Guddoomiye ku xigeen lagu xukumay 15-sanno oo xarig ah kaddib markii…

Baladweyne (Caasimada Online) Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee gobolka Hiiraan ayaa manta oo Isniin ah xukuno dil iyo xabsi dher isugu jirra ku riday labo xubnood oo uu ku jirro guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Baledweyne Cabdullaahi Maxamuud Cumar.

Sidda uu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble, guddoomiye ku xigeenka ayaa lagu eedeeyay dacwad la xiriirta in uu beeniyaya mid ka mid ah Ilaaladiisa oo wiil arday ah ku dilay magaalada Baladweyne dhammaadkii sannadkii horre.

Waxaa lagu xukumay guddoomiye ku xigeenka 15-sanno oo xarig ah, halkas askariga dilay wiilka ardayga oo isna lagu magacaabo Cabdi Huurow lagu riday xukun dil ah.

Markii uu xukunka dhacay ayaa guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan in eedeesanayaasha ay u furantahay racfaan.

Waxaana ehelka guddoomiye ku xigeenka oo laga qaaday xasaanada ay sheegeen in maxkamadda ay u dhacday si caddaalad daro ah isla markaana ay racfaan qaadan doonaan.

Waa xukunkii ugu horreyay ee ay rido maxkamadda ciidanka qalabka sida tan iyo markii la dhisay 9-kii bishii 12-aad sannadkii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne

Caasimada@live.com