Odayaasha HAWIYE oo ku dhowaaqay war Xasan Sh uusan ku farxi doonin

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa madaxda dowladda ku eedeeyay inaysan qaadan talooyinka ay u soo jeediyaan bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dhowaaqay in odayaasha ay u arkaan in xalka uu ku jirro madaxweynaha in uu is-casilo maadama uu ku guul dareestay in wax ka qabto ammaanka caasimada.

“Annaga muddo badan ayaan talooyin siinay dowladda, waxaana noo muuqata in aysan rabin talooyinkaas, waana tan keentay in la weerarro xarunta madaxtooyada” ayuu yiri Xaad.

Wuxuu caddeeyay in aanu jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeysa hey’addaha iyo shacabka, sidda uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Xaad ayaa madaxda dowladda ka codsaday in la yimaadaan wax qabad iyo in ay la shaqeeyaan bulshadda si looga hortago falalka amniga wax u dhimaya ee ka dhaca magaalada.

Waa markii ugu horreysay oo la sheego in aanu wadashaqeyn ka dhexeynin madaxda dowladda iyo shacabka, in kastoo madaxda dowladda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com