Arag Sawirrada: Gaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Addis-Ababa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey ayaa gaaray magaalada Adis Ababa ee xarunta Itoobiya halkaas oo  si diiranna loogu soo dhaweeyey

Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo wafdigii Puntland ayaa waxa soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Itoobiya, Mudane Tedros Adhanom, Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Amb Wandhimo asaminow, Agaasimaha Hab-Maamuska Dalka Itoobiya, Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Axmed Cabdisalaan.

Socdaalka Itoobiya waxaa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda.

ga 1ga 2ga 3ga 4ga 5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com