30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

DF Somalia oo wafdi u dirtay shirarka ka socda magaalada Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdiga gaaray Baydhabo waxaa hoggaaminaya wasiiradda arrimaha gudaha iyo gaandhigga, Cabdulaahi Goodax Barre iyo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaa kaloo la socda wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin AmiinBaaddiyow iyo wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud

Wafdiga markii ay gaareen magaalada waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka iyo odayaal.

Maxay wafdiggan u tageen Baydhabo?

Ilo Wareedyo kala duwan oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa u xaqiijiyay in wafdiga dowladda ee gaaray Baydhabo in ay halkaas u tageen siddii loo mideen lahaa shirarka is-khilaafsan eek a socda magaaladaas.

Labada shir ee ka socda Baydhabo ee ayaa midka ka socda xarunta ADC-da waxaa looga arrinsanayaa dhismaha maamul gobaleed ka kooban lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, halka kan kalena oo ka socda Hotel Bakiin looga hadlaayo siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa seddax gobal oo kala ah Baydhab, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey u sheegay in shirarka Baydhabo ka socdo loo baahan yahay balse aanu noqon mid caqabad hor leh u abuura dowladda maadama ay heshiis la gaareen maamulka KMG ah Jubbooyinka.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online In shaa Allah.

 

Dhageyso: Tirada Soomaalida ku nool Baghdad & xaalka ay ku sugan yihiin

0

Baghdad (Caasimada Online) – Dad Soomaali ah, ayaa ku nool dalka Ciraq, haddana inta badan lagama war hayo ama saxaafaddu ma sheeg sheegto.

Warbixintan waxa ay ka hadleysaa wareysi ku saabsan tirada Soomaalida  Ciraq iyo xaalka noloshooda.

C/raxmaan Maxamed Cartan waxa uu ka mid yahay dadka Soomaaliyeed ee muddada badan ku noolaa dalka Ciraaq, wuxuu ka hadlayaa dadka Soomaaliyeed ee Baqdaad ku sugan.

Halkan ka dhageyso Wareysi

Cabdiraxmaan-Maxamed-Cartan-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nabadoon caan ah oo lagu dilay No.50

0

Afgooye (Caasimada Online) Sidda ay lee yihiin dadka deeganka, kooxo hubeysan ayaa xaley waxa ay ku dishay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abuukar Dirir,ayaa la sheegay in lagu dilay Beer uu ku lahaa deeganka Lambar 50 oo xilligaas uu ku sugnaa.

Kooxda dilka geestay ayaa horrey u sii qaatay qorri AK 47 o0 uu lahaa nabadoonka sidda ay lee yihiin maamulka Lambar 50.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay nabadoonkan caan ka ahaan Lambar 50, balse waxaa deegankaas ka dhacayay bilihii ugu dambeyay dagaallo u abaabulan qaab beeleed kuwaasoo ay ku lug lee yihiin ciidamada dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Tarsan “Reer Muqdisho waa dad wada waalan, sababtoo ah…”

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mahamud ahmed nuur Tarsan ayaa si kulul uga hadlay amni xumida Muqdisho, isaga oo weerar culus ku qaaday shacabka magaalada Muqdisho.

Mudane Tarsan, waxuu yiri hadal ka yaabiyay Shacabkii daawanayay Dood wadiigii Universal, waxuu ka dhawaajiyay hadal cajiib ah oo ah. “Reer Muqdisho waa dad wada waalan, oo sidii xabbad ay ugu socotay ayay wada waasheen”

Muuqaalka oo ah mid wax yaabo badan oo amniga Muqdisho ku saabsan uu Tarsan kaga hadlay, nala daawada

HALKAAN KA DAAWO:

 

Muxuu ka doonay R/W C/Weli Uganda?

0

Kampala (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ii hoggaaminaayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay casuumad rasmi ah ka heleen madaxda dalkaas, waxaa kaloo lagu wadaa in ay la kulmaan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Kampala.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka hor Kampala wuxuu soo maray dalalka Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya oo labo maalmood joogay.

Waddamada uu booqanayo ra’iisal wasaaraha waxa ay ka mid yihiin kuwa ku deeqay ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Sawirro: Xaguu ku dambeyey Faroole?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Garowe.

Waxaana sii sagootiyay qaar ka mid ah wasiiraddii hore ee xukumadiisa,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland.

Inta uusan Faroole diyaarada fuulin ayuu warbaahinta la hadlay wuxuna sheegay socdaalkiisa inuu ku wajahan yahay magalada Nairobi ayna muhiim tahay ka wada shaqaynta nabadgalyada iyo jiritaanka Puntland.

Waxa lagu wadaa Faroole inuu socdaal ku soo kala maro dalalka dariska la ah Soomaaliya.

FAAH-FAAHIN: DAGAAL maanta dib uga dhex qarxay Puntland iyo Khaatumo

0

Taleex (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Taleex ee gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dilaacay dagaal xooggan oo u dhexeya maleeshiyo kala taabacsan maamulada Khaatumo iyo Puntland.

Dagaalka oo socday in ka badan lab o saac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka dhex maray maleeshiyo beeleedka ka kala soo jeeda Puntland iyo Khaatumo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu iskii u istaagay balse waxaa la fili karaa in uu xilli kasto uu ka dilaaco halkaas.

Intii dagaallada ay socdeen waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaana qaybo ka mid ah xaafadaha lagu dagaallamay ka billowday barakac xooggan.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaallada iyagoona ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cabdixakiim Cabdulaahi Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa labada dhinac ka codsaday in ay joojiyaan dagaallada.

Ma jirto dhinaca maamulka Khaatumo wax war ah oo ka soo ka baxay oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay degmada Taleex.

Xaalada goobaha lagu dagaallamay ayaa caaddi ku soo noqotay in kastoo dadka iyo gaadidka ay si teel-teel ah u socdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Tarsan oo jawaab ka bixiyey hadal lala yaabay oo kasoo yeeraayay laamaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa dhaliilay hey’addaha ammaanka kaddib markii qaraxyo iyo hoobiyaal laga maqlay magaalada Muqdisho ay ka hadal yaab leh a sheegeen.

Tarsan ayaa sheegay in aan la yeeli doonin wiixi ka dhacay Muqdisho habeenadii la soo dhaafay in lagu tilmaamo Baaruud iyo wax yaabo aan qarxeynin oo aan dhib geesaneynin.

“In la dhaho wixii dhacay ma ahan qarraxyo iyo waa Baaruud ma ahan wax la aqbali karo, waa in la soo qabtaa kooxaha u bareeray in ay khalkhal galiyaan ammaanka magaalada” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa caddeeyay in hey’addaha ammaanka ay ka gaabiyeen sugida ammaanka magaalada Muqdisho sidda uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiye Tarsan uu si cad ah u weerarro hey’addaha ammaanka, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen ammaanka Caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Recep Tayyip Erdoğan oo lacagta uu DF Somalia siiyo lagula dheggan yahay

0

Istanbul (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn dalka Turkiga ayaa dalbaday inuu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Miisaaniyadda Lacagaha sida tooska loogu taageero Dowladda Somalia.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ugu weyn dalka Turkiga ee (CHP) ayaa weydiistay Barlamaanka inay u yeeraan Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, si su’aallo toos ah looga weydiiyo Miisaaniyadda Lacagaha ee sida tooska loogu diro Dowladda Somalia.

Ku-xigeenka Xisbiga CHP, Faaruuq Logoglu ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Ra’isul-wasaaruhu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo Lacagaha tooska loogu diro Dowladda Somalia oo halgan adag ugu jirta Dib-u-dhiska dalka oo ay dagaallo ka socdeen in ka badan 20-sanno.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn ee mucaardka dalka Turkiga, Faaruuq Logoglu ayaa waxa su’aalaha uu weydiinayo inuu Ra’isul-wasaaraha Turkiga ka jawaabo ayaa kala ahaa:- Waa imisa cadadka miisaniyadda lacageed ee Somalia lagu taageeray muddadii u dhexeysay 2012 ilaa 2013 ? Waa imisa miisaaniyadda sida tooska ah loogu diro Dowladda Somalia? Waa maxay sababaha loo jaray lacagaha sida tooska loogu diri jirey Somalia dabayaaqadii sannadkii hore ee 2013-kii ? Xaggee ka timaadaa Miisaaniyad lacageed ee sida tooska loogu diro dalka Somalia.

Saraakiil ka tirsan Dowladaha Turkiga iyo Somalia ayaa toddobaadkii hore u sheegay Wakaalladda Wararka ee Reuters in Taageeraddii dhaqaalaha ee la siin jirey Dowladda Somalia la joojiyey dabayaaqadii sanndkii hore ee 2013-kii iyo inaysan jirin wax qorshe ah oo si dhaqso leh loogu bilaabayo Kaalmadaasi.

Laakiin, Dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u shaacisay inay sii wadayaan taageeradda lacageed ee ay Dowladda Federalka ku taageeri jireen.

Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa noqday Hoggaamiyihii ugu horreeyey oo aan Afrikaan ahayn oo booqasho ku yimaada dalkeenna 20-kii sannadood ee la soo dhaafay.

Ra’isul-wasaare Ordagan waxa uu dalkeenna yimid sannadkii 2011-kii oo ay ka jirtay macluul aad u badan, waxaana safarkiisa kadib Somalia soo gaaray kaalmooyinkii uga badnaa ee ay Dowladda iyo Shirkadaha Turkiga soo diraan.

Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, C/salaam Cumar oo xilkaasi hayey muddo 7-bilood oo keliya ayaa sheegay inay Dowladda Turkiga ugu deeqdo Dowladda Somalia bishiiba lacag dhan 4.5 million oo Dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Gabar Soomaali ah & Wiil Mareykan ah oo isku guursaday Masjid + Sawirro

0

Minneapolis (Caasimada Online) Dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, waxaa ka dhacday arrin malaha ugub ah ama haddii aan si kale u niraahno waa mid ku cusub dhaqanka Soomaalida.

Waxa ay ahayd Masjidka Al-Nur oo ku yaalla Minneapolis, waxaa lagu qabtay xaflad meher ah oo loo sameeyay gabar Soomaali ah iyo wiil caddaan Maraykan ah balse Islaam ah.

Sidda ka muuqata sawirrada aad aragtaan, waxaa xafladda ka qaybgalay qoysaska wiilka iyo gabadha ay ka soo kala jeedaan, kuwaasoo ku farraxsan xafladda meesha ka dhacay.

a6

Gabadha Soomaalida ah waxaa lagu magacaabaa Qadro Qaali, halka wiilka caddanka ee guursaday lagu magacaabo Adam Majeweski, markii uu dhacay meherka waxa ay labaduba sheegeen in ay ku farraxsan yihiin in ay is guursadaan oo ay nolal wadaagaan.

Si kastaba, arrintan ayaa noqtay mid si weyn looga hadal hayo magaalada Minneapolis oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka.

Dhaqanada noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub Soomaalida qurbaha ku nool, iska daa ninkan caddaanka ee Islaamka ah ee guursaday gabadha Soomaalida ah, waxaaba jirra dumar badan oo Soomaali ah oo ay qabaan rag masixiiyiin ah ama diin kale heesta iyo rag Soomaali ah oo gabdho caddaan ah qaba.

a

a5

a2Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Daawo Video: Tababarka cajiibka ah ee ciidamada Kumandooska Soomaaliya

0

Wadanka Somalia tan iyo 1991 waxaa la waayay wax yaabo badan oo hoos u dhigay jiritaanka iyo Qaranimada Somalia, balse waxaa moodaa in haatan dib loo helayo wax yaabo badan oo ugu dambeeysay dalka 1991-gii oo la is weydiinayo halka ay ka baxeyn.

Waxyaabaha iminka socda, ayaa waxaa ka mid ah dib usoo nooleynta ciidamadii Kumaandooska ee dalka Somalia, oo iminka tababar xooggan oo cajiib ah ku qaadanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

HALKAAN KA DAAWO:

 

KASHIFAAD: Black Stone Security Firm: Caqabadda Amniga Muqdisho (Maxaa socda oodan Ogeyn) + Documents

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Gen. Bashiir Goobe iyo saaxiibkii ay maqaayada ku wada lahaayeen London Xuseen Macallin oo sheegta la taliyaha madaxweynaha ee xaga aragagixisada, ayaa samaystay company- security oo lagu magacaabo Black Stone Security.

Company-gaan waxaa ay masuul uga dhigteen (General Manager) Colonel ka tirsan nabadsugida Soomaaliya oo lagu magacaabo Jamaal Cabdi. Black Stone security company waxaa lagu waardiyeeyaa ama ay adeegsataa hantida iyo ciidamada hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed.

Gen Bashiir Goobe, ayaa bilihii ugu danbeeyay joojiyey mushaaraadkii uusiin jiray shaqaalaha iyo ciidanka Nabadusgida qaranka Soomaaliyeed, sababo lagu sheegay Gen. Bashir iyo Saaxiibkiis oo lacagtii hay’adda ku samaystay company-gan lagu magacaabo Black Stone Security firm, company-gaan oo uu doonayo inuu qandaraasyo xaga amniga ah uga qaado shirkadaha iyo hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan.

Gen Bashiir ayaa u joojiyey mushaarkii shaqaalaha iyo Ciidanka Nabadsugida qaranka si amniga faraha uga baxo shaqaalaha hay’adda nabadsugidana ay hubkooda u gataan, si loogu baahdo company-giisaan Private-ka ah ee uu soo dejiyey dhismo u dhow hotel Amira ee magaalada Muqdisho, company-gaan oo ay wada leeyihiin Gen Bashiir Goobe iyo Xuseen Macalin ayaa qandaraasyo laga siiyaa hay’adda sidoo kale shiradaha Caalamiga ah iyo Hay’adaha ayaa lagu qasbaa inay xaga aminga u isticmaalaan company-gaan uu leeyahay Taliyaha Nabadsugida qaranka Soomaaliya Gen Bashiir Goobe.

Madaxda iyo Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida, ayaa waxaa ka xaaraan ah inay yeeshaan company private ah inta ay masuuliyada hay’adda hayaan, maadaama company-gaani shaqadiisu ku xirnaanayso in amni daro dalka ka dhacdo taasoo keeneysa sida haatanba dhacday in Taliyaha hay’adda Nabadsugidu ka shaqeeyo in Dalka amni daro ka dhacdo si company-giisu shaqo u helo. Arrimaha noocaan ah ayaa ka xaaraan ah in masuul shaqo intaan la’eg lagu aaminay inuu dayaco danta qaranka uuna ka shaqeeyo dantiisa shaqsiga.

Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan la socon musuqmaasuqaan xargaha goostay oo ay samaynayaan masuuliyiinta amniga qaranka lagu aaminay.

Haddii dadkii laga sugayey inay amniga sugaan, ay ganacsi ka dhigteen ama ay lacag ka raadinayaan amni darrada, sidee Muqdisho amni looga filan karaa?

Qoraalkaan waxaa ku lifaaqan shaqaale ajnabi ah aqoonsigooda oo company-ga Bashiir Goobe keensaday, aqoonsigooda iyo magacyadooda, sidoo kale waxaa ku lifaaqan Colanel hay’adda nabadsugida ka tirsan haddana Sheeganaya general Manager-ka Black stone company.

Sidoo kale waxaa ku lifaaqan warqad hantidhawrka Hay’adda Nabadsugidu ku sheegayo musuqmaasuqa hay’adda nabadsugida xadka uu gaarsiisan yahay.

black1black2black3black4

HRW: 12-kun oo qof oo SOOMAALI ah ayaa Sacuudiga laga soo tarxiilay

0

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch,ayaa lagu sheegay dalka Sacuudiga in laga tarxiilay 12kun oo Soomaali ah, kuwaasoo sharci daro ku joogay dalkaas.

Dadkan waxaa ku jirra boqlaal dumar iyo carruur ah kuwaasoo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidda lagu sheegay warbixinta HRW, waxaa jirra wali dad badan oo ku jirra xabsiyadaha dalkaas kuwaasoo loo geesto dhibaatooyin kala duwan

Farxiyo, waa haweeney Soomaali ah, oo leh uur siddeed bilood, taasoo laga soo tarxiilay Saudi Arabia January 29, 2014 kaddib markii 10-sanno ay ka shaqeeneysay gurri
Farxiyo, waa haweeney Soomaali ah, oo leh uur siddeed bilood, taasoo laga soo tarxiilay Saudi Arabia January 29, 2014 kaddib markii 10-sanno ay ka shaqeeneysay gurri

HRW ayaa dowladda Sacuudiga ugu baaqday in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso Soomaalida ku nool dalkaas, maadama aaney heleynin meel ay ku soo laabtaan.

Hey’adda IOM ayaa ka soo xigatay dowladda Soomaaliya in Sacuudiga uu ka soo tarxiilayo dalkiisa 30kun oo qof toddobaadyada soo socda.

Gerry Simpson oo ah baare u qaabilsan HRW dhinaca qoxootiga ayaa sheegay in tobanaan kun oo qof oo isugu jirra dumar, rag iyo carruur in laga soo tarxiilay Sacuudiga bishii horre.

Ugu dambeyn hey’adda HRW ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso dadka magangalyo doonka ah oo ay ku jiraan Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya itaal uma lahan in ay wax u qabato qoxootiga Soomaalida ee laga soo tarxiilay Sacuudiga ama ugu yaraan ay kala hadasho muwaadinteeda laga soo tarxiilayo dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Daawo Sawirrada: Cabdi Weli Gaas oo fariin culus u diray dowladda Turkiga

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa dowladda Turkiga u diray fariin ah in sidda ugu dhaqsiyaha badan ay xafiisyo uga furtaan magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Turkiga sannadkii 2012-ka ay kula heshiiyeen in xafiisyo ay ka furtaan magaalooyinka Soomaalida, xilligaas oo ahaa ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ah.

“Annaga Kiish Sonkor ah ama Bur ah, waxbo nooma tarayaan, waxaan u baahanahay in la soo gaarsiiyo gargaarka loogu talagalay Puntland” ayuu yiri.

Baaq uu u diray ganacsatada Turkiga

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale baaq u diray ganacsatada Turkiga, isagoona yiri “Waa in aad mashruucyo ka hirgalisaan magaalooyinka Puntland”

2014218635283196602446082IMG_0121

Madaxweyne Gaas wuu dhaartay

Dhinaca kale madaxweyne Cabdiweli ayaa ka digay in la musuq-maasuqo gargaarka uu Turkiga u keenay dadkii ku wax yeeloobay roobabkii iyo dabeylihii ku dhfutay deeganno ku yaalla Puntland dabayaaqadii sannadkii horre.

“Walaahi ciddii lagu helo iyagoo qaadanaya hal kiis oo ka mid ah gargaarkan tallaabo cad ayaan ka qaadeynaa, waayo gargaarkan dad dhibaateesan ayaa loogu talagay, maamul, askari iyo qof kasta oo lagu helo in uu musuqmaasuqay gargaarkan waxa ay heli doonaan wixii ay muteesteen” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Puntland jeediyay mar uu maanta booqday degmada Dangorayo oo 80km u jirta magaalada Garoowe, halkaas oo la sheegay in buundadii ku tiilay in ay burburtay.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo buundada Sin-u-jiif oo ay dumiyeen roobabkii dabeylaha watey ee sanadkii hore gobolka Nugaal ka da’ay, waxaana la sheegay in lagu dhisaayo lacag gaareysa 300,ooo oo dollar, waxaana bixinaya maamulka Puntland.

2014218635283189230258594IMG_0052

 

2014218635283186184141308IMG_0023

2014218635283192102514199IMG_0065

2014218635283199674831729IMG_0157Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Kismaayo oo caawa bandow ah & dilal mar kale ka dhacay magaalada

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada caawa lagu soo rogay bandow, kaddib markii xaley kooxo hubeysan ay dileen taliyihii nabad sugida maamulka KMG ah ee Jubba.

Wariye ku sugan Kismaayo, ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in magaalada caawa ay bandow tahay dadkana lagu amray in ay guryahooda galaan xilli horre, waxaa kaloo uu sheegay in magaalada lagu soo daadiyay ciidamo fara badan.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa si yaabo kala duwan ugu dilay magaalada ilaa shan qof oo uu ku jirro nin hubeysan oo la sheegay in uu afduuban rabay baabuur ay la socdeen dad rayid ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in magaalada tan iyo xaley markii la dilay Ciise Kaambooni oo ahaa taliyihii nabad sugida in ay ka dhaceen dilal dhowr ah.

Qaar ka mid ah dadka la dilay waxaa meydkooda laga helay xaafadda Farjano oo ahayd halkii lagu dilay Ciise Kaabooni iyo ilaaladiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

R/W C/Weli oo caawa ku sugan Kenya iyo xog ku saabsan socdaalkiisa

0

Nairobo (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta ka dagay garoonka caalamiga ee Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Nuur Americo.

Safiirka oo mar sii horreysay maanta la hadlay BBC ayaa sheegay in raysal wasaaraha uu casuumad ka helay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Wuxuu sheegay oo kale safiirka in ra’iisal wasaaraha iyo wafdi la socda oo ay ka mid yihiin wasiiro in madaxda Kenya ay kala hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan iyo ciidanka Kenya oo ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Danjire Ameerico ayaa ugu dambeyn sheegay ra’iisal wasaaraha uu caawa la kulmi doono jaaliyada Soomaalida ee ku noo Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed shaley magaalada Djibouti kula kulmay madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaarihiisa Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu soo maray wadalka Ethiopia isagoona kulamo la qaatay madaxda dalkaas.

Raysul wasaaraha waxaa booqashadiisa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qorsheel iyo wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka billaabeysa Xamar markii u horeysay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhawaan diyaaradda Ethiopian Airlines ay markii ugu horreysay duulimaad caalami ka billaabi doonto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda diyaaradaha Ethiopia ay duulimaad ka sameeso Muqdisho muddo ka badan 20-sanno.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Siciid Maxamed Qorsheel oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminaayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan tagay Addis Ababa ayaa sheegay in dhawaan diyaaradda Ethiopian Airlines ay billaabi doonto duulimaad caalami oo ah Muqdisho to Addis Ababa.

Wasiirka si dhab ah uma sheegin xilliga duulimaadka ay billaabeyso shirkadda Ethiopian Airlines

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in labada dowladood ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa heshiis dhowr qoddobo ka kooban oo uu ka mid yahay in Soomaaliya loo tababbarro shaqaalaha ka shaqeen doona Somali Airlines oo dib loo howlgalin doono.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda diyaaradda Ethiopian Airlines ay duulimaad caalami ah ka sameeneysa Soomaaliya tan iyo markii labada dowladood uu dhex maray dagaalkoo 1977-kii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xasan oo kormeeraya xarumo ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda kormeer ku maraya xarumo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wariyaha Caasimada Online oo ka mid wariyaal la socda madaxweynaha ayaa soo sheegaya in madaxweynaha goobaha uu booqanayo ay ka mid tahay xarunta gaashandhigga, Xarunta Xalane iyo Dugsiga booliska ee Gen Kaahiye.

Madaxweynaha ayaa goobaha uu booqanayo wuxuu kulamo kula lee yahay saraakiisha ciidanka, waxaana uu kula hadlayaa in la xoojiyo ammaanka caasimada.

Kormeerka uu madaxweynaha ku marayo xarumaha ciidanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley magaalada ay ka dhaceen howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa laga deyrinayay maalmahan, iyadoo xilliyada habeenkii ay ka dhacaan qaraxyo iyo hoobiayaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]