Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Somalia

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada xilligii salaadii khudbada ee jimcaha, iyadoo weerarka markii hore uu ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay albaabka hore ee Madaxtooyada.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa kadib ayaa rag hubeysan oo dharka milateriga xirnaa ay galeen Madaxtooyada, waxaana mid ka mid ah qaraxyada ka dhacay gudaha Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ku dukaday Masaajidka ku yaal Madaxtooyada oo markii qaraxa dhaca ay banaanka u soo baxeen ay ku dhinteen rasaastii la is weydaarsaday.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha aanu ku dukan masaajidka Madaxtooyada oo weerarka markii hore u badnaa aaggaas, marka loo eego halka qaraxa hore ka dhacay ee albaabka Madaxtooyada ee dhinaca Boondheere xiga.

Ilaa iyo hada waxba lagama oga gudaha Madaxtooyada, waxaa loo diiday inay galaan wariyeyaasha, dhamaan wadooyinka ayaa ah mid xiran ciidamo fara badan ayaa ku hareereysan Madaxtooyada.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida qaranka Jen. Nuur Shirbow uu ku dhintay weerarka Madaxtooyada, sidoo kale Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamuud Xirsi (Indha Case) ayaa isna ka mid ah mas’uuliyiinta dhintay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay meydadka qaar ka mid ah ragii hubeysnaa ee weeraray madaxtooyada ay yaalaan banaanka iyo gudaha Madaxtooyada.

Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas weerar ee lagu soo qaaday Madaxtooyada, isagoo cadeeyay in aanay jirin wax qatar ah jirin, isla markaana mas’uul ka tirsan dowladda aanay wax ku noqon.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa ku qul qulaya halka weerarka ka dhacay, sidoo kale gawaarida dab damiska ayaa u baxay inay damiyaan dabka ka dhashay qaraxii gaariga iyo qarax kale oo gaariga kooxihii watay ahaa oo banaanka Madaxtooyada yaalay, kaasoo qarxay wax yar kadib markii is rasaaseynta bilaabatay.

Weerarkan oo u muuqday mid qorsheysnaa ayaa ahaa kii u horeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana lagu soo beegay, xilli albaabka bari ee Madaxtooyada uu ka socday howlo dhismo ah, taasna ay ka mid aheyd waxyaabihii fududeeyay suurgalnimada weerarka maanta lagu qaaday.

Isha: Jowhar.com