogolaanayo in lacag lagu sii deyn karo.

Dhalinyaradan Soomaalida ah oo lagu kala magacaabo Ilyaas Yuusuf Warsame oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Xasan Cabdi Max’ed, Max’ed Cusmaan Cali iyo Garaad Xasan ayaa dhamaantood waxaa lagu eedeeyay inay maleegayeen weerar lagu qaado garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi ku yaala hase ahaatee wey beebiyeen iney galeen dembigaas lagu soo eedeeyey.

Ra’iisul Wasaare C/Weli oo safar deg deg ah ugu ambabaxay waddamada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta galinkii dambe ka ambabaxay magaalada Muqidsho iyagoona ku sii jeeda waddamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay ka hor inta wafdiga ra’iisal wasaaraha ka duulin garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho, ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in uu safar shaqo u tagaayo waddamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuuna sheegay in marka horre wafdiga ra’iisal wasaaraha ay ku hormari doonaan magaalada Addis Ababa halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaas oo uu ku jirro ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Afhayeenka ra’iisal wasaaraha ma sheegin wax yaabaha uu ra’iisal wasaaraha kala hadli doono madaxda waddamada uu booqanaayo iyo inta safarkiisa uu qaadan doono, balse wuxuu sheegay in ay ka hadli doonaan siddii loo xoojin lahaa xiriirka waddamadaas iyo Soomaaliya.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka warfaafinta, wasiirka gaadidka iyo wasiiru dowlaha gaashandhigga iyo xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka.

Itoobiya iyo Jabuuti waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo fara badan kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waa safarkii ugu horreyay ee ra’iisal wasaaraha uu ugu ambabaxo dibadda tan iyo markii la magacaabay bishii la soo dhaafay.

Waxaa hadda dalka ka maqan madaxweynaha Soomaaliya, oo booqasho isaga gaar u ah u jooga dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Daawo Sawirrada: Qaraxyadi ka dhacay garoonka diyaaradaha MUQDISHO iyo meelo kale oo magaalada ka mid ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) Faah-faahin ayaa laga helayaa qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay afaafka horre ee garoonka caalamiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu weerarray kolanyo ay la socdeen shaqaalaha QM gaar ahaan barnaamijka cuntada adduunka.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimmatay qaraxa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa oo la dhigay bannaanka horre ee garoonka, in ka badan intaasna waa ay ku dhaawacmeen, sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa u jeedkiisu wuxuu ahaa in lagu weerarro kolanyada ay la socdeen shaqaalaha QM balse waxbo ma soo gaarin marka laga reebo seddax ka mid ah ilaadooda oo si xun ugu dhaawacmay.

Waxaa kaloo qaraxa uu waxyeelo soo gaasiiyay baabuurtiilay goobta uu ka dhacay oo afaafka horre ee goroonka.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo baaritaano ka wada goobta, waxaana la xiray irida laga galo garoonka oo lagu gadaamay ciidamo AMISOM.

Dhinaca kale, qarax miino ayaa maanta barqadii xaafada Ceymiska ee degmada Heliwaa waxaa lala eegtay baabuur ay la socdeen ciidamada dowladda.

Ma cadda khasaara soo gaaray ciidamada balse dadka deeganka ayaa sheegay in qaraxa xooggiisa laga maqlay xaafadaha ku yalla degmadaas.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley madaafiic xooggan ay ku soo dhaceen qaar ka mid degmooyinka magaalada.

Waxaa kaloo toddobaadkan magaalada ka dhacay labo qarax oo mid ka mid uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay qaraxyada ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, balse waxaa jirta in xaallada ammaanka magaalada ay soo xumaaneysay maalmahan dambe.

air1air2air3air4air5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AFRICA Confidential: Dowladda XASAN Sheekh: “Dhiig cusub oo lagu shubay dhalooyin duq ah” (Qoraal xasaasi ah)

Africa Confidential oo Dawladda Madaxweyne Xasan Sheikh ka qortay Maqaal loogu Magac daray “Dhiig Cusub oo lagu shubay Dhalooyin Duq ah” (New blood in old bottles)

Turjimid qeybta 1-aad.

Waxaa la magacaabay Raisul wasaare cusub laakiin dadka inta badan waxay aaminsan yihiin in Koox hunguri badan ay bedeshay nin ay horey u keensatay kuna bedelay mid kale oo ay wataan! Rajadii laga qabay in dawladnimo wanaagsan loo gudbo waa soo yaraaneysaa..

Doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay September 2012 waxaa macnaheedu ahayd in laga gudbo oo xor laga noqdo siyaasadda micna la,aanta ah, Siyaasada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha is qabsanaya, dhisid la’aanta Tiirarka dawladnimo, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa caawisay sooo bixitaankiisii inuu ahaa nin siyaasadda ku cusub.

Waxaase soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh in Taageerayaasha salka u ah siyaasadiisa ay yihiin Koox ka tirsan Akhwaanul muslimiinka oo lagu magacaabo Damu Jadiid ama dhiiga cusub, kooxdaani oo muhiimada siinaya inay abaal mariyaan xubnaha ururkooda oo siiyaan jagooyinka dawlada inta ay dhisi lahaayeen Dawlad islaami ah. Arinta kooxda Damu jadiid samaynayso ayaa ah mid la mid ah Kooxdii aala Sheikh ee Sheekh Shariif sida ay u dhaqantay.

Dhibaatada kale ee jiratana waxaa weeye madaxweyne Xasan Sheikh oo u dhaqmaya inuu yahay ninka kaliya eel eh go’aamada Dawladda inkastoo dasruurku uusan sidaa ahayn oo uu Raisul wasaaraha iyo Xukuumada siinayo awooda. Bulshada Caalamka waxaa ay rabtay markaan in la gaaro heshiis is faham ah, madaxweyne karti iyo caqli leh iyo Xukuumad tayo leh oo uu hogaaminayo Raisul wasaare xoogan, xukuumadaas oo qaada talaabooyin wax looga bedelayo nolosha maalinlaha ah ee shacabka Soomaaliyeed, laakiin sida haatan hawshu ku socota ayaa muujisay in bil cagsi arintu tahay.

Ku dhowaad hal sano go’aanada Dawladda waxaa qaadanayey madaxweynaha, Raisul wasaarahana wuxuu u shaqeynayey qaab dalaal wasiirada dhexdooda intuu ahaan lahaa hogaamiyaha Xukuumada sida dastuurka dhigayo, kadib shaqeyn la’aanta dawladda oo xukuumada dhaliisha la saarayey inkastoo aysan go’aan lahayn, bulshada caalamku waxaa ay garwaaqsatay in loo baahan yahay in dawladda dib u habeyn (reshuffle)lagu sameeyo si karaamada xukuumada iyo awood qeybsiga qabiilkaba loo soo celiyo.

La soco qeybta xigta insha allah