Kenya oo daysay diblomasi Somali ah

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ayaa damiin lacageed ku sii daysay afar ruux oo Soomaali ah kuwaasoo dhawaan lagu eedeeyay inay doonayeen inay weeraraan garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ee la sii daayey ayaa waxaa ku jiray diblomaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxaana maxkamadu ku sii daysay in midkiiba uu bixiyo lacag dhan 20 million oo lacagta Kenya ah.

Gudoomiyaha maxkamada kiiskaan dhagaysanaysay Doren Mulekyo ayaa maxkamada ka dhex sheegay in dastuurka dalka Kenya uu u ogolaanayo in lacag lagu sii deyn karo.

Dhalinyaradan Soomaalida ah oo lagu kala magacaabo Ilyaas Yuusuf Warsame oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Xasan Cabdi Max’ed, Max’ed Cusmaan Cali iyo Garaad Xasan ayaa dhamaantood waxaa lagu eedeeyay inay maleegayeen weerar lagu qaado garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee Nairobi ku yaala hase ahaatee wey beebiyeen iney galeen dembigaas lagu soo eedeeyey.