Guddiga maaliyadda Baarlamaanka oo shaaca ka qaaday in LACAGAHA loogu talagalay ciidamada la musuq-maasuqo

Muqdisho (Caasimada Online) Guddiga Maaliyada u qaabilsan Baarlamaanka ayaa shaaciyay in la musuqmaasuqo lacagaha loogu talagalay ciidamada, taasna ay sabab u tahay in fashil uu ku yimaado ammaanka.

Guddoomiyaha guddiga maaliyada baarlamaanka, Sheekh Maxamed Nuur Madeer oo la hadlaayay mid ka mid idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in guddigooda ay hayaan caddeymo muujinaya in lacago badan oo loogu talagalay ciidamada in la musuq-maasuqay ama loo isticmaalay dano gaar ah sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay lacagahaas meelaha laga soo qaaday iyo tiradooda, wuxuu ka gaabsaday in uu sheego cadadka lacagta balse wuxuu xaqiijiyay in ay aad u badan tahay, isagoona ka tilmaamay waddamada Turkiga iyo Talyaaniga in ay ka mid yihiin waddamada laga soo qaaday.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadii horre ee Saacid in ay lacagtaas inta badan ay musuq-maasuqday gaar ahaan wasaarada maaliyada lagu tabaayo lacagtaas sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu caddeyay in dhawaan ay hor keeni doonaan baarlamaanka warbixin muujineysa sidda loo musuqmaasuqay dhaqaalihii loogu talagalay ciidamada dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com