Axmed Madobe oo ciidan ku dalbaday mid ka mid ah saraakiishiisa oo diiday..

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida maamulka KMG ah ee Jubba.

Sarkaalkan ayaa la dhaawacay markii weerar lagu qaaday gurri uu daganaa, waxaa kaloo lala dhaawacmay askari ilaalo u ahaa.

Waxaa dhaawacay sarkaalkan ciidamo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe, kuwaasoo la sheegay in ay ka howgalaan madaxtooyada Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in taliyaha la dhaawacay uu ka dhaga adeegay amar uga yimid maamulka Axmed Madoobe, kaasoo ahaa in uu yimaado xarunta madaxtooyada Kismaayo dabadeedna uu diidday.

Wararkii u dambeeyay ee hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in xaalada taliyaha ay iminka tahay mid halis ah, waxaana lagu wadaa in loo qaado magaalada Muqdisho si halkaas loogu soo daweeyo.

“Waxaa la sugayaa diyaarad ka imaaneysa Muqdisho oo la saarayo taliyaha” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo noo warramay.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in la rabay in wax laga weydiiyo labo qarrax oo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo kuwaasoo khalkhal galiyay ammaanka magaalada balse wuu diidday in uu tago xaruntya madaxtooyada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com