Xog: Dhaqaalaha ay qaataan ciidamada Sierra Leone iyo Kenya ee Soomaaliya

Bujumbura (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada difaaca dalka Sierra Leone Major Alfred Palo Conteh ayaa ka hadlay mushaarka ay qataaan askarta kaga sugan dalka Soomaaliya, kadib markii saxaafada uu kula hadlay caasimada dalkaasi ee Freetown.

Wasiirka ayaa sheegay in askari kastaa oo ka socda dalka Sierra Leone kana mid ah howlgalka AMISOM uu mushaar ahaanu qaato 828 Doolar, halka ciidamada Jabuuti ay qaataan 728 doolar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in askarta Kenya ee kaga sugan Soomaaliya ay qaataan 1,028 doolar mushaar ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Major Conteh, ayaa ku dooday in haddii dowlada Sierra Leone ay bixiso dhaqaalaha askarteeda sida dowlada Kenya ay suurtogal tahay inay isaga haraan howlgalka, sabab la xiriirta awood la’aanta uu sheegay inay heysato.

Wasiirka ayaa cadeeyay in dowladooda ay tahay dowlad si adag ula dagaalameyso kooxaha nabad galyada kasoo horjeeda, sida uu hadalka u dhigay gaar ahaan la dagaalanka kooxaha ku sugan dalka Soomaaliya.

Ma jiro war kale oo uu jeediyay marka laga soo tago dhaqaalaha uu sheegay inay qaataan askarta kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasi ah ciidamo ku sugan Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com