Dhageyso: Wasiirka gaashaandhiga DF oo shaaca ka qaaday sababtii keentay in ciidamo badan la ruqseeyo

Muqdisho (Caasimada Online) Xilli shalay uu ka qayb galay munaasabd lagu maamuusayay maalintii la aasaasay ciidanka cirka difaaca cirka wasiirka gaashaandhiga somaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyay arimo badan oo ku saabsan qaybaha kala duwan ee ciidamada somaliya.

Mudane Maxamed Shiikh Xaamud ayaa sheegay in dowladda Oomaliya dhaqaalaha uu aad uga liito isla markaana aysan jirincabshuur dalka kasoo xarooto sidaa daraadeed dhaqaalaha dowladda waxaa bixiyay dalal shisheeye isagoona ku booriyay ciidamada kala duwan somaliya in ay udulqaataan dhaqaalo xumida jirta.

Sidoo kale waxa uusoo hadla qaaday kooxaha ku qaraabta dareeska ciidanka dowladda somaliya kuwaasi oo sheegay in sumcadda ciidanka ay ku dheelayaan loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hortago.

Ugu danbeyn wasiir xaamud ayaa balan qaaday in uu kordhin doono tirada ciidamada cirka somaliya isagoona sheegay in wasaaradda ay xoogga saari doono sidii loo balaarin lahaa ciidanka cirka somaliya.

HALKAAN KA DHAGAYO WASIIR XAAMUD OO ARIMO BADAN KA HADLAYA:

maxamad-shiikh-xaamud-wasiirka-difaaca-somaliya