Diyaarad laga lee yahay Ethiopia oo la afduubtay iyo warar sheegaya in…

Geneva (Caasimada Online) Sidda goordhow uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Qaarada Yurub, diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switserland kaddib marki la afduubay.

Boliiska Switzerland ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan oo ay leedhay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya. Wararka kale ee la xiriira

“Diyaaradda si nabad galyo leh ayey ku soo degtay waxaa la socday 202-rakaab ah iyo shaqaalaha la socday, kuwaasoo ka yimid magaalada Addis Ababa, ee caasimada Ethiopian, qof kasta waa uu nabad qabay billow iyo dhammaad” Eric Grandjean siddaas waxaa yiri sarkaal u hadlay booliska Switzerland.

Dhinaca kale, mas’uul u hadlay Shirkadda diyaaraddaha ee Ethiopia ayaa sheegtay inay nabad qabaan dhammaan rakaabbkii saarnaa diyaaradda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay qabteen ninka afduubtay diyaarada, waxaana xiran gegida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.

Diyaaraddu oo ahayd Boeing 767-300 waxaa saarnaa in ka badan 200 oo ruux,  waxaana mas’uuliyiin u hadlay shirkadda diyaarada ay sheegayaan in caafimaadkoodu uu wada fiican yahay.

Wargayska Tribue de Geneva ayaa qoray in diyaaradda la afduubay markay dul maraysay hawada dalka Sudan, waxaana magaalada Geneva soo degtay 6:02 a.m, xilliga dalka Switzerland.

Ilaa haatan lama garanayo sababta diyaaradda loo afduubay, lakin warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in mid ka mid daka wax afduubay uu yahay qof magangelyo doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com