30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Xasan Sh: Askari ka tirsan DF Somalia oo aan mushaar qaadan ma jirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyay ciidamada dowladda in joogto mushaarka loo siiyo, wuxuuna beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda mushaar la siin.

Wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwa dacaayado ah oo lagu wax yeeleenaayo hey’addaha ammaanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in askari kasta oo ciidanka dowladda ka tirsan in bishii la siiyo 100 dollar oo mushaar ah iyo 60 dollar oo ah Garaamka raashiinkiisa.

“Mushaarka ciidamada joogta ayaa loo bixiyaa, waxaana la siiyaa askari kasta oo ka tirsan ciidanka 160 dollar oo ay ku jiraan 60 garaam oo ah raashin, markii horre garaamka wuxuu ahaa 30 garaam”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qiray in mararka qaar ay lacagta soo daahdo, gaar ahaan kuwa beesha caalamka laga keeno, laakin lacagta dowladda ay bixiso in joogto loo siiyo ciidamada oo waliba qaab casri ah oo Elctorinc lagu bixiyo, “oo qofka Profile-kiisa ayaa la hayaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu ka hadlay ciidamo la sheegay in la rukhseeyay iyagoona shaqeenaya.

Wuxuu Xasan Sheekh, madaxweynaha Soomaaliya ku celceliyay in aanu jirin ciidan la rukhseeyay. Isagoona tirada ciidamada la ceyriyay ay gaareyso 709-askari kuwaasoo uu sheegay in aanu shaqo u heynin dowladda.

“Ma ahan meesha hey’ad samafal, waa in askariga uu uu yahay mid dagaal ku jirra iyo mid caawinaya, wixii intaas ka soo hara ciidan nooma ah”

Waxaa jirta ayuu yiri ciidamo howlgab ah oo muddo dheer ciidanka ku jiray ama kuwa ku curyaabay dagaallada lagula jirro caddowga, kuwaas wuxuu sheegay in la dhahay, iska nasta mushaarkiinana soo doonta marka ay bisha dhammaatay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ka hadlay warbixin hordhac ay u soo saareen guddiga dabagalka cunaqabteenta hubka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in warbixintas ay warbaahinta uun ka maqleen isla markaana ay hordhac tahay.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in UN Monitoring Group ay la shaqeeyeen markii ay yimaadeen magaaalda Muqdisho iyo goobaha kale ay rabeen in ay xogta ka soo aruursadaan, isagoona intaas ku daray in wafdi ay u diri doonaan golaha ammaanka QM marka la hor geeyo warbixinta guddigan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiye ku xigeen lagu xukumay 15-sanno oo xarig ah kaddib markii…

0

Baladweyne (Caasimada Online) Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee gobolka Hiiraan ayaa manta oo Isniin ah xukuno dil iyo xabsi dher isugu jirra ku riday labo xubnood oo uu ku jirro guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Baledweyne Cabdullaahi Maxamuud Cumar.

Sidda uu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble, guddoomiye ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay dacwad la xiriirta in uu beeniyaya mid ka mid ah Ilaaladiisa oo wiil arday ah ku dilay magaalada Baladweyne dhammaadkii sannadkii horre.

Waxaa lagu xukumay guddoomiye ku xigeenka 15-sanno oo xarig ah, halkas askariga dilay wiilka ardayga oo isna lagu magacaabo Cabdi Huurow lagu riday xukun dil ah.

Markii uu xukunka dhacay ayaa guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan in eedeesanayaasha ay u furantahay racfaan.

Waxaana ehelka guddoomiye ku xigeenka oo laga qaaday xasaanada ay sheegeen in maxkamadda ay u dhacday si caddaalad daro ah isla markaana ay racfaan qaadan doonaan.

Waa xukunkii ugu horreyay ee ay rido maxkamadda ciidanka qalabka sida tan iyo markii la dhisay 9-kii bishii 12-aad sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

[email protected]

Axmed Madobe oo ciidan ku dalbaday mid ka mid ah saraakiishiisa oo diiday..

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida maamulka KMG ah ee Jubba.

Sarkaalkan ayaa la dhaawacay markii weerar lagu qaaday gurri uu daganaa, waxaa kaloo lala dhaawacmay askari ilaalo u ahaa.

Waxaa dhaawacay sarkaalkan ciidamo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe, kuwaasoo la sheegay in ay ka howgalaan madaxtooyada Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in taliyaha la dhaawacay uu ka dhaga adeegay amar uga yimid maamulka Axmed Madoobe, kaasoo ahaa in uu yimaado xarunta madaxtooyada Kismaayo dabadeedna uu diidday.

Wararkii u dambeeyay ee hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in xaalada taliyaha ay iminka tahay mid halis ah, waxaana lagu wadaa in loo qaado magaalada Muqdisho si halkaas loogu soo daweeyo.

“Waxaa la sugayaa diyaarad ka imaaneysa Muqdisho oo la saarayo taliyaha” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo noo warramay.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in la rabay in wax laga weydiiyo labo qarrax oo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo kuwaasoo khalkhal galiyay ammaanka magaalada balse wuu diidday in uu tago xaruntya madaxtooyada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Daawo Video: Wax kasta oo Sanadkaan 2014 ka her galay Magalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan ka hir gelay Horumar baaxad weyn leh oo dhan walba isugu jiro waxaana laga dareemayaa Bilicda Caasimadda oo wax weyn iska badaleyn.

Muuqaalkani waa mid kooban oo la isku keen keenay waxuuna ka hadlayaa Horumarka sanadkaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

Guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo shaaca ka qaaday in LACAGAHA loogu talagalay ciidamada la musuq-maasuqo

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddiga Maaliyada u qaabilsan Baarlamaanka ayaa shaaciyay in la musuqmaasuqo lacagaha loogu talagalay ciidamada, taasna ay sabab u tahay in fashil uu ku yimaado ammaanka.

Guddoomiyaha guddiga maaliyada baarlamaanka, Sheekh Maxamed Nuur Madeer oo la hadlaayay mid ka mid idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in guddigooda ay hayaan caddeymo muujinaya in lacago badan oo loogu talagalay ciidamada in la musuq-maasuqay ama loo isticmaalay dano gaar ah sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay lacagahaas meelaha laga soo qaaday iyo tiradooda, wuxuu ka gaabsaday in uu sheego cadadka lacagta balse wuxuu xaqiijiyay in ay aad u badan tahay, isagoona ka tilmaamay waddamada Turkiga iyo Talyaaniga in ay ka mid yihiin waddamada laga soo qaaday.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadii horre ee Saacid in ay lacagtaas inta badan ay musuq-maasuqday gaar ahaan wasaarada maaliyada lagu tabaayo lacagtaas sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu caddeyay in dhawaan ay hor keeni doonaan baarlamaanka warbixin muujineysa sidda loo musuqmaasuqay dhaqaalihii loogu talagalay ciidamada dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Cabdullahi Axmed Caddow: Waa ayaan darro in dadki Villa Somalia lagu dilay loo kala aastay hab beeleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdilaahi Axmed Caddow oo ah ruug cadaa siyaasadeed dhowr jeerna isku soo taagay tartanka Madaxweyninimada Soomaaliya, ayaa caawa ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, ayuu sheegay in weerarkaas uu muujinaayo itaal darada dowladda Soomaaliya.

“Haddiiba dharaar cad la weeraray sartii laga xukumaayay Soomaaliya waa ayaan daro, waxaa la ii sheegay in laga soo weeraray dhinaca degmada Boondheere, aaway ciidankii meeshaas joogay, waa fashil dowladda ku yimid waxaana mas’uuliyadeeda qaadanaya madaxda dowladda” ayuu yiri Cabdulaahi Axmed Caddow oo muddo badan safiir Soomaaliya uga ahaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Wuxuu madaxweynaha iyo golaha wasiirada uu ku eedeeyay in ay gabeen wax ka qabsashada falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca Caasimada.

Mar la weydiiyay sidda uu u arko kooxda soo weerartay madaxtooyada in ay wateen dharka ciidanka.

Wuxu yiri “Waa in la baaro cidda fududeysay in ciidamo hubeysan ay soo galaab gudaha madaxtooyada, iskuna dayaan in ay dilaan madaxweynaha” ayuu markale yiri Cabdulaahi Axmed Caddow.

Wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in dadkii ku dhintay weerarkaas loo kala aaso qaab beeleed sidda uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ayaan daro ah in dadkii ku dhintay weerarkaas in qaab qabiil loo kala aasto, sidda agaasimihii xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo Gen Shirbow” ayuu yiri markale.

Ugu dambeyn, wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay xafiiska baneeyaan maadam ay ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan xaalada ammaanka ee caasimada.

Halkan ka dhageyso Cabdullahi Axmed Caddow oo arrimo badan ka hadlaya

cadow

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kenya oo sheegtay in dad Habar-gidir u dhashay ay afduubteen 2 Kenyan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) War lagu qoray Wargeyska Daily Naition ee ka baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in labo ruux oo Kenyan ah oo la shaqeynayay shirkad dhisme oo ku taala magalaada Muqdisho ay afduubteen kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed, kuwaasoo hadda dalbaday 80 milyan oo lacagta Kenya ah oo dhigan hal Milyan oo dollar.

Andrew Mwangura, wuxuu xoghaye guud ka yahay urur ay ku mideesan yihiin badmareenada Geeska Afrika, wuxuu sheegay in wararka ay helayaan ay ka mid yihiin in labada Injineer ay u gacan galeen maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda beesha Habar-Gidir gaar ahaan Ceyr. sidda uu hadalka u dhigay.

Labada Ingineer ayaa la afduubtay 12-kii bishii Janaayo ee sannadkan 2014 waxaana afduubtay kooxo hubeysan xili ay ku sugnaayeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyagoona u shaqeenayay frican Construction Company, kahor inta aysan u gudbin degmada Xarardheere oo 700 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Waxaa wali nala soo xiriiraya qoysaskooda, laakiin waxaa xaqiijinay in kooxaha Soomaalida ay gacanta ku hayaan Kenyan-ka, wararka aan helnay ayaa sheegaya inay bad qabaan, kooxahana ay dalbanayaan lacag madax furasho ah”sidaasi waxaa yiri Andrew Mwangura oo ah xoghayaha guud ee midowga badmaaxiinta Kenya.

Wuxuu sheegay in kooxda  ay sheegteen masuuliyada afduubka, ayna weydiiyeen lacag madax furasho ah, si ay usii daayaan labada injineer ee u dhashay dalka Kenya.

Afduubkaan labada ruux ee Kenyanka ah ayaa ka dhigaya tirada Kenya ee lagu soo afduubtay Soomaaliya inka badan 8 ruux oo ay ku jiraan labo askari iyo afar ruux oo rayid ah, sida Mwangura uu sheegay.

Warkan oo Ingilish ku qoran halkan ka eeg!

http://www.nation.co.ke/news/Somali-Pirates-Kenyans-Mogadishu/-/1056/2218514/-/7md1stz/-/index.html

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Maxaa ka dhacay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay kulan aan caadi oo looga hadlay ammaanka sii xumaanaya ee caasimada

Kulanka oo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ka dhacay waxaa shir guddoominaayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaa kaloo ka qaybgalay guddoomiyaha gobalka Banaadir dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir, taliyaasha ciidamada iyo wasiiro ka tirsan xukuumada oo la sheegay in ay la shaqeyn doonaan xubnaha kula joogay.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wax yaabaha looga hadlay kulanka, wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre.

Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay labo arrin oo kala ah:

1-Golaha wasiirada iyo guddoomiyaasha degmooyinka iyo taliyaasha ciidanka in ay isbartaan kaddibna ay kala qaataan waajibaadyo

2-Siddii looga shaqeyn lahaa ammaanka caasimada oo aysan u soo noqon lahayn weerarkii Jimcihii ka dhacay xarunta madaxtooyada iyo falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca caasimada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

IMG_0656

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka

Waa kulankii labaad oo ka dhacay xarunta Villa Somalia muddo 24-saac wax ka yer kaasoo looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Magaalada waxaa kaloo maanta ka dhacay bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Al-Shabaa, waxaana ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiirkada.

Waxaa kaloo la xiray qaar ka mid waddooyinka caasimada, iyadoo Hotelada qaar ay dhagxaan dhigteen waddooyinka mara.

IMG_06981

IMG_06691

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arag Sawirrada: Gaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Addis-Ababa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee xarunta Itoobiya halkaas oo  si diiranna loogu soo dhaweeyey

Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo wafdigii Puntland ayaa waxa soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Itoobiya, Mudane Tedros Adhanom, Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb Wandhimo asaminow, Agaasimaha Hab-Maamuska Dalka Itoobiya, Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan.

Socdaalka Itoobiya waxaa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda.

ga 1ga 2ga 3ga 4ga 5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Horumarka & bilicda Muqdisho waxa ka dhimman hal arrin oo ah….!

0

Horumarka xoogan ee ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee dhan walba leh waxaa ka dhiman hal arin oo ah in Dowlada Somalia ay dib u dhisto Goobo muhiim ah oo ay ka muuqdaan bubur xoogan.

Muuqaal kooban oo ku tusinaya sida Magaalada Muuqaalkeeda ay isku badashay & inta ka dhiman Bilicda Magaalada oo ah in xarumihii Dowlada ee burburka ka muuqda dib loo dayactiro ee nala arag Video-gaan ka sheekeynaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Odayaasha HAWIYE oo ku dhowaaqay war Xasan Sh uusan ku farxi doonin

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay inaysan qaadan talooyinka ay u soo jeediyaan bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dhowaaqay in odayaasha ay u arkaan in xalka uu ku jirro madaxweynaha in uu is-casilo maadama uu ku guul dareestay in wax ka qabto ammaanka caasimada.

“Annaga muddo badan ayaan talooyin siinay dowladda, waxaana noo muuqata in aysan rabin talooyinkaas, waana tan keentay in la weerarro xarunta madaxtooyada” ayuu yiri Xaad.

Wuxuu caddeeyay in aanu jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeysa hey’addaha iyo shacabka, sidda uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Xaad ayaa madaxda dowladda ka codsaday in la yimaadaan wax qabad iyo in ay la shaqeeyaan bulshadda si looga hortago falalka amniga wax u dhimaya ee ka dhaca magaalada.

Waa markii ugu horreysay oo la sheego in aanu wadashaqeyn ka dhexeynin madaxda dowladda iyo shacabka, in kastoo madaxda dowladda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mas’uul ka tirsan Puntland oo la dilay

0

Garoowe (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen degmda Goldogob ee gobalka Mudug taliyihiin ciidanka degmadaas.

Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegay in taliyaha oo lagu magacaabi jiray Muumin Axmed Muumin, uu toogtay nin ilaalo u ahaa, dabadeedna wuu baxsaday.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo hadda ku howlan soo qabashada gacan ku dhiigalaha dilay taliyaha.

Xaalada Goldogob ayaa hadda kacsan waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo gaar ahaan saldhigga iyo laamiga magaalada.

Ma cadda ilaa hadda sababta keentay in taliyihii degmada Goldogob uu dilo nin ilaalo u ahaa.

Wixii warar ah ee ka soo baxa kala soco Caasimada Online in shaa allah

Magaalo ku taalla Soomaaliya oo laga mamnuucay kooxda Takfiir

0

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas laga mamnuucday in ay ku noolaadaan kooxda Takfiirka loo yaqaano.

Go’aankan ayaa waxaa gaaray maxkamadda Jowhar, waxaana ay ku amartay in la soo qabto cid kasta oo ka tirsan culimada Takfiirka.

Maxkamadu waxa ay sheegtay in ay faafiyaan diin kale, oo aan ahayn tan islaamka sidda ay hadalka u dhigtay, waxaana laga mamnuucay guud ahaan in ay ku noolaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

Tallaabadan ayaa daba socota markii toddobaadkii horre magaalada Jowhar laga qabqabtay culimada Takfiirka kuwaasoo ilaa hadda ku xiran saldhigga guud ee magaalada.

Magaalada Jowhar waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay sidda weyn ugu nool yihiin culimada Takfiirka oo ka dhaqan duwan Soomaalida kale.

Dadka yaqaana waxa ay lee yihiin waxaa ka mid ah dhaqanada ay lee yihiin Hilib ay iyaga gowricin ma cunaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo kan magaalada oo ku aadan amarkan looga mamnuucay in ay magalada ku noolaadaan culimadaas Takfiirka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Safiir Somaliyeed oo ku dhiiraday inuu Xasan dhaliilo kuna baaqo xilal qaadis

0

Doxa (Caasimada Online) – Safiirka Somalia u fadhiya dalka Qatar Cumar Idiris, ayaa ku dhiiraday inuu dhaliilo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kadib weerarkii lagu qaaday Villa Somalia.

Cumar Idiris bartiisa Facebook ku qoray hadal dheer, wuxuuna ugu baaqay masuuliyiinta ammaanka inay si deg dega isu casilaan. Cumar Idiris wuxuu qoraalkiisa barta facebook ku yiri :-

ALLAHA U NAXARIISTO GEN. NUUR SHIRBOW, XOGHAYIHII JOOGTADA EE XAFIISKA RW. INDHA CASE IYO INTII KALEE DHIMATEY OO DHAN INTA DHAAWACA AHNA ALLAHA CAAFIYO.
Teeda kale waxa ugu yar ee la filan karayo dhacdadan ka dib waa iney is casilaan:
1- Wasiirka amniga qaranka.
2- Taliyaha Hay’ada Nabad Sugidda Qaranka.
3- Tan sadaxaad halkan beyd ee gabeyga ah ayaan ku cabirayaa:
Wey fashilantey Hey’adi mar kale, Fiqi ha loo doono.
omar-idiris
Ma ahan wax dhaca in safiir uu dhaliilo dowladda uu matalo, waana diblomaasiyad xumo, waxaana tani ay keeni kartaa in Cumar Idiris uu shaqadiisa ku waayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Muqdisho: Gabar lagu daray 80 jir oo fal laga naxo ku dhaqaaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii gabar aadu da’ yar ay reerkeeda ku dareen nin oday ah oo da’diisa lagu sheegay 80 jir, ayada oo aan marnaba ogoleyn.

Gabadha, ayaa reerkeeda ka codsatay inay ka daayaan, balse waa laga diiday waxaana looga dhigay qasab, waxaana la sheegay in gabadhii ay iska soo tuurtay dabaq.

Gabadhhan ayaa la sheegay in loola cararay isbitaal, kadibna ay halkaasi ku geeriyootay

HALKAAN KA DAAWO:

 

Netherlands: Maxamed Xassan Iyo Nimco Cabdullahi Oo Ku Aqal Galay Amesfoort

0

1-Hooyo Kaltuun Cabdullaahi Cali
2-Adeer Ayman Yassiin Maxxamed
3-Deeqo Cabdullahi Yassiin
4-Fartuun Cabdullahi Yassiin iyo Saygeeda Mustafe
5-Yassiin Cabdullahi Yassiin
6-Daahir Cabdullahi Yassiin
7-Aadan Cabdullahi Yassiin iyo Dhamaan Reer Cabdullaahi Yassiin.

photo (1)

Sidoo Kale Waxaa Hambalayada Diraya

8-Hooyo Shukri Abuukar Sheekh iyo Aabe Xassan Cabdulle.
9-Faadumo Xassan Cabdulle, Saygeeda iyo Caruurteeda
10-Maxamuud Xassan Cabdulle.
11-Cismaaciil Xassan Cabdulle
12-Xaawo Xassan Cabdulle, Saygeeda iyo Caruurteeda, Dhamaan Reer Xassan Xaaji Cabdulle.

Sidoo Kale Asxaabta kala ah

1-Abdullahi Jama

2-Maxamed Cali Xalane.
3-Sheekh Abdiraxman.
4-Cali Xaaji Aweys.
5-Mahad Cabdiqadir Faarax.
6-Cabdullahi xirsi Dacar.
7-Cabdiqaadir
9-Muqtaar

10- Fa,iso12-Fartuun Maxamed Cibaar, Caruurteeda iyo Saygeeda.
13-Maxamed Daa,uud Cumar Yuumbi, Xaaskiisa iyo Caruurtooda.

Dhamaan Dadkaan oo isugu jira Ehel, Qaraabo iyo Asxaab kuna kula sugan Yurub, Mareykan, Canada Iyo Soomaaliya, waxa ay Hambalyo u Dirayaan Arooska iyo Aroosada Maxamed Xassan Cabdulle iyo Nimco Cabdullahi Yassiin oo 22-02-2014 Khamiis Meherkooda uu ka dhacay Magaalada Amesfoort ee Dalka Netherlands, Waxa ayna Illaah ugu baryayaan in Reerkooda uu noqdo kii ay ku nastaan oo lagu soo hirto kala siiyana Owlaad saalix ah….Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiin

SAWIR: Ammaanka Muqdisho in faraha uu ka baxay tan ayaa caddeen u ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ma ahan wax cusub in mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu isku liido ajnebi darajadiisa laga yaabo in ay hooseeso ama loo diro qof ay isku heer yihiin.

Waxaa marar badan dhacda, in wasiir, xildhibaan, diplomaasi reer galbeed ah lagu soo dhaweeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ay ku soo dhaweeyaan madaxda dowladda sida madaxweynaha.

Ma suurtagalin ilaa hadda mas’uul ku dhaha mas’uuliyiinta reer galbeedka noogu imaada xarumaha dowladda sidda Vila Somalia iyo goobo kale,marka laga reebo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ra’iisal wasaarihii dowladii KMG ah, kaasoo si cad ah ugu sheegay danjirihii QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Agustina Mahiga, balse waxaa iska ku dhacday in beesha caalamka ay ku kacaan isla markiina xilka ayaa laga tiriyay.

Madaxweynaha_oo_la_kulmay_Xubno_UK_1

Si kastaba, waxaa Khamiistii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu tagay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska kaasoo magaalada booqasho ku yimaaday.

Ammaanka goobta uu xildhibaanka tagay oo ahayd xarunta AMISOM ee Xalane ayaad loo adkeeyay, saxaafadda waa loo diidday in ay goobjoog ka ahaadaan shirka jaraa’id marka laga reebo Raadiyaha dowladda.

Shir jaraa’id oo madaxweynaha iyo xildhibaanka ay qabteen, waxa ay ku sheegeen in ay ka hadleen siddii loo soo dhaweyn lahaa xildhibaanka iyo in Ingiriisku uu door muhiim ku lee yahay horrumarka iyo gacan siinta dowladda Soomaaliya.

Waxa ay arrintan muujineysaa in ammaanka goobaha dowladda ay ka arrimiso aaney la isku haleen karin, haddiiba xildhibaan baarlamaan heerkaas loo qiimeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

Video: Muqdisho: Adeegga caafimaad oo horumar weyn uu kusoo kordhay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalinba maalinta xigta laga hergelinayo horumar aad loogu farxayo ayaa waxaa markan kusoo kordhay arrin cusub oo horumar dhinaca caafimaadka ah.

Dhaqaatiirta Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay tan iyo bur bur waxa ay fuliyeen qalliin loo adeegsaday aaladda laysarka, oo ah habka ugu fudud ee qaliin loo sameeyo.

Isbitaalka Dr. Cusmaan Fiqi ee Muqdisho, ayaa qalliinka lagula sameeyey hooyo Soomaaliyeed, waxaana video-gan uu ka tusinaya qalliinka iyo dhaqaatiirta oo ka war-bixinaya.

HALKAAN KA DAAWO: