Dowladda Turkey oo war kasoo saartay lacagta la sheegay inay ka jartay DFS

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa beenisay inay jartay lacagtii kaashka ahayd oo ay siin jirtay dowladda Somalia, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana ay sheegtay in si qalad ah loo fasiray hadal kasoo baxay.

“Waxa aan ka shaqeeneynaa qorshe aan ku caawineyno dowladda Somalia sanadkan 2014, taasi oo qeyb ka ah, taageerada aan la garab taagannahay dowladda Somalia” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, oo soo gaaray Caasimada Online.

“Ayada oo la tix-gelinayo codsiga madaxweynaha Somalia, ayaa intii u dhaxeysay bilihii June iyo December ee 2013, waxaa lacag kaash oo bille ah uu dalkeena ku taageeray Somalia, si aan tabarucaad uga geysanno baahida dhinaca miisaaniyadda ee dowladda Somalia” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, ayaa sheegtay in si qalad ah loo tarjumay hadal horey uga soo baxay, oo wakaaladda wararka Reuters ay faafisay, kaasi oo ku saabsanaa caawimaadeeda Somalia.

“Maadaama Somalia uusan ka jirin hannaan banki oo shaqeeya, waxaan lacagta u marsiin jirnay safaaraddeena Muqdisho, oo kaash ahaan usiin jirtay dowladda Somalia” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, oo qoraalkeeda ay heshay Caasimada Online.

“Ayada oo ay qeyb ka tahay taageerada buuxda ee aan siinno Somalia, waxaan wadnaa dadaallo aan taageero miisaaniyadeed ku siineyno dowladda federaalka ah ee Somalia sanadkan 2014”.

Sida ku cad bayaanka soo gaaray Caasimada Online, Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga, waxa ay qeexday inay ka xun tahay in hoos loo dhigay qiimaha dhaqdhaqaaqyada ay ku caaawineyso dowladda Somalia, marka la eego warbixintii ay faafisay wakaaladda wararka Reuters.

Waxa ay sheegtay in ay ka shaqeeyneyso sidii ay lacag u siin lahayd dowladda Somalia sanadkan 2014, balse loo fasiray inay gabi ahaanba.

Caasimada Online
Xafiiska Isntabul
Caasimada@live.com