Mas’uul ka tirsan Puntland oo la dilay

Garoowe (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen degmda Goldogob ee gobalka Mudug taliyihiin ciidanka degmadaas.

Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegay in taliyaha oo lagu magacaabi jiray Muumin Axmed Muumin, uu toogtay nin ilaalo u ahaa, dabadeedna wuu baxsaday.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo hadda ku howlan soo qabashada gacan ku dhiigalaha dilay taliyaha.

Xaalada Goldogob ayaa hadda kacsan waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo gaar ahaan saldhigga iyo laamiga magaalada.

Ma cadda ilaa hadda sababta keentay in taliyihii degmada Goldogob uu dilo nin ilaalo u ahaa.

Wixii warar ah ee ka soo baxa kala soco Caasimada Online in shaa allah