Daawo Sawirrada: Barkhad Cabdi oo ku guuleestay abaalmarin caalami ah

London (Caasimada Online) Magaalada London waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad bilado lagu guddoon siinaayay jilayaasha ugu wanaagsan sannadkan.

Jilayaasha abaalmarinta la sii yay waxaa ka mid ah Barkhad Cabdi oo ah nin u dhashay Soomaaliya, balse deggan dalka Maraykanka.

Barkhad ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa jilayaasha ugu caawinta fiicnaa Filimka Captain Philips, oo looga hadlaayay burcad-badeedda Soomaalida.

Barkhad ayaa ka adkaaday jilayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Bradley Cooper, Daniel Bruhl, Matt Damon and Michael Fassbender.

Hey’adda BAFTA ayaa abaalmarintan guddoonsiiyay Barkhad, waxaana markii loo yeerayay sacab is qabsaday goobta xafladda ay ka socotay oo ay joogeen Soomaali fara badan.

Barkhad oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay abaalmarinta ay guddoonsiiyay hey’adda filimada ee BAFTA.

Wuxuu u mahad celiyay jillaaga weyn ee Tom Hanks oo ah xiddigga filimka Captain Phillips.

Bafta-Winners-3153540

Barkhad-Abdi-3153496

Captain-Phillips-2470034

Si kastaba, Barkhad ayaa waxaa abaalmarin kale guddoon siin doonta bisha March ee soo socota shirkadda caanka ah ee filmada sameesa ee Hollywodka ee dalka Maraykanka.

Barkhad oo ku dhashay Soomaaliya, ayaa isagoo 14-jir ah isaga iyo qoyskiisa waxa ay u soo guureen dalka Maraykanka, wuxuu ahaa ka har inta uusan jilaa noqon Taksiile ka shaqeysa Minnesota.

Barkhad ayaa hadda noqday jilaa caan ah marka loo eego sidda uu ugu soo caanbahay Filimka Captain Phillips.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com