AFRICA Confidential: Dowladda XASAN Sheekh: “Dhiig cusub oo lagu shubay dhalooyin duq ah” (Qoraal xasaasi ah)

Africa Confidential oo Dawladda Madaxweyne Xasan Sheikh ka qortay Maqaal loogu Magac daray “Dhiig Cusub oo lagu shubay Dhalooyin Duq ah” (New blood in old bottles)

Turjimid qeybta 1-aad.

Waxaa la magacaabay Raisul wasaare cusub laakiin dadka inta badan waxay aaminsan yihiin in Koox hunguri badan ay bedeshay nin ay horey u keensatay kuna bedelay mid kale oo ay wataan! Rajadii laga qabay in dawladnimo wanaagsan loo gudbo waa soo yaraaneysaa..

Doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh la doortay September 2012 waxaa macnaheedu ahayd in laga gudbo oo xor laga noqdo siyaasadda micna la,aanta ah, Siyaasada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha is qabsanaya, dhisid la’aanta Tiirarka dawladnimo, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa caawisay sooo bixitaankiisii inuu ahaa nin siyaasadda ku cusub.

Waxaase soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh in Taageerayaasha salka u ah siyaasadiisa ay yihiin Koox ka tirsan Akhwaanul muslimiinka oo lagu magacaabo Damu Jadiid ama dhiiga cusub, kooxdaani oo muhiimada siinaya inay abaal mariyaan xubnaha ururkooda oo siiyaan jagooyinka dawlada inta ay dhisi lahaayeen Dawlad islaami ah. Arinta kooxda Damu jadiid samaynayso ayaa ah mid la mid ah Kooxdii aala Sheikh ee Sheekh Shariif sida ay u dhaqantay.

Dhibaatada kale ee jiratana waxaa weeye madaxweyne Xasan Sheikh oo u dhaqmaya inuu yahay ninka kaliya eel eh go’aamada Dawladda inkastoo dasruurku uusan sidaa ahayn oo uu Raisul wasaaraha iyo Xukuumada siinayo awooda. Bulshada Caalamka waxaa ay rabtay markaan in la gaaro heshiis is faham ah, madaxweyne karti iyo caqli leh iyo Xukuumad tayo leh oo uu hogaaminayo Raisul wasaare xoogan, xukuumadaas oo qaada talaabooyin wax looga bedelayo nolosha maalinlaha ah ee shacabka Soomaaliyeed, laakiin sida haatan hawshu ku socota ayaa muujisay in bil cagsi arintu tahay.

Ku dhowaad hal sano go’aanada Dawladda waxaa qaadanayey madaxweynaha, Raisul wasaarahana wuxuu u shaqeynayey qaab dalaal wasiirada dhexdooda intuu ahaan lahaa hogaamiyaha Xukuumada sida dastuurka dhigayo, kadib shaqeyn la’aanta dawladda oo xukuumada dhaliisha la saarayey inkastoo aysan go’aan lahayn, bulshada caalamku waxaa ay garwaaqsatay in loo baahan yahay in dawladda dib u habeyn (reshuffle)lagu sameeyo si karaamada xukuumada iyo awood qeybsiga qabiilkaba loo soo celiyo.

La soco qeybta xigta insha allah