27.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Daawo: Muqdishada cusub ee maanta

0

Mgaalo Madaxda Muqdisho oo aad moodo in muddo Sanado ah kadib in ay dib ugu noqoneyso sidii ay ahaan jirtay Waagii Bariisamaadka ee aan heysanay Dowlad dhan walba ka dhisan oo lagu faano.

Muqdisho hadii aad tagtay ama aad joogtid waxaa dareemeyaa in dib loo helay Qaran burburay 23 sano ka hor waxaana taas ku cadeeynayo adigoo daawada Muuqaalkani kaa ilmeysiin Doono.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Video: Muqdisho iyo xilliga habeenkii

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaan Howlo wax looga qabanay Amaanka & dib u soo celinta Waagii bariisamaadka sida ay ahana jirtay magaalada Xiliga habeenkii ah.

Magaalada Muqdisho Habeen & Maalin waa isku mid xiliga aa doonto ayaa soconeysaa waxaana taa ay ka macno tahay in haatan uu jiro amaan la isku leyn karo oo ka soo roonaanayo sidii hore nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Ugaaska Ciise Muddullood (Udeejeen) oo Muqdisho lagu caleemo-saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, waxa maanta lagu caleemo saaray ugaaska beesha Ciise Muddullood (Udeejeen) ee Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar, iyadoo munaasabaddii caleema saar-kiisa oo si heersare loo soo agaasimay ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo dad weyne kale.

Munaasabadda, oo ka dhacday hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay caleema saarka ugaaska cusub ee beesha Ciise Muddullood ee Ugaas Cismaan, madax ay ka mid yihiin madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya bur-burkii dowladdii meleteriga kadib, Cali Mahdi Maxamed, Raysal wasaarihii dowladdii madaxweyne Cabdillaahi Yusuf ee Cali Maxamed Geeddi, marwadii uu ka dhintay AUN Madaxweyne Yuusuf, Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Md. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Goodax Barre, duubabka dhaqanka beelaha Muddulood, xildhibaanno iyo martisharaf kale.

Md. Maxamuud Tarsan, oo goobta ka hadlay fureyna munaasabaddaas, ayaa u rajeeyay xilka ugaaska cusub ee loo caleema saaray in uu Alle ku guuleeyo, kana dhigo beeshiisa mid u horseeda barwaaqo iyo midow beelaha kale.

Prof Cali Maxamed Geeddi, ayaa isna tilmaamay in ugaaska cusub ee beesha Ciise Muddullood Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi in uu yahay shaqsi uu si weyn u garanayo, uuna ugu hambalyeynaayo xilka cusub.

Madashii xafladda ka dhacaysay, oo sidoo kale lagu soo bandhigey suugaan iyo madadaallo, ay kamid yihiin farda fuul, ayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Md. Cabdillaahi Goodax Barre, waxa uu sheegay in ugaaska uu ka mid yahay udub dhaxaadka dhaqanka ee dowladdan aan KMG aheyn dalka ka jirta dhisay.

Waxa uu sheegay Md. Goodax in Ugaas Cismaan uu ka qeyb qaatay soo xulidda xubno firfircoon oo baarlamaanka beeshiisa Udeejeen uga mid noqda.

Ugu dambeyntii ugaaska la caleema saaray, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in howlaha cusub ee loo igmadey Alle ku guuleeyo, islamarakasina uu ku dadaali doono sidii lagu yaqaanaba duubabka dhaqanka Soomaaliyeed uu saxo khaladaadka imaan kara, uusanna marna ku taageeri doonin beeshiisi wixii gardarro ah ama khalad ah oo ayna sixi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAAWO SAWIRRADA: Ugaaska Sade oo Muqdisho tagay maanta kadib markii…

0

Wafdi ballaaran oo Horkacayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi  ayaa maanta galinkii danbe si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ugaaska oo kasoo kicitimay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb galay Xubno ka socday labada gole ee dowladda, Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Salaadiin, Ugaasyo, Malaaqyo, Wabaro, Garaadyo, iyo dadwayne Farabadan, waxaana markii ay garoonka soo cagadhigatay Diyaarada siday Ugaaska ay isgacan qaadeen xubnihii soo dhawaynayay.

Ugaaska ayaa loo galbiyay Hoygii loogu talagalay waxaana Shir Jaraa’id oo  Saxaafadda u qabtay uu ugu mahad celiyay xubnihii soo dhaweeyay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta soo gaaro Caasimada Qaranka ee Muqdisho , waxaan u mahad celinayaa Xubnihii Wasiirada ahaa iyo Salaadiintii soo dhawayntayda qaybta ka qaatay oo runtii mudo badan aan soo wada shaqaynay badankooda , si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa dhammaan cid walba oo qayb ka qaadatay soo dhawaynta aniga iyo Wafdiga ila socday” ayuu yiri Ugaas Maxamed.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad (Taako) oo dhankiisa ka hadlay soo dhawaynta Wafdiga Ugaaska ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay soo dhawaynayso Ugaaska iyo Xubnaha la socday.

“Maanta waxaan aad ugu faraxsanahay inaan soo dhawayno Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi hadaan nahay Xukuumadda Soomaaliya waxaan leenahay Ugaaska soo dhawoow, wixii kale ee Faah faahin ah iyo is waraysi dib ayaan ka bixin doonaa” ayuu yiri Wasiirka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isna dhankiisa ka hadlay Shirka Jaraa’id ee soo dhawaynta Ugaaska ayaa sheegay Ugaas Maxamed inuu kamid ahaa Xubnihii da’daalka badan ku bixiyay sidii Ummada Soomaaliyeed ay uga bixi lahayd KMG.

“Waxaa maanta Farxad noo ah inaan kusoo dhawayno Magaalada Muqdisho Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo Ugaaska beesha Sade ah Caasimada Soomaaliya, anagoo ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan oo ugu horeeyaan Salaadiintii deegaanka kasoo jeeda oo hadda garbahayga Fadhiya, Ugaas Maxamuud Cali  Ugaas Cabdulle, Ugaas C/laahi Ugaas Faracadde, Ugaas Maxamed Bashiir, iyo dhammaan salaadiinta Soomaaliyed ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay si diiran usoo dhaweeyeen Ugaaska Beesha Sade waxaan leenahay Ugaas soo dhawoow waa Magaaladii aad Ugaaska u ahayd” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ku hadlayay Magaca Salaadiintii soo dhaweeyay Ugaaska.

Ugaaska Beesha Sade ayaa muddooyinkii u danbeeyay wuxuu ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose wuxuuna qayb wayn ka qaatay dhismaha Maamulka KMG ah ee Jubba iyo sidoo kale Maamulkii Jubbaland ee kal hore looga dhawaaqay degmada Kismaayo.

20140217_15245620140217_15274320140217_15274920140217_15275220140217_15275520140217_15280520140217_15282420140217_15283220140217_15284520140217_15284820140217_15285720140217_15290320140217_15290820140217_15292020140217_15294220140217_15301720140217_15303120140217_15304820140217_15305120140217_15305520140217_15311520140217_15312520140217_15313920140217_15320320140217_15320620140217_15322020140217_15322720140217_15324620140217_15333020140217_15333620140217_15334320140217_15342020140217_15335320140217_15340720140217_15355720140217_15361920140217_16102420140217_16104420140217_16105120140217_16120420140217_16173720140217_16132420140217_16174420140217_161751

Axmednuur Maxamed

Muqdisho, Somalia

Diyaarad laga lee yahay Ethiopia oo la afduubtay iyo warar sheegaya in…

0

Geneva (Caasimada Online) Sidda goordhow uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Qaarada Yurub, diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.

Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya. Wararka kale ee la xiriira

“Diyaaradda si nabad galyo leh ayey ku soo degtay waxaa la socday 202-rakaab ah iyo shaqaalaha la socday, kuwaasoo ka yimid magaalada Addis Ababa, ee caasimada Ethiopian, qof kasta waa uu nabad qabay billow iyo dhammaad” Eric Grandjean siddaas waxaa yiri sarkaal u hadlay booliska Switzerland.

Dhinaca kale, mas’uul u hadlay Shirkadda diyaaraddaha ee Ethiopia ayaa sheegtay inay nabad qabaan dhammaan rakaabbkii saarnaa diyaaradda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay qabteen ninka afduubtay diyaarada, waxaana xiran gegida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.

Diyaaraddu oo ahayd Boeing 767-300 waxaa saarnaa in ka badan 200 oo ruux,  waxaana mas’uuliyiin u hadlay shirkadda diyaarada ay sheegayaan in caafimaadkoodu uu wada fiican yahay.

Wargayska Tribue de Geneva ayaa qoray in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan, waxaana magaalada Geneva soo degtay 6:02 a.m, xilliga dalka Switzerland.

Ilaa haatan lama garanayo sababta diyaaradda loo afduubay, lakin warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in mid ka mid daka wax afduubay uu yahay qof magangelyo doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

R/W Cabdi Weli oo qalad qarameed ku galay Ethiopia + Sawirro caddeyn ah

0

Ra’iisul Wasaaraha DF Somalia Cabdiweli Sh. Axmed ayaa intii uu joogey Addis Abaab waxaa Dawladda Federaalka ay heshiis la saxiixatay Itoobiya, heshiiskaan oo xukuumadda FS aysan shacabka Soomaaliyeed u fasirin ujeedadiisa dhabta ah iyo waxa ku qoran toona.

Inkasta oo heshiis laba dal na loo sheegay, haddana waxaa warqadda lagu kala saxiixday heshiiska ka muuqday kaliya caalamadda hal waddan oo ah tan Ethiopia, oo marnaba laguma dhiggin caalamadda qaranka Somalia, halkaasi oo R/W Cabdi Weli iyo waftigiisa ay qalad kaga galeen qaranka.

qalad 1

Marka laba waddan aya kala saxiixanayaan heshiis, waxaa qasab ah in warqadda saxiixa ay ku dhignaadaan labada caalamad ee labada dal, balse markan waxaa waftigii dowladda Somalia ay saxiixeen warqado ay ku qoran yihiin caalamadda dalka Ethiopia, taasi oo ka dhigeysa inay heshiis u saxiixeen Ethiopia, balse aanay heshiis la saxiixan.

Waxa ay sidoo kale tani caddeeneysaa in warqadda heshiiska ay qoreen dad Ethiopian ah, oo aanay waftigii Soomaalida qeyb ka ahayn.

qalad 2

Sidoo kale, markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu la kulmay dhiggiisa Ethiopia, waxaa goobta ka muuqday kaliya hal calan oo ah calanka dalka Ethiopia, oo kii Somalia meesha kama muuqan.

qalad 3

Ciidamadda Itooya waxay xasuuq ba’an ka geysteen magaalada Muqdisho oo ay soo galeen December 28, 2006, ilaa xoog looga saaray oo markii ay u adkaysan waayeen iska caabinta shacabka Muqdisho ay ka baxeen Janaayo 15, 2009 – waa 749 maalmood oo ay xusuuq ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Itoobiya waa dal xoog ku haysta dhul iyo shacab Soomaaliyeed, qorshaha Itoobiyana waxa uu ku cad yahay qoraalkii wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ee ahaa “Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.” Waxaana madaxda Soomaaliyeed fahmi la’yihiin in Itoobiya aysan doonayn Soomaaliya oo yeelata dawlad la xisaabtami karta.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay warbaahinta Itoobiya sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay kusoo qulqulayaan Soomaaliya (Daawo Video hoose).

Faafin: Somalitalk.com

DHAGEYSO: Puntland: Hadda iyo kadib waan ka madax bannaan nahay…!

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaalada, Diinta iyo arimaha dhaqan celinta ee maamulka Puntland Cismaan Maxamed Nuur oo ka hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay inta laga soo dhameystirayo dastuurka Federaalka , Puntland ay ahaan doonto dowlad ka madax bananaan Xukuumada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay mas’uulkaan in arimaha Puntland ay si gaar ah uga tashan doonaan waxgaradka,aqooyahanada iyo waliba shacabka reer Puntland iyagoona soo saari doonaan go’aan cad,sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ayaa wasiirka wuxuu ka jeedayay kulan maanta ka dhacay Garowe ee looga hadlayay dhismaha Gudiga qabyo qoraalka xuquuqul insaanka Soomaaliya kaasi oo aan wali la ansixin.

Halkan ka dhageyso warbixin dhameystiran

18685

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Xog: Dhaqaalaha ay qaataan ciidamada Sierra Leone iyo Kenya ee Soomaaliya

0

Bujumbura (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada difaaca dalka Sierra Leone Major Alfred Palo Conteh ayaa ka hadlay mushaarka ay qataaan askarta kaga sugan dalka Soomaaliya, kadib markii saxaafada uu kula hadlay caasimada dalkaasi ee Freetown.

Wasiirka ayaa sheegay in askari kastaa oo ka socda dalka Sierra Leone kana mid ah howlgalka AMISOM uu mushaar ahaanu qaato 828 Doolar, halka ciidamada Jabuuti ay qaataan 728 doolar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in askarta Kenya ee kaga sugan Soomaaliya ay qaataan 1,028 doolar mushaar ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Major Conteh, ayaa ku dooday in haddii dowlada Sierra Leone ay bixiso dhaqaalaha askarteeda sida dowlada Kenya ay suurtogal tahay inay isaga haraan howlgalka, sabab la xiriirta awood la’aanta uu sheegay inay heysato.

Wasiirka ayaa cadeeyay in dowladooda ay tahay dowlad si adag ula dagaalameyso kooxaha nabad galyada kasoo horjeeda, sida uu hadalka u dhigay gaar ahaan la dagaalanka kooxaha ku sugan dalka Soomaaliya.

Ma jiro war kale oo uu jeediyay marka laga soo tago dhaqaalaha uu sheegay inay qaataan askarta kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasi ah ciidamo ku sugan Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Sawirrada: Barkhad Cabdi oo ku guuleestay abaalmarin caalami ah

0

London (Caasimada Online) Magaalada London waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad bilado lagu guddoon siinaayay jilayaasha ugu wanaagsan sannadkan.

Jilayaasha abaalmarinta la sii yay waxaa ka mid ah Barkhad Cabdi oo ah nin u dhashay Soomaaliya, balse deggan dalka Maraykanka.

Barkhad ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa jilayaasha ugu caawinta fiicnaa Filimka Captain Philips, oo looga hadlaayay burcad-badeedda Soomaalida.

Barkhad ayaa ka adkaaday jilayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Bradley Cooper, Daniel Bruhl, Matt Damon and Michael Fassbender.

Hey’adda BAFTA ayaa abaalmarintan guddoonsiiyay Barkhad, waxaana markii loo yeerayay sacab is qabsaday goobta xafladda ay ka socotay oo ay joogeen Soomaali fara badan.

Barkhad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay abaalmarinta ay guddoonsiiyay hey’adda filimada ee BAFTA.

Wuxuu u mahad celiyay jillaaga weyn ee Tom Hanks oo ah xiddigga filimka Captain Phillips.

Bafta-Winners-3153540

Barkhad-Abdi-3153496

Captain-Phillips-2470034

Si kastaba, Barkhad ayaa waxaa abaalmarin kale guddoon siin doonta bisha March ee soo socota shirkadda caanka ah ee filmada sameesa ee Hollywodka ee dalka Maraykanka.

Barkhad oo ku dhashay Soomaaliya, ayaa isagoo 14-jir ah isaga iyo qoyskiisa waxa ay u soo guureen dalka Maraykanka, wuxuu ahaa ka har inta uusan jilaa noqon Taksiile ka shaqeysa Minnesota.

Barkhad ayaa hadda noqday jilaa caan ah marka loo eego sidda uu ugu soo caanbahay Filimka Captain Phillips.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

ANWAR: Qaran dumis ayaa ku dhacay sida loo qoro magacyada Soomaalida

0

Minneapolis (Caasimada Online) Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho laga furay xarun ay dadka ka qaataan warqadda aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed.

Haddaba waxaa la isweydiin karaa sidda loogu qoro warqaddahaas magaca Soomaaliga.

Anwar Maxamed Diiriye waa qof wax badan ka qora Afsoomaaliga, wuxuu macalin barre ka yahay Jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka.

Isagoo la hadlaayay VOA ayaa wax laga weydiiyay bal sidda warqaddaha aqoonsiga loogu qoro magacyada.

Wuxuu sheegay in dal kasta uu ilaaloyo dhaqankiisa iyo sidda loo qor, laakin Soomaalida ay noqdeen dadka kaliye ee magacyadooda marka la qoraayo loo qoro qaab aan asal ahayn.

“Magacu waa summad; waa baadisooc; waa astaan wax kala hagta oo muujisa sida dad, dalal, dhulal & ashyaa’i u kala soocan yihiin.” ayuu yiri Anwar Maxamed Diiriye.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Wacays, oo marka lagu qoraayo ID Card-ka uu u qoran yahay Wais, wuxuu eraygaas marka la joogo Israel uu u dhigmaa adoo lagu dhahay Eeyahow, ayuu yiri Anwar Maxamed.

“Nin macalin ka ah Jaamacad Marakanka ku taalla ayaan ku dhahay. ka waran haddii aan magacaaga u qoro Joon, wuxuu igu yiri waa qalad, markaas ayaan ku iri boqolaal Soomaali ah ayaa magacyadooda badashay, markaaas ayuu i dhahay waxaa tahay qofkii ugu horreeyay ee igaal doodda sidda loo qoro magacyada Soomaalida, hadda kaddib uma qori doono siddaas” ayuu yiri

Halkan ka eeg dhowr maga oo asal ah iyo sidda loo dhalanrogay

Muqdisho                                                                  Mogadisho

Gaalkacyo                                                                 Galcio

Burco                                                                          Buro or Buroa

Hargeysa                                                                   Hargeisa

Wacays                                                                      Wais

Xalan                                                                          Halan

Qamar                                                                        Kamar

Xareedo                                                                     Haredo

Geelle                                                                         Guelleh

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Minneapolis

 

Video: Dekedde weyn ee Magaalada MUQDISHO iyo isbedelka ka muuqda

0

Horumarka Baaxada weyn ee ka soconaya waxuu noqday mid dhan walba leh oo si xoogan uga socda Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaadna ka dheehan kartaa Muuqaalkani.

Waa hubaal in Muqdisho in ay cagta saartay Wadadii Horumarka & dib u soo celinta Bilicdii Muqdisho ee nala daawo Muuqaal Xiiso badan oo soo jeedasho leh oo laga diyaariyay Dekeda Weyn ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Video: Arrin Mucjiso ah oo ka taagan Sanaag: Nin Roob & Dab isla socda ah

0

Sanaag (Caasimada Online) Arrin mucjiso ah ayaa lagu arkay deegan lagu macagaao Baaragaha Qol oo ka tirsan degmada Dahar ee gobalka Sanaag, taasoo ah “Nin Roob iyo Dab isla socda ah”.

Nin 72-jir ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Aw-Raage, ayaa oo ku nool deeganka arrintan mucjisada ay ka dhacday ayaa la sheegay in mar la arkay isagoo dushiisa ay ku da’ayaan roob, markii dambana la arkay isagoo meeshii uu fadhiyay dab uu ka kacay, kaasoo baabi’yay guryo iyo goob  lagu xareeyo xoolaha.

Ninkan ayaa dadka marka ay taabtaan waxaa laga dareemayaa qoyaan oo roob ayaa ku da’aya kaligiisa.markii dambe meel ku dhow xerada xoolaha ayaa dab ka kacay.

Ninka mucjisadan ay qabsatay ayaa la hadlay VOA-da wuxuuna sheegay arrintan in uu isku muddo 15-cisho”Korka dab kama baxaayo, guryihii ayaa gubanaya, waa dab rabaani ah, korka dab kama baxaayo, alaabtii iyo guryihii waa ay bas beeleen, marka alle ayaan waxan u deeneynaa oo isaga ayaa yaqaana” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay in wax xanuun ah uu dareemayo, wuxuu sheegay in wax xanuun ah uusan dareemeynin marka laga reebo in uu yahay qof da’ ah.

Wuxuu sheegay oo kale Oday Maxamuud markii ay is dhaheen u soo sheega maamulka ka jirra deegan in uu dab qabsaday baabuurka ay la socdeen taasoo keentay in ay dib ugu laabtaan deeganka.

Dadka deeganka ayaa arrintan aad ula yaaban, waxaana ay noqotay mid aad looga hadalyo deeganka Baaragaha Qol iyo guud ahaan gobalka Sanaag.

Dhinaca kale, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsan hey’addaha culimada Soomaaliyeed, oo arrinta la weydiiyay ayaa ku taliyay in culimada deegankaas ku nool in ay qur’aan badan ku akhariyaan goobta lagu arkay mucjisada.

Halkan hoose ka daawo mucjisadan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Dowladda Turkey oo war kasoo saartay lacagta la sheegay inay ka jartay DFS

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa beenisay inay jartay lacagtii kaashka ahayd oo ay siin jirtay dowladda Somalia, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana ay sheegtay in si qalad ah loo fasiray hadal kasoo baxay.

“Waxa aan ka shaqeeneynaa qorshe aan ku caawineyno dowladda Somalia sanadkan 2014, taasi oo qeyb ka ah, taageerada aan la garab taagannahay dowladda Somalia” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, oo soo gaaray Caasimada Online.

“Ayada oo la tix-gelinayo codsiga madaxweynaha Somalia, ayaa intii u dhaxeysay bilihii June iyo December ee 2013, waxaa lacag kaash oo bille ah uu dalkeena ku taageeray Somalia, si aan tabarucaad uga geysanno baahida dhinaca miisaaniyadda ee dowladda Somalia” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa sheegtay in si qalad ah loo tarjumay hadal horey uga soo baxay, oo wakaaladda wararka Reuters ay faafisay, kaasi oo ku saabsanaa caawimaadeeda Somalia.

“Maadaama Somalia uusan ka jirin hannaan banki oo shaqeeya, waxaan lacagta u marsiin jirnay safaaraddeena Muqdisho, oo kaash ahaan usiin jirtay dowladda Somalia” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, oo qoraalkeeda ay heshay Caasimada Online.

“Ayada oo ay qeyb ka tahay taageerada buuxda ee aan siinno Somalia, waxaan wadnaa dadaallo aan taageero miisaaniyadeed ku siineyno dowladda federaalka ah ee Somalia sanadkan 2014”.

Sida ku cad bayaanka soo gaaray Caasimada Online, Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, waxa ay qeexday inay ka xun tahay in hoos loo dhigay qiimaha dhaqdhaqaaqyada ay ku caaawineyso dowladda Somalia, marka la eego warbixintii ay faafisay wakaaladda wararka Reuters.

Waxa ay sheegtay in ay ka shaqeeyneyso sidii ay lacag u siin lahayd dowladda Somalia sanadkan 2014, balse loo fasiray inay gabi ahaanba.

Caasimada Online
Xafiiska Isntabul
[email protected]

Sawirro: Cali M Geedi oo wax aan laga fileyn Muqdisho ka sameeyey maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marnaba ma ahayn wax qarsan, sida ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamed Geedi uu u mucaaradsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu bxiyey labaatameeyo wareysi oo uu si gaar ah ugu weeraray.

Si kastaba, sheeko taas ka duwan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdiho, markii Cali Maxamed Geedi uu istaagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo soo dhoweynaya madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay.

Sheekadaan illaa iyo hadda waa la bixin la’ yahay, waxaana la is weydiinayaa sababta keentay. Labada nin miyaa heshiiyey?, mise Cali Maxamed Geedi ayaa iska qaatay go’aan ah inuu Xasan Sheekh soo dhoweeyo. Lama oga.

Halkan ka arag sawirarda layaabkii maanta Geedi uu ka sameeyey Muqdisho.

gedi1gedi2gedi3gedi4gedi5gedi6gedi7gedi8gedi9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF Soomaaliya oo ay ku soo furmeen mowjado jah-wareero siyaasadeed ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) Toddobaadkan uma fiicnayn Dowladda Federalka, waxaana soo baxay Akhbaaraad saamayn ku yeelan kara hawl-maalmeedka Dowladda iyo Humaag Siyaasadeed soo kala dhex gala Dowladda iyo Beesha Calaamka, gaar ahaan Dowladaha deeq-bixiyaasha koowaad u ahaa Dowladda Federalka ee ay QM

Jabaqda mataanaha ee ay Dowladda la anfariirtay Toddobaadkan ayaa ah go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda Federalka faraha ka saari jireen iyo Warbixinta Guddiga QM ugu qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea.

Culays Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale ayeyna labadaasi arrin ku noqonaysaa Dowladda oo la og yahay inay dhaqaale la’aan la tukabayso, waxaana arrinta ugu khatarta badan ah sida ay Dowladda Federalka ugu guul-daraysatay Tijaabadda Calaamka ee lagu eegayey hadday Dowladdu noqon karto Dowlad nadiif ka ah musuqa, dhaca deeqooyinka lacageed iyo kuwa qalabeed.

Labo daraale ayey Dowladda ku noqonaysa sida ay u bogsiin lahaayeen arrimaha halka mar is-biirsaday ee Indhaha Caalamka ku soo wada jeesten.

Xitaa haddii ay Dowladda isku tijaabiso inay dhaydo boogta kalsooni-darradda ee ay qaar ka mid ah Dowladaha deeqaha bixiya waxay ku qaadan kartaa muddo laga yaabee sannooyin, waayo Beesha Caalamka waxay ka gilgishteen halka ay ka baxaan lacagaha ay Dowladda Somalia ugu deeqi jireen.

Dowladda Federalka Somalia waxay maalmahan aad uga walaacsan tahay Go’aanka Dowladda Turkiga ku joojisay Taageeraddii Lacageed ee ay Dowladda sida tooska u siin jireen.

Turkiga waxay joojiyeen lacagaha sida tooska loogu taageeeri jirey Dowladda Somalia, iyadoo Kaalmooyinkaasi ahaayeen kuwa ugu badan ee ay Dowladda bil kasta ku xisaabtami jirtey.

Guddoomiyihii Bankiga Dhexe, C/salaam Cumar oo xilkaasi hayey muddo 7-bilood ah ayaa sheegay inuu Safaaradda Turkiga bil kasta ka soo qaadi jirey lacag dhan 4.5 million oo Dollar, iyadoo miisaaniyadda Dowladda sannadkiiba uu dhan yahay 110 million oo Dollar.

Deeqda Dowladda Federalka bil kasta ka heli jireen Dowladda Turkiga ayaa haatan u muuqda inay waayeen ibtii dhaqaalaha ee lagu naas-nuujin jirey.

Dowladda Turkiga oo ay suurtogal tahay inay xog hoose ka hayso halka ay Deeqaha ay bixiyeen ku aroormi jireen ayaa waxay si maldhan u sheegtay inay joojinayso Dhaqaalihii ay Dowladda Federalka bil kasta faraqa ugu shubi jirtey.

Lahjad Diplomaasiyadeedka ay Maamulayaasha Turkiga adeegsadeen ayaa laga dheehan karaa inay Turkiga shaki ka qabaan qaabka loo maamulo Lacagahaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Turkiga wax badan maldahayso, laakiinse ay Dowladda Federalka u dhaqmaysay qaab ay Dowladda Turkiga ku qanacsanayn.

Go’aanka ay Dowladda Turkiga ku joojisay kaalmaddaasi lacageed waxa uu saamaynta ugu xooggan ku yeelanayaa Mujtamaca Soomaalida oo aan illaabi Karin Taageeradda ay Turkiga ugu soo gurmadeen xilligii ay macluusha ba’an ka dhacday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Waxaa lagu xusuustaa Maamulayaasha Turkiga gurmadkii ay Sannadkii 2011-kii u fidiyeen Ummadda Soomaaliyeed iyo Mashaariicda Horumarineed sida dhismaha Isbitaalka Digfeer, dhismaha iyo dayactirka Masaajid, Waddooyin iyo abuurista Ilo-shaqo iyo mid waxbarasho ee ay ilaa iyo haatan ka wadaan gudaha magaalladda Muqdisho.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa waxay falaanqeyn ku sameeyeen Oraahda ay Dowladda Turkiga u adeegsatay inay joojinayso Kaalmaddii ay Dowladda Somalia siin jireen.

Marka la rogrogo Oraahdaasi waxaa hubaal ah in la fahmi karo inay Dowladda Turkiga wax saluugtay iyadoo dhinaca kalena sheegtay inaan la joojin doonin Mashaariicda ay ka hirgelinayaan gudaha Somalia.

Xeeldheerayaasha Dhaqaale-yahanka ayaa iyagana su’aal ka keenay Kaalmaddaasi halka ay asal ahaan ka soo jeedo, waxayna ku doodayaan inay Turkiga isticmaalayso Sanduuqa ay Dowladaha Islaamka lacagaha ugu yabooheen Somalia.

Dadka fikirkaasi qaba ayaa sheegayo in Shirweynihii Madaxda Islaamka (OIC) oo ay Turkiga marti-geliyeen bilowgii sannadkii hore Malaayiin Dollar loogu deeqay Somalia, iyadoo Madaxda Turkigana loo xil-saaray inay Kalmooyinkaasi maamulaan.

Dowladda Federalka waxay u aragtaa inay Dowladda Turkiga kala xaajoon karaan sidii loo sii wadi lahaa Kaalmadda dhaqaale ee la siin jirey, laakiinse Mas’uul u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inay miisaaniyadda Kaalmadaasi ahayd mid dhamaatay dabayaaqadii sannadkii hore.
Mas’uul kasta oo xil qaran qabta waa in Hantidiisa la diiwaan geliyaa intaan xil loo dhiibin, laguna kontoroolaa halka ay dhaqaalaha soo gala asal ahaan ka yimaadeen, waayo waxaa aad u soo badanaya dadka sida xun ugu takri-falayo Xilka Qaran ee lagu aamino.

Dowladihii KMG ayaa horey farta lagu godi jirey, laakiin haatan waxay diiradda saaran tahay Dowladda Federalka oo u muuqata mid aan nadiif ka ahayn Is-dabamarinta Hantida Qaranka.

La yaab ma leh haddaan maqasho Wasiir hebel, Agaasime hebel, Taliye hebel, waxay ka fara qabsadeen muddadii koobnayd ee ay Xilalka hayeen. Imisaa mas’uul ayaa la hadal-hayaa inay Hantida Qaranka jeebka ku shubteen, kadibna Lacagahaas Boolida qaran Bangiyadda dibeddaha dhigta amaba guryo kaga gata magaallooyinka Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka waxaa la gudboon in wax badan oo qaldan la saxo, isla markaana sharci adag laga soo saaro La-xisaabtanka, dabagalka iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka sida waalida leh u malabsanayo Hantida magaca Somalia lagu soo yabooho.

Dalsan Radio

Cabdi Baaleey: Heshiiskii Addis Ababa ayaan qaadanay ee lagu go’aamiyay in madaxweyne uu yahay Axmed Madobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) Cabdi Baaleey Xuseen, oo ka mid ah raggii Axmed Madoobe la sheegtay madaxweynaha, isla markaana kula dagallamaya magaalada Kismaayo,ayaa mowqifkiisa badalay, wuxuuna caddeeyay inuu aqoonsaday maamulka KMG ah ee Jubba.

Isagoo la hadlaayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay in uu qaatay heshiiskii Addis Ababa ee lagu aqoonsaday Axmed Madoobe in uu yahay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Baaleey ayaa intaas ku daray in magaalada Kismaayo dhawaan uu ka furmi doono wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka deeggan Jubbooyinka.

Wuxuu ugu baaqay ragga kale ee mucaaradak ku ah Axmed Madoobe in ay ku daydaaan tallaabada uu isaga sameeyay, ee ah in uu qaatay nabadda.

“Anniga Kismaayo waan ku dhashay, waan ku dhalay, marka siddaas darteed ma rabo in aan horseed u noqdo dagaallo” ayuu yiri Cabdi Baleey.

Cabdi Baaley iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo iyagoona sheegay in magaalada ay u tageen siddii qayb uga qaadan lahaayeen nabadeenta iyo horrumarka dadka reer Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Dhageyso: Wasiirka gaashaandhiga DF oo shaaca ka qaaday sababtii keentay in ciidamo badan la ruqseeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xilli shalay uu ka qayb galay munaasabd lagu maamuusayay maalintii la aasaasay ciidanka cirka difaaca cirka wasiirka gaashaandhiga somaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyay arimo badan oo ku saabsan qaybaha kala duwan ee ciidamada somaliya.

Mudane Maxamed Shiikh Xaamud ayaa sheegay in dowladda Oomaliya dhaqaalaha uu aad uga liito isla markaana aysan jirincabshuur dalka kasoo xarooto sidaa daraadeed dhaqaalaha dowladda waxaa bixiyay dalal shisheeye isagoona ku booriyay ciidamada kala duwan somaliya in ay udulqaataan dhaqaalo xumida jirta.

Sidoo kale waxa uusoo hadla qaaday kooxaha ku qaraabta dareeska ciidanka dowladda somaliya kuwaasi oo sheegay in sumcadda ciidanka ay ku dheelayaan loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hortago.

Ugu danbeyn wasiir xaamud ayaa balan qaaday in uu kordhin doono tirada ciidamada cirka somaliya isagoona sheegay in wasaaradda ay xoogga saari doono sidii loo balaarin lahaa ciidanka cirka somaliya.

HALKAAN KA DHAGAYO WASIIR XAAMUD OO ARIMO BADAN KA HADLAYA:

maxamad-shiikh-xaamud-wasiirka-difaaca-somaliya

 

 

Daawo Sawirrada: R/W Cabdi Weli oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti

0

Addis Ababa (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo in ay goordhow ka dageen garoonka diyaaradaha Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay garoonka mas’uuliyiin uu hor kacaayo ra’iisal wasaaraha Jabuuti iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Waxaana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaas oo lagu wado in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay kulamo kula yeeshaan madaxda dalka Jabuuto oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kici timay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay marka ay booqashooda u dhammaadto in ay u sii ambabixi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

2014216635281332139447643Picture_026

 

2014216635281341255507037Picture_032

2014216635281342174102176Picture_039

2014216635281339910653218Picture_006

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Gaas oo magacaabay W/Warfaafinta

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Axad ah wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, wuxuu ku magacaabay Cabdiweli Xiri Cabdulle “Iindha-Guran” inuu noqdo wasiirka warfaafinta,hidaha iyo dhaqanka.

Wasiirka cusub  Indha-guran ayaa kamid ah wasiiradii horre ee maamulka Faroole, isagoona ahaa wasiirka shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Haddaba nuqul ka mid ah wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Gaoowe oo la soo gaarsiiyay Caasimada Online, halkan hoose ka akhriso.

Indho-001-533x740

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]