30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Daawo Video: Muqdisho oo ay dib uga billowdeen arrimo muddo la moogaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadku marka ay darreemaan is-beddel dhinaca nabadda ah, waxa ay u jeestaan horumarka iyo sidii ay ay ugu raaxeesan lahaayeen nabadda.

Magaalada Muqdisho, waxa ay iminka aad uga wanaagsan tahay saddex sano ka hor, inkasta oo weli aysan nabadduu dhameystirneyn, taasina waxa ay keentay in cayaaro waa horey u dambeysay ee dalka dib ugu soo noqdaan.

Markii ugu horeysay muddo sanado badan ah, ayaa waxaa degmada Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan dhinaca fardaha ah.

 

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Somalia

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada xilligii salaadii khudbada ee jimcaha, iyadoo weerarka markii hore uu ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay albaabka hore ee Madaxtooyada.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa kadib ayaa rag hubeysan oo dharka milateriga xirnaa ay galeen Madaxtooyada, waxaana mid ka mid ah qaraxyada ka dhacay gudaha Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ku dukaday Masaajidka ku yaal Madaxtooyada oo markii qaraxa dhaca ay banaanka u soo baxeen ay ku dhinteen rasaastii la is weydaarsaday.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha aanu ku dukan masaajidka Madaxtooyada oo weerarka markii hore u badnaa aaggaas, marka loo eego halka qaraxa hore ka dhacay ee albaabka Madaxtooyada ee dhinaca Boondheere xiga.

Ilaa iyo hada waxba lagama oga gudaha Madaxtooyada, waxaa loo diiday inay galaan wariyeyaasha, dhamaan wadooyinka ayaa ah mid xiran ciidamo fara badan ayaa ku hareereysan Madaxtooyada.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida qaranka Jen. Nuur Shirbow uu ku dhintay weerarka Madaxtooyada, sidoo kale Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamuud Xirsi (Indha Case) ayaa isna ka mid ah mas’uuliyiinta dhintay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay meydadka qaar ka mid ah ragii hubeysnaa ee weeraray madaxtooyada ay yaalaan banaanka iyo gudaha Madaxtooyada.

Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas weerar ee lagu soo qaaday Madaxtooyada, isagoo cadeeyay in aanay jirin wax qatar ah jirin, isla markaana mas’uul ka tirsan dowladda aanay wax ku noqon.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa ku qul qulaya halka weerarka ka dhacay, sidoo kale gawaarida dab damiska ayaa u baxay inay damiyaan dabka ka dhashay qaraxii gaariga iyo qarax kale oo gaariga kooxihii watay ahaa oo banaanka Madaxtooyada yaalay, kaasoo qarxay wax yar kadib markii is rasaaseynta bilaabatay.

Weerarkan oo u muuqday mid qorsheysnaa ayaa ahaa kii u horeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana lagu soo beegay, xilli albaabka bari ee Madaxtooyada uu ka socday howlo dhismo ah, taasna ay ka mid aheyd waxyaabihii fududeeyay suurgalnimada weerarka maanta lagu qaaday.

Isha: Jowhar.com

Wasiiradii DF ay u dirtay Baydhaba oo la kulmay waji gabax, kadib marki….

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Tiro ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo, ayaa waxay kula kulmeen Ergooyinka ku hawlan Dhismaha Maamul U Samaynta Gobolada Koonfur Galbeed, waxayna kulan kula qaateen Xarunta ADC.

Wasiiradaan, ayaa Ergooyinka ka codsaday in ay ka tanaasulaan qorshaha ay ku doonayaan, in ay Maamul ugu soo dhisaan Gobolada Koonfur Galbeed, oo leesku yiraahdo Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Wasiirada, ayaa ku andacooday inaanay suurta gelin ahayn hirgelinta Maamulka Koonfur Galbeed, haddii Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, ay Dowladdu u aqoonsan tahay Maamulka Jubba. Sidaasi daraadeedna ay ka tanaasulaan.

Ergooyinka uu shirku kaga soconaayo Xarunta ADC, ayaa waxay sheegeen inaanay wax dhici karo ahayn, in ay ka laabtaan qasdigooda ku aadan Dhismaha Maamulka Gobolada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, wuxuu si adag u sheegay, inaysan jirin wax ka baajin kara damacooda ku saleysan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, ayaa si jees jees ah u sheegay dhul gariir lagu hoobto oo ka dhaca Gobolada Koonfur Galbeed mooyee, aynaan wax kale ka baajin karin in ay Maamul u soo dhisaan sida uu yiri dadka Deegaanka.

Wasiirada la kulmay Ergooyinkaan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor”, Wasiirka Wasaarada Dekedaha & Gaadiidka Yuusuf Macalin Amiin iyo xubno kale, ayaa waxay Xarunta ADC ka taggeen, iyagoo dhoola cadayn iska raadinaaya.

Wasiiradaan, ayaa Jimcaha maanta ah lagu wadaa in ay taggaan Hotel Bakiin, oo uu shir uga soconaayo Ergooyinka taageersan Dowladda, ee iyagu doonaaya in la dhiso Maamul ka kooban Bakool, Baay & Shabeellaha Hoose.

Isha: Dhacdo

Maxaa keena in rabitaanka GALMO ee ragga iyo dumarka uu yaraado? (Aqri)

0

(Brod sexual) ama (Erectile dysfunction) Hoosu-dhaca rabitaanka galmada waa xaalad marar badan ka dhacda Rag iyo dumar labadaba, waxana loo aaneeyaa inta badan iney sababto (Psychiatric illness) ama cudurada nafsaaniga ah, sida Murugada, Welwelka, Baqdinta (Phobia) iwm.

Sidoo kale waxa keeni kara (Diseases membership) cudurada ku dhaca hab-dhiska jirka, sida Cudurka (D.M) Sonkorowga (Kaadi-macaan), (Rinal Failure) ama Howlgabka Kelyaha iwm. Daawooyinka qaarkood hoos ayay u dhigi kartaa rabitaanka jinsiga, sida kuwa loo isticmaalo cudurada Dhimirka sida (Shezufrenia) &(Depression).

Waxan iyana meesha ka maqneyn dadka isticmaala Maandooriyaasha (Drugs) waxay inta ka cabanayan Rabitaan la’aanta jinsiga.

Himadda ama rabitaanka galmada bini-aadamka kuma xirna xilliyo ama waqti-gaar ah, halka rabitaanka xayawaanku ku tiirsan tahay xilliyo, xayawaanka waqtiyada ay dhediggu rimanyihiin sidoo kale ma dhacdo himaladooda.

Habdhis-yada ka masuulka ka ah Rabitaanka Galmada:-

Waxa masuul ka ah oo xakameeya rabitaankaas qanjidhka loo yaqaan(Pitiutry Gland) ee ku yaal qeybta danbe ee maskaxda,wuxuna soo daayaa dheecaano (Hormones) dardar geliya howsha galmada, sidoo kale dheecanka ragga (Teststerone Hormone) oo xiniiyaha soo daay. ama dheecaanka dumarka (Sterogen).

Shuruudaha Rabitaanka Jinsiga (Kacsiga):-

waxa ay ku xiran tahay da’da qofka, iyadoo ay hoos u dhacdo boqolkiiba 20% marka uu gaaro 60sano marka uu gaaro 70 sano waxay hoos u dhacdaa rabitaankiisu boqolkiiba 50%.

waxana inta badan shardi looga dhigaa:-
1.Aragga
2.Maqalka
3.Taabashada.

sidoo kale xayawaanka waxa shardi u ah, Urinta (Smell).

Baaritaanka Hoosu-dhaca rabitaanka galmada ((Brod sexual):-

-Cuduradda Nafsaaniga ah:waxa inta badan rabitoonkoodu kor u kacaa xilliyada hurdada iyo aroortii.
-Baaritaanka Cudurada raaga, sida Kaadi-macaan (Diabetes Mellitus)
-Wareegga dhiigga.
-xubnaha taranka, sida xiniinyaha haddi infection jiro, ama uu nabar ku dhacay.
-Dheecanada jirka

Daaweyn:-
Daaweyntu waxay ku xiran tahay sababka oo la suuliyo, mararka qaar waxa jira Cuduro oo qofku ku dhashay oon daawoyin lahayn sida (Klainefture Syndrome) oo koromsomsku noqdo (XXY).

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Somalidoc

Mucjisada tiro ee Suuradda Al Naas ee qur’aanka (Mucjisooyinka qur’aanka)

0

Quraanka aynu aqrinna ee Ilaahay inoogusoo dhiibey Nebi Muxammad (NNKH) wuxuu leeyahay mucjisooyin, halkii aayadna waxaa hoos imanaya in kabadan 1000 cilmi ah, sida uu Ilaahay inoo sheegeyna markuu ka hadlayay cilmiga ku qarsoon aayadaha Quraanka wuxuu yiri

”’قال تعالى: ﴿إن هو إلا ذكر للعالمين* ولتعلمن نبأه بعد حين﴾ (سورة ص، الآية:87-88). 

”Wax kale maahane Quraanku waa waano u sugnaatay caalamiinta oo dhan. Waadna ogaan doontaan warkiisa (dhabta ah) goor dambe (yacni casriga tiknoloojiyada)”.

Waxaa kaloo Alle asagoo arrinkaasi inooga warramaya uu yiri

لِّكُلِّ نَبَإٍ مُّسْتَقَرٌّ وَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (67)(الأنعام)

”Warkastaahiba wuxuu leeyahay waqti cayiman oo uu kusugnaado lana ogaada xaqiiqdiisa qarsoon waadna ogaan doontaan”. Al Ancaam: 67d

Intaa kadib maanta waxaynu jecellahay inaanu soo bandhigna mid kamid ah mucjisooyinka Quraanka gaar ahaan mucjisada raqameed ee Quraanka Kariimk. Waxaynu eegi doonnaa mucjisada raqameed ee suuraddan Al Naas iyo asraarta ku hoos qarsoon in Ilaahay u doortay suuradda ugu dambeysa Quraanka.

Suuraddani waxay lasoo degtay suuradda Al Falaq, sababtii ay kuso degtayna waa qiso caan ah. Waxay qisadaasi ahayd in Nebigu (NNKH) la sixray, oo uu sixray nin laoran jirey Lubayd bin Al Acsam oo Yahuuddii reer Madiina kamid ah. Dabeeta baa Eebbe sarreeye uu usoo dejiyey Nebiga (NNKH) iyo Muslimiintuba aayadahan qiimaha badan ee labada suuradood si Sheydaanka iyo sixirka laysaga celiya.

Nebigu (NNKH) wuxuu aqrin jirey salaad waluba kadib iyo weliba labada cir gaduud (galab iyo subaxa), sidoo kale markuu seexanaya ayuu  aqrin jirey, waana labo suuradood oo uu sidaas u barijirey saxaabadiisa, sidoo kalena wuxuu ku dari jirey suuradda Al Ikhlaas.

Isagoo inooga warramaya Nebigu (NNKH) weynida suuraddan wuxuu yiri asagoo la hadlaya Ibnu Cabbaas

”Ibnu Cabbaasoow!! miyaan kaaga warramaa labada ay dadka wax magan gala ku magan galaan (Allaah)”? Wuxuu yiri ”Haah!! Rasuulkii Alloow (NNKH)”. Wuxuu yiri ”Waa Qul-acuudu birabbil Falaq iyo Qul-Acuudu birabbin Naas”. (Silsiladda saxiixa).

Dhanka kale waxaa habboon inaynu isla ogaanno in raqamka 7 uu yahay raqam asaasi u ah Quraanka, waana raqamka ugu mucjisada badan Quraanka iyo diinta Islaamka oo dhami. Suuradda Quraanka ugu horreysa waxay ka kooban tahay toddoba aayadood, aayadda keliya ee Nebi Ciise iyo Aadam ay ku kulmaan waa aayadda toddobaad ee marka tartiibka Quraanka lasoo tiriya ah midkiiba, taasoo ku jirta suuradda Aali Cimraan. Suuraddaasi magaceeduna wuxuu ka kooban yahay toddoba xaraf. Samadu waa toddob, dhulkuna sidoo kale, dawaafku kacbadana waa toddoba, sacyiga Safa iyo Marwana waa toddoba, jarmaadka la tuura xilliga gudashada xajkuna waa toddoba toddoba, iyadoo isku dar dhagaxyada la tuuraahi ay yahiin 49 dhagax, kuwaasoo lagu gano Ibliiska.

Haddaba waxaynu eegi doonnaa suuraddan uu Ilaahay u doortay inay noqota suuradda ugu dambeysa Quraanka iyo xaqiiqada raqamka 7. Waxaan sidoo kale eegeynaa suuradda caksigeeda ah suuraddan (Al Faatixa) ee Quraanka ugu horreysa iyo calaaqada raqameed ee ka dhaxaysa suuraddan Al Naas hadduu Eebbe inoo qaddaro.

Xaqiiqada koowaad

 { بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ * مَلِكِ النَّاسِ * إِلَهِ النَّاسِ * مِنْ شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ * الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ * مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ } .

 { 1 – 6 النَّاسِ} 

Suuraddu waxay ka kooban tahay 6 aayadood, kalmadda ugu badan ee suuradda kusoo noq noqotayna waa kalmadda (النَّاسِ), taasoo kusoo noqnoqotay aayad walboo kamid ah suuradda, waana kalmadda ay suuradda magaca ka sidata. Sidoo kale hadday suuraddu tahay suuradda ugu dambeysa Quraanka kariimka, kalmaddeeda ugu badanna waa kalmadda ugu dambeysa Quraanka. Maxaa yeelay aayadda ugu dambeysa ee suuraddaasi waxay ku dhammaataa isla kalmaddaas.

Haddaynu markaa fiirinna kalmaddaasi Al Naas (النَّاسِ), inta xaraf ee ay ka kooban tahay, waxaa inoo soo baxaysa alif, laam, nuun iyo siin (ال نَّ ا سِ). Subxanallaah ka warrama haddana xuruuftani ay ka kooban tahay kalmadda ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqta waa xuruufta sidoo kale ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday markaynu wada eegna aayadaheeda oo dhan.

Xarafka alif wuxuu kusoo noqnoqday suuradda 18 mar, laamkuna wuxuu kusoo noqnoqday 12 mar, nuunkuna 9 mar, siinkuna wuxuu kusoo noqnoqday 10 mar.

Haddii xuruufta ay ka kooban tahay kalmadda ugu badan ee suuraddaasi kusoo noqnoqtay (النَّاسِ)aynu eegnay waxaanu helnay inay yahiin iyana xuruufta ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday, haddaynu isku darna natiijada aynu helnay marka aynu tirinnay xuruuftaasi waa sida tan

18+12+9+10=49

Subxanallaah!! Sabab 49?

Ugu horreyn raqamka 49 waa labo laabka raqam mucjiseedka 7, haddiina aynu u qeybinna 49 raqamka 7 waxaynu heleynaa raqam mucjiseedkaasi 7.

Dhanka kale aanu xasuusnna marka jaramaadka la tuuraya waqtiga gudashada xajka waxaa lagu tuuraa Ibliis oo lagu fogeeyaa, waxaana loo tuuraa toddoba toddoba, iyadoo isku dar ay noqdaan 49, subxanallaah. Ka warrama suuraddii uu Ilaahay usoo dejiyey in Ibliis lagu fogeeya sida jarmaadka latuuraya oo kale loogu fogeeyey in kalmaddeeda ugu badan ee kusoo noqnoqota xuruufteeda ay noqdaan kuwa ugu badan ee suuradda kusoo noqnoqday, haddaynu tirinnayna aanu helnay in lamida ah inta jarmaadka la tuura oo Ibliiska lagu fogeeya, taasoo ah tirada 49?

Subxanallaah!! miyaanay tani ahayn mucjisa daahil ah oo aad uweyn? Miyaanay inala gudbooneyn inaanu niraahna Subxanallaah!! alxamdulillaah!!?

Xaqiiqada labaad

Waxaa marka xigta habboon inaynu dhanka kale eegno, Alle baa soo dejiyey Quraankan inta u dhaxaysa suuradda ugu horreysa iyo suuradda ugu dambeysa. Haddii wax la ilaalinaya ama la dhowraya meel la isugu keeno oo labada dhinac oo ugu kala shisheeya laga kala mariya labo askari si waxaasi xumaan looga ilaaliya, labadaasi askari xataa haddaanay isu dhaweyn waxay ku dadaalayaan in ay isla socdaan calaaqadna yeeshaan, oo wuxuun ay ka dhaxeeyaan. Sidaas oo kale Ilaahayga soo dejiyey Quraanka wuxuu dhex Ilaahay inta u dhexeysa suuraddan Al Naas iyo suuradda Al Faatixa ee ugu horreysa Quraanka, sidaa darteed buu haddana mucjiso raqameed cajiib ah wadaajiyey labada suuradood. Ugu horreyn raqamkii mucjisada ahaa ee 7 waaba inta aayadood ee ay ka kooban tahay suuradda ugu horreysa ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu tiriya Bisinka, ee Ilaahay u doortay in bisinkeedu noqda aayad kaamil ah.

Inta u dhaxaysa suuraddan ugu dambeysa Quraanka (Al Naas) iyo midda ugu horreysa (Al Faatixa) waxaa soo dejiyey Allaah. Magac Allaahna waa kalmadda ugu badan ee Quraanka kusoo noqnoqotay (2699 mar). Haddaba haddaynu ku eegno dariiqii aynu ku eegnay kalmaddii ugu badneyd ee kusoo noqnoqtay suuradda ugu dambeysa (Al Naas), waxaan heleynaa marka hore magaca Allaah inuu ka kooban yahay alif, laam, laam, iyo haa’, ( ال ل ه/  الله),Subxanallaah xuruuftani waa xuruufta ugu badan ee kusoo noqnoqta suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa), alif wuxuu kusoo noqnoqday 22 mar, laam-na 22 mar, haa’-na mar. Isku darkoodu waa 49 Subxanallaah!!.

22+22+5= 49 Subxanallaah!!.

Waa cajiib xuruufta labada suuradood ugu badan ee kusoo kala noqnoqday mid waliba waa 49, taaso ka dhigan raqamka oo laba jibbaaran, 7×7= 49 Subxanallaah!!.

Xaqiiqada saddexaad

Intaasi kaliya uun maaha, haddii aan fiirinnay xuruufta, bal kaalaya bal aanu eegna kalmadaha, laga yaabaa mucjisa kale inaynu aragna..

Kalmadaha ay ka kooban tahay suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa) waa 29 kalmadood, kalmadaha ay ka kooban tahay suuradda ugu dambeysana (Al Naas) waa 20 kalmadood. Subxanallaah!! haddaynu isu geyna 20+ 29 waxaynu heleynaa 49, taasoo ka dhigan raqamka oo labajibbaaran, 7* 7= 49, Subxanallaah!.

Ogoow!! bisinku waa aayad marka loo eega suuradda Al Faatixa ee ugu horreysa tartiibka Quraanka, laakiin aayad ahaan looma xisaabaya marka loo eega suuradda ugu dambeysa Quraanka ee Al Naas. Tanina waa mucjiso kale oo Rabbaani ah, saa maxaa yeeley Alle weeye kanka yeelay bisinka Al Faatixa inuu noqdo aayad, kana yeelay suuradda keliya ee bisinka lagu tiriya, xikmaddiisa ayaana ku jirtay arrinkaasi. Haddiina bisinka Al Faatixa aanu ahaan lahayn aayad, iskuma aanay dheeli tirnaan lahayn tirooyinkani mucjisada ah, ee ay wadaagaan labada suuradood ee cidhiyaha ka kala jira Quraanka oo dhan.

Xaqiiqada afaraad

Immika waa bal waa inaynu is weydiinnaa suuradda ugu horreysa ee Quraanka (Al Faatixa) oo suurad amaan iyo majad Allah ka sheekeyneysa, kalmadda Allaah, xuruufteeda waa xuruufta ugu badan ee suuraddaasi kusoo noqnoqday, isku darkooduna waxay noqdeen 49. Dhanka suuradda ugu dambeysa Quraanka (Al Naas) iyana kalmadda ugu badan ee kusoo noqnoqtay waa ”Al Naas”, taasoo sidoo kale ay noqotay xuruufteedu xurufuta ugu badan ee kusoo noqnoqda suuradda, isku darkoodiina ay noqdeen 49. Miyaanay tani ahayn mucjisa cajiib ah oo Rabbaani ah? Maxaase intaa ka dambeeya? Ma waxaa jirta xikmad kale oo arrintaasi ku jirta?

Nacam!! waxa kani Quraanka waa risaala ka timid xagga Allaah, Quraankuna waa inta u dhexeysa labadaasi suuradood (Al Faatixa iyo Al Naas). Waxayna inta u dhexeysa labadani suuradood (Quraanka oo dhami) ku wajahan yahiin dadka.

Mar kale aynu si kale u dhahno…

Inta udhexeysa Al Faatixa iyo Al Naas waa risaa ka timid Allaah, kuna wajahan dadka. Ka warrama kalmadda ugu horreysa tartiibka Quraanka ee kujirta suuradda ugu horreysa ee Al Faatixa inay tahay ”Bism- Allaah”, tan ugu dambeysa ee kujirta suuradda ugu dambeysana ay tahay ”Al Naas”, (dadka), taasoo inoo qeexeysa risaalada in ay tahay inta u dhexeysa labadaasi suuradood. Subxanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.

Sawirro iyo Warbixin: Iskuulka cajiibka ah ee Turkiga uu ka dhisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka dugsiga sare ee Beder ee Turkiga uu ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay  waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dugsigaasi.

Dugsiga sare ee Bedir oo ay maamusho dowladda Turkiga ayaa ku talaabsaday horumar wax ku ool ah, iyadoo mas’uuliyiinta maaulka dugsigaasi ay sheegeen iney sii kordhoyso tirade ardayda wax ka barata dugsigaasi.

Iskuulkaasi oo la furay sanadkii 2011 waxaa barayaal ka ah macalimiin isugu jira Turkey, Masaari iyo Somaali, mas’uuliyiinta dugsigan ayaa sheegay in ardayda dhamaysata waxbarashada kuna guuleysata in ay buundo wanaagsan helaan ay waxabarasho jaamacadeed ka heli doonaan dalka Turkiga.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegtay in ay mustaqbalka dhaw qorshaynayaan in jaamacad ay ka dhisaan magaalada Muqdisho, waxaana guud ahaan Soomaaliya ka furan Afar Iskuul oo sidaan u waaweyn kuwaas oo Sadax ka mid ah ay ka furanyihiin magaalada Muqdishu halka kan Afaraadna uu ku yaal magaalada Hargaysa.

Sanadihii 2011 ilaa 2013 wuxuu dugsigani soo hooyay 22 biladood oo qaali ah, kuwaas oo ay ka soo kale heleen wadamada Azerbaijan, Kazakhstan, Turkey, Kenya iyo Tanzania, biladaha ay ardada Soomaaliyeed soo hoyeen ayaa isugu jira Dahab, Qaalin iyo Maar.

Dugsigan ayaa leh hoolal shirarka loogu tala galay, uniform u gaar ah, qeyb jiif iyo cuno, cafeteria, dukaan, gym, garoon kubada cagta iwm.

Arintan ayaa qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee walaalaha Turkigu ugu talo galeen dadaka Soomaaliyeed.

badar1badar2badar3badar4badar5badar6badar7badar8

Daawo: Video: Saudi Arabia oo waxaan horey loo arag ay ka billowdeen

0

Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa aad looga hadal hayaa arrin oo ka yaabisay Malaayiin qof oo u dhalatay Wadankaasi, kadib markii wax aan horey loo aqoon aay dalkaasi ka billowdee.

Sacuudiga waxa uu ka mid yahay meelaha ugu kulul caalamka, oo xittaa kuleylkiisa uu gaaro xaalad nolosha dadka halis gelisay, balse markan sheekadu waa ay ka duwan tahay sidaas.

Waddanka Sacuudiga gobol ka mid ah, ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa ka da’ay baraf, taasi oo noqotay lama filaan iyo wax aan horey loo arag.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Daawo Sawirrada: Xildhibaano British ah iyo Xasan Sh oo Xamar ku kulmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socday Dowladda UK oo uu ka mid ahaa Tony Baldry MP oo xildhibaan ka ah UK. Waxaana goob joog ahaa Safiirada labada dal Neil Wigan iyo Cabdullahi Simbaloolshe. Madaxweynaha ayaa yiri “UK waxan uga mahadcelineynaa hormuudkooda wanaagsan ”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa marka hore uga mahad-celiyey Mudanaha booqashaduu uu ku yimid Soomaaliya yirina “aad ayaan uga mahad-celinayaa booqashada Xildhibaanka waxay muujineysaa xirriirka dhow ee ka dhaxeeya labadda Dowladood iyo labada shacab”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay wafdiga ka socday Dowladda Ingiriiska xiriirka labada dal, isla markaana warbixin kooban ka siiyey xaalada dalka iyo qorsheyaasha ay dowladdu hiigsaneyso sanooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladda Inagriiska waxay ka mid tahay Dowladaha teegeeradda la garab-taagan Dowladda Somaaliyeed, waxayna diyaar la yihiin in ay sii wadaan, aad ayuuna u siixoogeysanayaa xirriirka nalaga dhaxeeya Dowladda Inagriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay iskaashiga labadda Dowladdeed iyo sidii dowladda Inagriiska ay kaalin buuxda uga qaadan lahayd mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda UK inay safaaradeedu ka howlgashay Muqdisho.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay juhdi xoog leh ku bixineyso xoojinta xirriirka ay la leedahay wadamadda Caalamka iyo xasilinta dalka.

uk1uk2uk3uk4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Axmed Madoobe oo wasiir ku-xigeeno magacaabay (Magacyada iyo Beelaha)

0

Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo Khamiis ah soo dhammeestiray xubnaha ka haray maamlkiisa.

Xubnaha la magacaabay waxaa ku jirra Cabdinaasir Seeraar Maax oo loo magacabaay afhayeenka maamulkaas, sidoo kale waxaa ka mid ah qof dumar ah iyo wasiiru ku xigeen iyo xubno kale ayaa la magacabaay.

Waxaa sidoo kale la magacaabay maamulka magaalada Kismaayo.

Haddaba nuqul ka mid ah dikreeto ka soo baxday xafiiska Axmed Madoobe oo la soo gaarsiiyay Caasimada Online halka hoose ka akhriso.

  1. Mudane Cali Maxamed Xaashi                  Wasiir ku xigeenka Maaliyada, Daarood Laylkase
  2. Mudane C/rashiid Xasan Cabdinuur       Wasiir ku xigeenka Aimaha gudaha iyo Amniga, Mareexaan, Reex Axmed
  3. Mudane Cabdi Xuseen Cali                          Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamka, Ajuuraan
  4. Mudane Daahir C/qaadir Maxamed        Wasiir k Xigeenka beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga,  Digil iyo Mirifle
  5. Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi           Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Dhulbahante
  6. Isaaq Muxumed Xasan                                  Wasiir ku xigenka Garsoorka iyo Diinta, ? lama helin
  7. Geelle Muxumed Aadan                                Wasiir ku xigenka Gaadiidka iyo Boostada,  Ogaden
  8. Xasan Isxaaq Yacquub                                  Wasiir ku xigeenka  Ganacsiga iyo Warshadaha. ? lama helin
  9. Maxamed Nuur Buule                                    Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Bay’ada,  Mareexaan.

Wasiiru dowlaha Arimaha Haweenka iyo Qoyska Qamar Deeq Xaaji Khaliif Ogaden Reer Cabdulle.

dikreeto

 

 

dikreeto-2aad

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Daawo: Muuqalka Maanta & Muqdisho

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxeey dib u soo ceshatay Sanado badan kadib Bilicdii ay la haan jiray Magaalada Muqdisho & Adeegyadii Shacabka ay ku heysan jireyn waagii nabadda ay aheyd.

Muqdisho Maanta waxaa ka dareemeysaa in ay dib isugu taageyso lugaheeda burbur xoogan kadib waxaana ka soconaya dib u dhsi xoogan oo dhanka bilicda magaalada dib u soo celinayo & ganacsiyo xoogan oo Qurba joogta ay dalka ka sameynayaan ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Arrin argagax leh oo cusub oo maanta lagu arkay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa soo sheegaya in maanta oo Khamiis ah degmada Xamarweyne lagu arkay Meydka qof rayid ah, oo la jarjaray hilibkiisa lana gubay.

Sidda ay dadka deeganka Sheegeen, ninkan wuxuu in ka badan 20 sanno ku noolaa degmadaas oo uu caanna ka ahaa.

Waxaa warar ay sheegayaan in ninkan isagoo hurda ay gubeen dhallinyaro qowleesato ah oo dhuuqda xabagda ama Koolada.

Maamulka degmada Xamarweyne iyo saraakiisha ciidanka ayaa goobta tagay, iyagoona markii ay arkeen meydka qofka isaga soo laabtay, mana jirto wax tallaabo ah oo ay sameeyeen sidda ay noo sheegeen dadkiii goobta tagay.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa noo warramay “Walaalow saakay abaaro 8-dii subaxnimo ayaa degmada Xamarweyne waxaa lagu arkay meydka nin miskiin ahaa oo caan ka ah degmada oo muddo dheer halkan degnnaa oo la jarjaray lana gubay, waxaana siddaas yeelay ciyaalka koolada dhuuqa” ayuu yiri goobjooge.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo toddobaadkii horre degmada Xamarweyne ay ka dhacday arrin aad looga naxay, taasoo ahayd gabar iska soo tuurtay Dhismo dabakh ah, kaddib markii loo sheegay in lagu daraayo nin ka da’weyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Sawirro: Hotel bilicdiisa aan laga qaadi karin indhaha oo Muqdisho laga furay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel cusub oo la magac baxay Central Hotel ayaa laga furay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho kaasoo ka mid noqonaya hotelada waaweyn ee magaalada ka howlgala

Maamulka hotelka ayaa sheegay in Central Hotel uu yahay Hotel casri ah oo ka kooban qeybo kala duwan sida qeybta Restaurantiga oo laga heli karo cuntooyin kala duwan oo tayadoodu aad u sareysa.

Sidoo kale waxaa Central Hotel uu leeyahay baarkin la dhigto gaadiidka martida iyo macaamiisha hotelka iyo ciidamo gaar ah oo amaanka hotelka suga.

Waxaa hotelka laga heli karaa hoolal waaweyn oo loogu talo galay in lagu qabto shirarka, seminaarada, xafladaha aroosyada, dhalashada iyo munaasabadaha kale ee gaarka ah, kuwaasoo si gaar ah loo qurxiyey loogana shaqeeyey.

Maamulka hotelka ayaa sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada dooneysa iney Central Hotel la macaamilaan sida qurba-jooga, ganacsatada, waxgaradka masuuliyiinta, ururada bulshada iyo dhamaan cidii daneyneysa hotelka.

Hotelka Central Hotel ayaa ka mid noqonaya hotelada waaweyn iyo dhismayaasha quruxda badan ee qeybta ka ah horumarada kala duwan ee ay ku talaabsaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo furitaanka Central Hotel ay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

DSC06185
DSC06200DSC06185
DSC06200
DSC06442DSC06443DSC06444DSC06445DSC06446DSC06447DSC06448
DSC06449
DSC06450
DSC06451
DSC06452
DSC06453
DSC06454
DSC06455
DSC06456
DSC06458
DSC06459
DSC06460
DSC06462
DSC06463
DSC06464
DSC06467
DSC06468
DSC06469
DSC06471
DSC06472

Waxaa is-dilay sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca ammaanka ee kooxda A….

0

Luuq (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu xaley isku dilay sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca ammaanka ee maamulka Ahlu Sunna.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ganeey Cabduqaadir ayaa la sheegay in uu isku dilay gurrigiisa oo ku yaalla degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa maqlay rasaas xooggan oo saqdii dhexe ka dhaceysa gurriga uu daggan yahay sarkalakan, sidda ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga wax yaabaha uu isku dilay sarkaalkan, balse ilo xog ogaal ah oo u warramay Caasimada Online, ayaa u xaqiijiyay in uu jiray khilaaf ka dhexeyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna oo ku aadan sababta uu isku dilay sarkaalkii ugu sareeyay ee dhinaca ammaanka maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF Somalia oo wafdi u dirtay shirarka ka socda magaalada Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wafdiga gaaray Baydhabo waxaa hoggaaminaya wasiiradda arrimaha gudaha iyo gaandhigga, Cabdulaahi Goodax Barre iyo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaa kaloo la socda wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Yuusuf Macallin AmiinBaaddiyow iyo wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, Ducaale Aadan Maxamuud

Wafdiga markii ay gaareen magaalada waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka iyo odayaal.

Maxay wafdiggan u tageen Baydhabo?

Ilo Wareedyo kala duwan oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa u xaqiijiyay in wafdiga dowladda ee gaaray Baydhabo in ay halkaas u tageen siddii loo mideen lahaa shirarka is-khilaafsan eek a socda magaaladaas.

Labada shir ee ka socda Baydhabo ee ayaa midka ka socda xarunta ADC-da waxaa looga arrinsanayaa dhismaha maamul gobaleed ka kooban lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, halka kan kalena oo ka socda Hotel Bakiin looga hadlaayo siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa seddax gobal oo kala ah Baydhab, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey u sheegay in shirarka Baydhabo ka socdo loo baahan yahay balse aanu noqon mid caqabad hor leh u abuura dowladda maadama ay heshiis la gaareen maamulka KMG ah Jubbooyinka.

Warar dheeraad ah kala soco Caasimada Online In shaa Allah.

 

Dhageyso: Tirada Soomaalida ku nool Baghdad & xaalka ay ku sugan yihiin

0

Baghdad (Caasimada Online) – Dad Soomaali ah, ayaa ku nool dalka Ciraq, haddana inta badan lagama war hayo ama saxaafaddu ma sheeg sheegto.

Warbixintan waxa ay ka hadleysaa wareysi ku saabsan tirada Soomaalida  Ciraq iyo xaalka noloshooda.

C/raxmaan Maxamed Cartan waxa uu ka mid yahay dadka Soomaaliyeed ee muddada badan ku noolaa dalka Ciraaq, wuxuu ka hadlayaa dadka Soomaaliyeed ee Baqdaad ku sugan.

Halkan ka dhageyso Wareysi

Cabdiraxmaan-Maxamed-Cartan-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]