Daawo Sawirrada: R/W Cabdi Weli oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Addis Ababa (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo in ay goordhow ka dageen garoonka diyaaradaha Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay garoonka mas’uuliyiin uu hor kacaayo ra’iisal wasaaraha Jabuuti iyo wasiirka arrimaha dibedda.

Waxaana markii dambe loo galbiyay xarunta madaxtooyada halkaas oo lagu wado in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay kulamo kula yeeshaan madaxda dalka Jabuuto oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kici timay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay marka ay booqashooda u dhammaadto in ay u sii ambabixi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

2014216635281332139447643Picture_026

 

2014216635281341255507037Picture_032

2014216635281342174102176Picture_039

2014216635281339910653218Picture_006

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com