R/W Cabdi Weli oo qalad qarameed ku galay Ethiopia + Sawirro caddeyn ah

Ra’iisul Wasaaraha DF Somalia Cabdiweli Sh. Axmed ayaa intii uu joogey Addis Abaab waxaa Dawladda Federaalka ay heshiis la saxiixatay Itoobiya, heshiiskaan oo xukuumadda FS aysan shacabka Soomaaliyeed u fasirin ujeedadiisa dhabta ah iyo waxa ku qoran toona.

Inkasta oo heshiis laba dal na loo sheegay, haddana waxaa warqadda lagu kala saxiixday heshiiska ka muuqday kaliya caalamadda hal waddan oo ah tan Ethiopia, oo marnaba laguma dhiggin caalamadda qaranka Somalia, halkaasi oo R/W Cabdi Weli iyo waftigiisa ay qalad kaga galeen qaranka.

qalad 1

Marka laba waddan aya kala saxiixanayaan heshiis, waxaa qasab ah in warqadda saxiixa ay ku dhignaadaan labada caalamad ee labada dal, balse markan waxaa waftigii dowladda Somalia ay saxiixeen warqado ay ku qoran yihiin caalamadda dalka Ethiopia, taasi oo ka dhigeysa inay heshiis u saxiixeen Ethiopia, balse aanay heshiis la saxiixan.

Waxa ay sidoo kale tani caddeeneysaa in warqadda heshiiska ay qoreen dad Ethiopian ah, oo aanay waftigii Soomaalida qeyb ka ahayn.

qalad 2

Sidoo kale, markii ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu la kulmay dhiggiisa Ethiopia, waxaa goobta ka muuqday kaliya hal calan oo ah calanka dalka Ethiopia, oo kii Somalia meesha kama muuqan.

qalad 3

Ciidamadda Itooya waxay xasuuq ba’an ka geysteen magaalada Muqdisho oo ay soo galeen December 28, 2006, ilaa xoog looga saaray oo markii ay u adkaysan waayeen iska caabinta shacabka Muqdisho ay ka baxeen Janaayo 15, 2009 – waa 749 maalmood oo ay xusuuq ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Itoobiya waa dal xoog ku haysta dhul iyo shacab Soomaaliyeed, qorshaha Itoobiyana waxa uu ku cad yahay qoraalkii wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ee ahaa “Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.” Waxaana madaxda Soomaaliyeed fahmi la’yihiin in Itoobiya aysan doonayn Soomaaliya oo yeelata dawlad la xisaabtami karta.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay warbaahinta Itoobiya sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay kusoo qulqulayaan Soomaaliya (Daawo Video hoose).

Faafin: Somalitalk.com