Dhageyso: Cabdullahi Axmed Caddow: Waa ayaan darro in dadki Villa Somalia lagu dilay loo kala aastay hab beeleed

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdilaahi Axmed Caddow oo ah ruug cadaa siyaasadeed dhowr jeerna isku soo taagay tartanka Madaxweyninimada Soomaaliya, ayaa caawa ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, ayuu sheegay in weerarkaas uu muujinaayo itaal darada dowladda Soomaaliya.

“Haddiiba dharaar cad la weeraray sartii laga xukumaayay Soomaaliya waa ayaan daro, waxaa la ii sheegay in laga soo weeraray dhinaca degmada Boondheere, aaway ciidankii meeshaas joogay, waa fashil dowladda ku yimid waxaana mas’uuliyadeeda qaadanaya madaxda dowladda” ayuu yiri Cabdulaahi Axmed Caddow oo muddo badan safiir Soomaaliya uga ahaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Wuxuu madaxweynaha iyo golaha wasiirada uu ku eedeeyay in ay gabeen wax ka qabsashada falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca Caasimada.

Mar la weydiiyay sidda uu u arko kooxda soo weerartay madaxtooyada in ay wateen dharka ciidanka.

Wuxu yiri “Waa in la baaro cidda fududeysay in ciidamo hubeysan ay soo galaab gudaha madaxtooyada, iskuna dayaan in ay dilaan madaxweynaha” ayuu markale yiri Cabdulaahi Axmed Caddow.

Wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in dadkii ku dhintay weerarkaas loo kala aaso qaab beeleed sidda uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ayaan daro ah in dadkii ku dhintay weerarkaas in qaab qabiil loo kala aasto, sidda agaasimihii xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo Gen Shirbow” ayuu yiri markale.

Ugu dambeyn, wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay xafiiska baneeyaan maadam ay ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan xaalada ammaanka ee caasimada.

Halkan ka dhageyso Cabdullahi Axmed Caddow oo arrimo badan ka hadlaya

cadow

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com