Sawirro: Cali M Geedi oo wax aan laga fileyn Muqdisho ka sameeyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Marnaba ma ahayn wax qarsan, sida ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamed Geedi uu u mucaaradsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu bxiyey labaatameeyo wareysi oo uu si gaar ah ugu weeraray.

Si kastaba, sheeko taas ka duwan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdiho, markii Cali Maxamed Geedi uu istaagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo soo dhoweynaya madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay.

Sheekadaan illaa iyo hadda waa la bixin la’ yahay, waxaana la is weydiinayaa sababta keentay. Labada nin miyaa heshiiyey?, mise Cali Maxamed Geedi ayaa iska qaatay go’aan ah inuu Xasan Sheekh soo dhoweeyo. Lama oga.

Halkan ka arag sawirarda layaabkii maanta Geedi uu ka sameeyey Muqdisho.

gedi1gedi2gedi3gedi4gedi5gedi6gedi7gedi8gedi9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com