Ra’iisul Wasaare C/Weli oo safar deg deg ah ugu ambabaxay waddamada…

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta galinkii dambe ka ambabaxay magaalada Muqidsho iyagoona ku sii jeeda waddamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay ka hor inta wafdiga ra’iisal wasaaraha ka duulin garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho, ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in uu safar shaqo u tagaayo waddamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuuna sheegay in marka horre wafdiga ra’iisal wasaaraha ay ku hormari doonaan magaalada Addis Ababa halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaas oo uu ku jirro ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Afhayeenka ra’iisal wasaaraha ma sheegin wax yaabaha uu ra’iisal wasaaraha kala hadli doono madaxda waddamada uu booqanaayo iyo inta safarkiisa uu qaadan doono, balse wuxuu sheegay in ay ka hadli doonaan siddii loo xoojin lahaa xiriirka waddamadaas iyo Soomaaliya.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka warfaafinta, wasiirka gaadidka iyo wasiiru dowlaha gaashandhigga iyo xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka.

Itoobiya iyo Jabuuti waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo fara badan kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waa safarkii ugu horreyay ee ra’iisal wasaaraha uu ugu ambabaxo dibadda tan iyo markii la magacaabay bishii la soo dhaafay.

Waxaa hadda dalka ka maqan madaxweynaha Soomaaliya, oo booqasho isaga gaar u ah u jooga dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasumada@live.com