Daawo Sawirrada: Qaraxyadi ka dhacay garoonka diyaaradaha MUQDISHO iyo meelo kale oo magaalada ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) Faah-faahin ayaa laga helayaa qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay afaafka horre ee garoonka caalamiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu weerarray kolanyo ay la socdeen shaqaalaha QM gaar ahaan barnaamijka cuntada adduunka.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimmatay qaraxa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa oo la dhigay bannaanka horre ee garoonka, in ka badan intaasna waa ay ku dhaawacmeen, sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa u jeedkiisu wuxuu ahaa in lagu weerarro kolanyada ay la socdeen shaqaalaha QM balse waxbo ma soo gaarin marka laga reebo seddax ka mid ah ilaadooda oo si xun ugu dhaawacmay.

Waxaa kaloo qaraxa uu waxyeelo soo gaasiiyay baabuurtiilay goobta uu ka dhacay oo afaafka horre ee goroonka.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo baaritaano ka wada goobta, waxaana la xiray irida laga galo garoonka oo lagu gadaamay ciidamo AMISOM.

Dhinaca kale, qarax miino ayaa maanta barqadii xaafada Ceymiska ee degmada Heliwaa waxaa lala eegtay baabuur ay la socdeen ciidamada dowladda.

Ma cadda khasaara soo gaaray ciidamada balse dadka deeganka ayaa sheegay in qaraxa xooggiisa laga maqlay xaafadaha ku yalla degmadaas.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley madaafiic xooggan ay ku soo dhaceen qaar ka mid degmooyinka magaalada.

Waxaa kaloo toddobaadkan magaalada ka dhacay labo qarax oo mid ka mid uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay qaraxyada ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, balse waxaa jirta in xaallada ammaanka magaalada ay soo xumaaneysay maalmahan dambe.

air1air2air3air4air5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com