24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Cabdi Baaleey: Heshiiskii Addis Ababa ayaan qaadanay ee lagu go’aamiyay in madaxweyne uu yahay Axmed Madobe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Cabdi Baaleey Xuseen, oo ka mid ah raggii Axmed Madoobe la sheegtay madaxweynaha, isla markaana kula dagallamaya magaalada Kismaayo,ayaa mowqifkiisa badalay, wuxuuna caddeeyay inuu aqoonsaday maamulka KMG ah ee Jubba.

Isagoo la hadlaayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay in uu qaatay heshiiskii Addis Ababa ee lagu aqoonsaday Axmed Madoobe in uu yahay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Baaleey ayaa intaas ku daray in magaalada Kismaayo dhawaan uu ka furmi doono wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka deeggan Jubbooyinka.

Wuxuu ugu baaqay ragga kale ee mucaaradak ku ah Axmed Madoobe in ay ku daydaaan tallaabada uu isaga sameeyay, ee ah in uu qaatay nabadda.

“Anniga Kismaayo waan ku dhashay, waan ku dhalay, marka siddaas darteed ma rabo in aan horseed u noqdo dagaallo” ayuu yiri Cabdi Baleey.

Cabdi Baaley iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo iyagoona sheegay in magaalada ay u tageen siddii qayb uga qaadan lahaayeen nabadeenta iyo horrumarka dadka reer Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News